Home Blog Page 1266

Maamulka Banaadir oo burbiriyey dhisme sharci darro ah oo laga dhisay Garoonkii LLP Jeenyo.

Ka dib amar ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir todobaadkii hore ayaa saaka waxaa si rasmi ah loo burburiyey dhisme sharci darro ah oo laga dhisayey garoonka kooxda kubadda cagta ee LLP Jeenyo ee degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa goob joog ka ahaa hawlgalka burburinta dhismahan, waxaana uu fariin u diray dadka dhisanaya dhulka danta guud ah.

Dhawr mar ayaa la joojiyey dhismahan, balse ugu dambayn maanta ayaa la burburiyey, si loo ilaaliyo dhulka danta guud ah.

Duqa Muqdisho oo Dawladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada walaaltino ee siiso ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Dawladda iyo shacabka dalka Turkiga taageerada walaaltino ee mar walba ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay qirayaan doorka weyn ee Turkigu ka qaatey dib-u-soo kabashada dalka, waxaana uu xusay in kaalinta Turkiga ee Soomaaliya wax weyn ka bedashay xaaladda dalka, gaar ahaan waqtigii adkaa ee indhaha caalamka ay Soomaaliya kusoo jeedisay booqashadii Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ee August 19, 2011.

“Waxaan ugu mahadcelineynaa Dawlada Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagga xili muhiim ahaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeedisay booqashadii August 19, 2011 .”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay Munaasabad lagu taageerayay Dawladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Mudane Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed abaalka Turkiga marna ilaawi doonin, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isla markaana xajmiga taageerada ay bixiyeen la barbardhigi karin inta ay ina siiyaan waddamada kale.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan oo dhinac taagnaa Safiirka dalkaas u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa caddeeyey in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruuddu ku xirnayn, shacabka Muqdisho ku dhaqanna ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

Oslo(SNTV):— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa kulan ku qaatay magaalada Oslo, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, ka wada shaqaynta arrimaha amniga, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka guud.

Wasiirka Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Norway, Ine Marie Eriksen Søreide.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wasiirka warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay xaaladda Dalka iyo qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa bogaadisay horumarka ballaaran ee dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo, waxa ayna ka dhawaajisay in ay xukuumadda Oslo ay sii joogteyn doonto taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Norway ayaa maalinta berri ah ka qeyb gelaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo kaas oo socan doona mudda laba maalin ah ayna kasoo qeyb gelayaan madax ka socota caalamka.

 

Ilhan Omar oo noqotay Musharaxa kaliya ee Xisbiga dimuqraadigu taageeray

0

Muqdisho (SNTV)– Ilhaan Cumar oo hora u shaacisay in ay u taagan tahay Xubinta Xildhibanimo ee Kongareeska dalka Mareykanka iyadoo mataleysa degmada 5aad ee  gobolka Minnesota ayaa Xisbiga Dimuqraadiga u doortay in ay u Matasho degmada 5-aad.iyadoo wakiilada Xisbiga ay kala saareen Musharxiinta.

Degmada 5 aad ee Gobolka Minnesota, waxaa ka sharaxan 5 Musharax oo u tartamaya Kursigaan,waxaana madasha soo xaadiray doorashada Xisbiga msharaxiinta,lagu  kala saarayey  Patariisha Torres,Franka Nelson Iyo Ilhan Omar Iyadoo ay xarunta ay ka maqnaayeen labada Musharax ee kala ah Margret Anderson & Jamal Abdullaahi oo ah wiil Somalia Americaan ah.

Wareegii Koowaad ayaa waxaa tirinta Codadka ku hoggaaminaysay Ilhan omar,iyadoo wareegii labaad ay heshay 68 Cod .

Musharaxiinta kala ayaa sheegay in ay wadi doonaan olaolahooda doorasho ilaa inta laga gaarayo goobta lagu kala baxayo.

Guusha ay gaartay Ilhaan ka sokaw,waxaa ayadana horay u taageeray Gudoomiyaha Gobolka Minnesota mark Dayton Iyo Duqa magaalada Minneapolis jecab Faray.

Qaar ka mid ah dadka soomaaliyeed ee Goobta ku sugnaa ayaa ayaguna dareenkoda cabiraya.

Ilhan Omar oo la hadashay War-baahinta qaranka la hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay,iyadoo u mahadcelisay taageerayaasheeda.

Kursiga ayaa waxaa ku fadhiyey kiit Eleson oo ahaa ninkii Ugu horreeyey oo Mulsim ah,Iyadoo Ilhaan Omar Iyo Jamal Abdullaahina ay noqonayaan labadii qof ee ugu Horrreeyey oo Somali ah ee tarma Xubinta Xildhibaanimo ee Kongreska Mareykanka.

Mahad Cabdalla Cawad oo koormeeray Xarunta Golaha shacabka

0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu horeyn koormeeray xarunta golaha shacabka oo howlo dib u dayactir ah ay ka socdaan, sidoo kalena xafiisyada qaar iyo wejiga hore ee dhismaha xarunta lagu sameynayo dayactir iyo qurxin.

“Waxaa maanta sharaf noo ah in aan manta koormeer balaaran ku soo sameyno xarumaha golaha shacabka oo aan ka soo bilowno xarunta weyn ee golaha shacabka, kuna soo gabagabeyno xarunta Villa Hargeysa oo ah xarunta guddoonka iyo guddiyada” ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa intii uu koormeerka waday la kulmay Injineerada iyo shaqaalaha ka shaqeynaya howlaha dayactirka iyo dhismaha.

“waxaan xog wareystay Injineerada dhisaya xarunta Villa Hargeysa oo si kmg ah golaha ugu shaqeyn doono, waxan ay ii sheegeen in howshu ay si wanaagsan ku socoto, talooyin ayaa ku darsaday howsha ay wadaan maadaama aan rabno in xarunta ay la mid noqoto kuwa baarlamaanada caalamka ay yihiin” ayuu mar kale yiri guddoomiye Mahad.

Ugu dambeyn guddoomiye Mahad ayaa la kulmay qaar ka mid ah ciidamada amaanka ee golaha iyo agaasimayaasha oo uu ka xog wareystay xaaladaha ay ku sugan yihiin.

“Intii aan koormeerka waday waxa la kulmay ciidamada iyo agaasimayaasha qaar, waxay ii xaqiijiyeen iney heleen bishii la soo dhaafay mushaaraadkooda mida hada socotana ay heli doonaan arrintaas aad ayay noo farxad gelisay waxana ugu mahad celineynaa howshaas wasaarada Maaliyadda” ayuu ugu dambeyn yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golahashacabka.

Koormeerka guddoomiyaha waxaa ku wehlinaayay Habdhowraha guud ee golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “ Nuux “.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maalintii uu xilka la wareegay ka dib amray in dayactir iyo qurxin balaaran lagu bilaabo xarunta weyn ee golaha shacabka inta laga gaarayo howsha dhismaha ee xaruntaasi oo guud ahaan la qorsheynayo in si casri ah loo dhiso, shirarka golahana loo soo wareejiyo xarunta uu hada dhismaha cusub ka socdo ee Villa Hargeysa oo si kmg ah loogu sii shaqeyn doono.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Gaaray Norway

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmaya Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda Norway.

Shirkaan oo qorshuhu yahay in uu socdo 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.

Soomaaliya oo maxkamadda adduunka u gudbisay jawaab-celinta

0

Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka ICJ ee magaalada Hague waxaa ku sugan Ergada Ku mataleya Soomaaliya si ay u gudbiyaan jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeya .

Galkan waxaa Maxkamadda lagu wareejinayey maanta saacadda Bariga Afrika marka ay ku beegneyd 4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.

Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka’ ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi.
19 ka sept 2016 kii ayeey ka billaabtay dhegeysiga dacwad u dhexaysa Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka soohdinta Baddedka Badweynta India ee labada dal.
Qareennada gacanta ku haya Galdacwadeedka Badda ay isku hayaan labada Dal waxaa ay si rasmi, ah ugu wareejinayaan  Maxkamadda Calaamigah ee ICJ.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan ka galayniin  waxa gorgortan ah Soohdinta Badda  ay xaqa u leedahay Soomaaliya, aynaa ku qanacaso Dawladda Soomaaliyaa Maxkamadda Calaamigah go,aanka ay ka garto muran ka tagan  Soohdinta Badda ee Soomaaliya iyo kenya u dhexayso.

 

 

Soomaaliya oo maanta si dhammeystiran u maamulaneysa Hawadeeda

0

Xarunta maamulka Hawada ayaa maanta gelinkii dambe  si rasmi ah loogu dhammeystiray maamulidda Hawada dalka, waxaa la soo wareejiyey  qalabkii iyo shaqaalihii ka harsanaa dhammeystirka maamulka Hawada.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa uu goob-joog ka ahaa madashan kaddibna si ramsi ah ayuu u furay maamulka dhammeystiran ee Hawada dalka.

Avireo Lopez waa madasha howlgelinta hey’adda ICOA waxa uu muujiyey in 27-sanno kaddib ay muuqato isku filnaansho Soomaaliya ay  ka gaarta dhinaca maamulka Hawada, waxa uu intaa raaciyey in  tani ay wadddo cusub u furi doonto wijiga Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa xaqiijiyey in si dhammeystiran loo howlgaliyey qalabka maamulka Hawada dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa rumeysan oo kalsooni ku qaba in shaqaalaha maamula Hawada ee Muqdisho loo soo wareejiyey ay ku filan yihiin maamulidda Qalabka si buuxda loo furay hadda.

 

Ururka 89-aad ee xoogga dalka oo qaatay tababar adag

0

Muqdisho (SNTV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saareysa Dhismaha ciidammada Qalabka sida ururka 89-aad SAADKA ee ciidanka xoogga dalka waxaa  la siiyey tababar adag oo socdey muddo Lix bilood.

Madaxa Hoggaanka Saad ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Maxamuud Garabeey  ayaa sharraxay tababarkaan nooca uu ahaa iyo waxa laga filayo ururka 89-aad ee ciidanka

Ururrada hoostaga talisyada gaarka ah ayaa loo jeediyey in ay u tafa xeytaan sidii ay ciidammada u siin lahaayeen tababarro aqoonta iyo awoodda Askarta lagu dhisayo, taliska guud ee ciidammada xooggana uu kula xisaabtami doono.

Waxa uu la dar daarmay ciidamamdii tababarka la siiyey, kuna ammaanay dhabar adeegga ay muujiyeen,  taliayha ciidanka Xoogga dalka S/ Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa si gaar ah ugu ammaanay macallimmiintii Tababarka bixisay.

Taliyaha ciidammada Xoogga ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarkii ururka 89-aad ee SAADKA.