Home Blog Page 1256

Robert Mugabe oo hadal layaab leh jeediyay xilli ay berri doorasho ka dhici doonto Zimbabwe

29, JULY, 2018, Muqdisho (SNTV) Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa qabtay shirjiraa’id oo uu kaga hadlayo Doorashooyinka guud ee lagu wado in maalinta berri ah ay u dareeraan dadweynaha dalka Zimbabwe.

Mr. Mugabe ayaa sheegay in uu taageeri lahayn Emmerson Mnangagwa oo ah ninka u sharaxan xisbiga Zanu-PF islamarkaana ay ku wadaan inuu noqdo qofkii bedeli lahaa oo noqon lahaa madaxweynaha dalka Zimbabwe.

Robert Mugabe ayaa si khasab ah looga qaaday xafiiska talada dalkaasi ayaa yiri ‘Anigu ma taageeri lahayn xisbiga aan dhisay oo si qasabka ah iigaga qaaday xafiiska’

“uma codeeyeen kuwa isoo weeraray oo i hareereeyay,” ayuu yiri. “aniga waxaan xulan lahaa oo dooran lahaa 22-ka kale ee musharixiinta ah.”

Hadalka Mugabe ayaa kusoo beegmay xilli maalinta berri ee isniinta loo balansan yahay in ay doorashooyinka guud ee ka qabsoomaan gudaha dalka Zimbabe, doorashadaasi oo ah tii ugu horreeysay oo laga qabto dalkaasi taniyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe.

Falastiin Iyo Israaiil oo laga dhex wado dadaalo xabad joojin

Isku duwaha wada hadalada  Nabadeed ee Qaramada Midoobay  ay u xilsaartay Arimaha Barig Dhexe  ayaa Mudooyinkaan falastiiniyiinta iyo israel  ka dhexe waday wada hadalo  lagu doonayo  in xabad joojin lagu dhexhe  dhigo labada dhinac.

Mladenov oo ku sugan Qaahira ayaa  wada hadalo la  yeeshay  madaxda labada Dowladood iyo  madaxda hogaaminaysa  dowladda ay dariiska yihiin ee Masar, waxaanna la sheegay in  uu kala hadalay  sidi looga gaabsan  lahaa in ay dib u soo laabtan rabshado hor leh   iyo xasuuq dib uga dhaca Qasa.

Dad badan oo reer  Falastiin ah  ayaa  ku dhintay qulqulatooyin  ka dhacay magaalada Qasa taasoo looga cabanayey degaameynta israel ay kawado  dhulalka falastiiniyiinta

 

Soomaaliya oo safaarad ku yeelanaysa Eritrea.

Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Eritrea ayaa kulan la yeeshay madaxwaynaya dalkaas Isaias Afwerki, waxaana ay dhidibadda u aaseen xiriir cusub oo labada dal ay yeeshaan, kaas oo ku qotoma iskaashi, amni, dhaqaale iyo bulsho.

Dawladda FS ayaa safaarad ka furanaysa caasimadda Asmara, halka Eritrea ay safaarad ka furanayso Muqdisho, taas oo ah isha laga garto calaaqaadka rasmiga ah ee laba dal, sidaa waxaa xaqiijiyey wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Eritrea waa dal abuurmay 1993-dii, waqtigaas oo Soomaaliya colaado sokeeye ka jireen, hadda ka horna caalqaad dawladeed oo toos ah ma dhex marin, inkastoo xiriir ummadeed iyo mid gobol uu ka dhexeeyo, waxaana shalay socdaalkii ugu horreeyey ee madaxwayne Soomaaliyeed ku tagay madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabduullaahi Farmaajo.

Garowe oo lagu soo dhaweyay Ra`iisul wasaare Xasan Cali KHayre

0

waxaa si hare sare ah lagu soo dhaweyay magaalada Garowe ee xaruunta maamullka Puntland  Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali KHayre iyo wafdi u hoggaminayo  iyadoo faras-magaalaha la suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ku soo dhaweyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Mas’uuliyiinta  Maamull  Goboleedka Puntland iyo dadweyne fara badan, si ay uga qeyb qaataan soo dhoweynta wafdiga uu hor kacayo Xasan Cali KHayre,iyadoo ay ku wehelinayaan xubno ka tirsan golaha xukumaada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiiradda ee todobaadkan ayaa waxaa  uu ka dhacaya magaalada Garowe kasoo looga hadalayo  xaalada dalka, sanadkii hore ayay aheyd markii shirkii Golaha Wasiirada lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Toos ugaa daawo SNTV soo dhawaynta Ra’iisul Wasaaraha  dalka  ee Magaaladda Garowe

 

 

Guddoomiye Yariisow oo sheegay in labaahiyo awoodda maamulka degmooyinka

0

Guddoomiyaha  Gobolka ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siinayaan maamulka Gobolku kor u qaadista aqoonta iyo khibradda maamul ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmooyinka Gobolka Banaadir, taas oo salka ku haysa qorshaha dib u habaynta iyo daadajinta Adeegyada bulshada.

“Dadaal badan ayaan gelinaynaa sidii aan u dhisi lahayn awoodda maamul ee degmooyinka Gobolka, annaga oo beegsanayna sidii aan u xoojin lahayn daah furnaanta maamulka, la dagaallanka musuq maasuqa iyo asteynta maamul wanaag si siman ugu wada adeegayada dhammaan shacabka.”

Eng.Yarisow ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir in ay si siman ugu adeegaan bulshada, isla markaasna ay joogteeyaan kormeerka iyo la socodka xafiisyada adeegga bulshada, laamaha ammaanka iyo garsoorka degmooyinkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay muhiim tahay kor u qaadista kalsoonida shacabku ay ku qabaan maamulka degmooyinkooda, arrinkaas oo xoojinaya wada shaqeynta bulshada iyo maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilinta oo ay kaalin wayn ka qaateen shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Soomaaliya iyo Ereteriya oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka

Asmara, Luuliyo 28, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya ayaa wada hadallo la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki kuwaas oo ku qotoma dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweyne Isaias Afwerki, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalka Ereteriya, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, shacabka dalka Ereteriya ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aqbaaladda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan taariikhiga ah, isagoona tilmaamay in ay bilow wanaagsan u tahay waji cusub oo uu yeelan doono xiriirka labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.

DHAMMAAD

Dhul gariir waxyeelo ba’an geystay oo Indonesia ka dhacay

0

Ugu yeraam 10 ruux ayaa ku dhimatay dhul gariir xoogan oo ku dhuftay jaziirad caan ku ah dalxiika oo ku taala wadanka Indonesia.

Dhul gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.4 magnitude oo ah hal beega dhul gariirada ayaa ka dhacay jaziirada Lombok oo dhacda bartamaha wadankaas subaxnimadii hore maanta oo Axad ah.

Jaziirada uu ka dhacay dhul ruxanka ayaa ah meel si weyn u soo jiidata dalxiisiyaasha caalamka, waxayna  qiyaastii 40km dhanka bari ka xigtaa jaziirada kale ee caanka ah ee Bali.

Dhismiyaal badan ayaa burburey, iyadoo daraasiin dad ah dhaawacyo soo gaartay, sida saraakiisha deegaanka laga soo xigtay.

Hey’adda Mareykan ah ee ka faaloota arrimaha dhul gariirada ayaa sheegtay in xudunta dhul gariirkan ay tahay meel 50km u jirta magaalada Mataram oo ku taala waqooyi beri ee Jaziirada Lombok.

Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in dhul gariir ka yar uu ka dhacay qeybo kale ee  wadanka Indonesia.

Ku dhowaad 40 ruux ayaa dhaawacantay halka daraasiin guriyo ah ay burbureen, sida uu sheegay  Sutopo Purwo Nugroho, oo ah afhayeenka hey’adda maareynta musiibooyinka wadankaas.

“Waan qiyaasaynaa tirada waxyeelada, waxaana laga yaabaa in ay sii kororto waayo tirada si sax ah looma aruurin,”  ayuu yiri.

“Shaqada ugu weyn waa in la soo daad gureeyo dadka si loo badbaadiyo. Qaar kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa xarumaha caafimaadka.”

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka guriyaha iyo qashin badan oo daadsan waddooyinka.

Dalka Indonesia waa meel u nugul dhul gariirada maadaama ay tahay dhul fidsan isla markaana ay ku wareegsan tahay Badda Pacific, taasi ayaana keenta in si joogto ah ay ugu dhacaan dhul gariirada, qaraxa Fulkaanooyinka.

Duqa Muqdisho “Waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadir”

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa daah-furay barnaamijka bandhigga Jaamacadaha oo ah madal sanadkii labaad la qabanayo taas oo dib u eegis loogu sameynayo heerka waxbarasho dalka, kaalinta jaamcaduhu ay ka soo-qaateen samata bixinta waxbarashada xilligii bur burka iyo caqabadaha haatan jira ee muhiimka ay tahay in wada jir aan wax uga qabano.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey muwaadiniintii Soomaaliyeed ee sida is-xilqaanka ugu istaagay howlahay waxbarashada, xilli duruufo adag ay ka jireen dalka, isagoona tilmaamay in shakhsiyaadka, xarumaha waxbarashada iyo dalladaha ay ku mideysanyihiin ay shacabka Soomaaliyeed u buuxiyeen kaalin taariikhiga ah.

“Madashan waxa ay inoo tahay fursad aan isku waydaarsanno horumarka aan ka gaarnay waxbarashada iyo caqabadaha aan xalka u raadinayno, waana mid ka mid ah waddooyinka guusha lagu gaaro, sababtoo ah guushu waxa ay ku jirtaa in wixii qabsoomayna la bogaadiyo, wixii kalena la isla meel dhigo qorshihii lagu horumarin lahaa.”

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada in ay kaalintooda ka qaataan bandhiggan, isla markaasna ay la wadaageen bahda waxbarashada heer jaamacadeed fikaradaha iyo tallooyinka ku qotoma tayeyna waxbrashada sidii ay u noqon lahayd mid wanaagsan.

“Annaga oo kaashanayna Hay’adaha Waxbrashada heer Federaal, waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadir iyo in aan fursado shaqo u abuurno ardayda ka qalin jabisa jaamacadahaas oo tayo waxbarasho iyo xirfad shaqo-ba ay ka muuqato in badan oo kamid ah ardaydii laga shaqaaleysiiyey gobolka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa kormeeray goobo bandhigeed gaar gaar ah oo jaamacaduhu ay ku soo bandhigayeen sooyaalkooda waxbarasho,kulliyadaha iyo fursadaha ay ugu tala galeen ardayda ku biiraysa sanad dugsiyeedka 2018-2019, isagoona halkaas warbixinno kaga dhagaystay maamulka iyo matalayaasha Jaamacadaha.

Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa maqaamka Caasimadaha Federaalka ah ee dunida oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV) Aqoon isweydaarsigaan khubarada wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya waxa ay ku soo bandhigeen nidaamyada ay ku dhisan yihiin caasimadaha wadamada qaatay nidaamka Federaalka ah ee dunida.

Agaasimaha waaxda Fedraalka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Xaaji oo sharxay nidaamyada kala duwan ee lagu maamulo caasimadaha Federaalka waxa uu sheegay iney jiraan 3 maqaam oo kala ah, degmo caasimad Federal ah sida magaalada Washintong  ee caasimada Mareekanka,  magaalo caasimad u ah dowlad goboleed iyo dowladda Federaalka sida caasimada dalka Jarmalka ee Barlin iyo magaalo ku dhex taala dowlad goboleed oo ah Ottoawa Kanada sida uu sharxay.

Ka qeyb galayaasha ayaa aragtidooda ka dhiibtay hababka caasimadaha waddamada Federaalka ah ee dunida iyo sida mid ka mid ah looga tusaale qaadan karo maqaamka Caasimada Federaalka ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud oo soo xiray Aqoon isweydaarsiga waxa uu sheegay in muhiimada ay aheyd in wax laga barto nidaamka ay ku dhisan yihiin caasimadaha wadamada Federaalka ah ee dunida.

“Ujeedka waxa uu ahaa haba lakala duwanaado nidaamyada caasimadaha Federaalka ah ee dunida in wax laga fahmo waa nuucee?  ma caasimad dagmo ku taalaa, ma caasimaad gobol mise mid maamul goboleed kutaalaa? intuba waa doorasooyin  guud oo imaan doonaa marka waxa ay aheed inaan keeno fakar guud oo lagu dul shaqeeyo” ayuu yiri agaasimaha.

waxa uu intaa ku daray in ay sii wadayaan wadatashiyada iyo aqoon isweydaarsiyada ceynkani ah si loogu diyaar garoobo sameynta maqaamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee horyaala Barlamaanka Fedraalka Soomaaliya.

“ Waa wadaynaa latashiga Wasaaradu waxay xilkeedu yahay in aan ogaano taladda dadka sida dadku ay u fakarayaan anagu waa in aan keeno taladda dadka, aqoon guud waa in aan miiska usoo saarno Xukuumaddu si ay markaasi xog ogaalnimo ku go’aan qaadato” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa 3 beri oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona Asmara.

Boqollaal dad ah  luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa tubnaa hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.