R/Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo furay Kulan wadatashi ah oo looga hadlayo Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Date:

29, JULY, 2018, Muqdisho (SNTV) R/Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta furay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saarayo hanaanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada.

R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Xukuumada ay xoogga saareyso hirgalinta Doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalena Xukuumadda ay dhiirigelinayso ax-saabta is -diiwaangeliyay.

Sidoo kale, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumada Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay shirka wadatashiga ayaa xusay in qabsoomidda Doorashada ee la rajaynayo sanadka 2020 ay ku xiran tahay in hab midnimo ah loo wajaho iyadoo ay iska kaashanayaan dhammaan dhinacyada ay khuseeyso.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee ku aadan Manhajka wacyigelinta iyo Waxbaridda Codbixiyaha Doorashada, iyadoo intii uu wadatashigu socday mas’uuliyiinta Guddigu ay kulan la qaateen xisbiyada sida kumeel gaarka ah loo diiwaangeliyay iyo kuwa lagu wado in dhowaan loo sameeyo diiwaangelin.

Xuseen Cabdi Aadan oo katirsan Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay madasha kulankan ayaa sheegay in Xisbiyada looga baahanyahay in ay la yimaadaan Aragtiyo dhaxal-gal ah oo lagu biirin karo diyaarinta Manhajka Wacyigelinta Doorashada, isagoo sheegay in uu rajaynayo in weyn looga faa’iideeysan doono wadatashigan.

“konton sanno kahor ayaa noogu dambeeysay doorasho nidaam xisbiyo badan oo dalka ka dhacda, sidaa darteed waxaan u dooranay manhajkan si taasi loo hirgeliyo” Xuseen Cabdi ayaa sheegay.

Kulanka wadatashigan ayaa qaadan doona muddo labo cesho ah ayaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan tallooyin dhaxal-gal u ah Manhajka Hanaanka Doorashada Qaranka iyo Xisbiyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan qorshaha doorasho ee qof iyo cod  sanadka 2020.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...