Soomaaliya iyo Eritrea oo Heshiis Kala saxiixday

Date:

Asmara (SNTV);-Waxaa magaalada Asmara ee dalka Erereriya kusoo dhammaaday booqashadi  rasmi aheyd oo halkaas ay ku joogeen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay halkaas kulan kulasoo qaateen, madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka, iyo arimo kale oo labada dowladood muhiim u ah, waxaana kulankaas lagasoo saaray warmurtiyeed. u qornaa sidan;

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada  shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya.

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey  xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka.

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dedaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna  leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.

Laakiin  ka faa’iideysiga khayraadkaas waxaa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku uu u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dadaal gelinayaan sidii ay u sameysan  lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanayaan danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo  horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...