Boqorka Sacuudiga oo kafaala qaaday Kharashka 1500 oo Xujeey ah

Date:

Bqorka Dalka Sacuudi Carabiya, ahna u adeegaha Labada Xaram ee shariifka ah, Boqor Salman Bin C/Casiis, ayaa soo saaray ammar Boqortooyo oo Sanadkan 1439 Hijriyada Islaamka uu  ku martigelinayo isla maarkaana ku kafaala qaadayo kharashka Xaajka 1500 Xaji oo ka mid ah  shuhaddada Ciidamada Qaranka Yeman iyo kuwa  Dalka Sudan ee ka qeyb qaadanaya dagaalka rajo soo celinta Yeman .

Wasiirka arrimaha Islaamka ,Dacwada iyo hanuuninta, isla maarkana ah mas’uulka arrimaha martigelinta Xajka ee Sanaadkan Dr. Abdulladiif bin C/casiis  ayaa sheegay in Boqorka Sacuudiga uu il gaar ah ku eegay shuhudadaasi Yeman iyo Sudan oo uu sheegay inay Naftooda u hureen midnimada Dalka Yeman iyo nabadgelyada Shacabka Dalkaasi ,sidaa darteedna ay mudan yihiin in lagu abaalmariyo  Xafka Sanadkan.

Wuxuuna cadeeyay inay Wasaaraddiisu u taagan tahay  fulinta awaamiirta Boqorka , habsami u fulinta barnaamijka Xajka ee Sakandan iyo sidii Xujeyda ay u heli lahaayeen wax kasta oo u suurta gelinaya gudashada Xajkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...