Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay nooca siyaadda dalka u baahan yahay

Date:

Ra’isalwasaaraaha xukuumada federaalka ah ย ee somalia mudana xasan cali Kheyre, oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta puntland ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedinayey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay usoo sameeyeen madaxda iyo dhalinyarada jaamacada bariga Africa ย ee magalaadaas , waxanana uu ka ย hadlay arimo ย badan oo ย ay kamidtahay ย doorka dhalinyarada ee dib u dhiska ย wadanka, midnimada iyo wadajirkka, waxyaabaha dowlada federaalka ay hiigsaneyso ย mustaqbalka dhow iyo kan fogba, horumarinta dhaqaalaha, siyaasada, Amniga, cadaalada, iyo sidii ย Soomaaliya ay wax ula qeybsan laheyd ย caalamka.

Khudbada r’aisalwasaaraha oo aad u dheereyd soona jiidatay dadka goobta fadhiyey ayaa ugu horeyn ku ammaanay madaxda iyo shacabka reer puntland sida ay isu horumariyeen mudadii ay jireen oo gaareysa 20 sano, waxana uu sheegay in mudadaas ay gaareen horumar wanaagsan oo kudayasho mudan isagoo dhalinyarada reer puntland ku booriyey inay ka qeybqaataan Nabada iyo dowladnimada,

“waxaa muuqata in horumar wayn aad sameyseen, maskax iyo caqli ayaadna kudhisateen deegaankiina” ayuu yiri ra’isalwasaare Kheyrre.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa u badnaa mid uu ku guubaabinayey dhallinyarada kuna tusayey Awooddooda, Aqoontooda iyo cuddadooda, ayaa sheegay in dadkii dalkan xornimada garsiiyey ay dhalinyaro ahaayeen, taasina ay ku keenneen isku duubni iyo wadajir, sidaas darteed uu ugu baaqayo dhalinyarada inay ka fakaraan sidii ay u midoobi lahaayeenย  dalkoodana ay ย dhibaatada uga saari lahaayeen, wuxuuna intaas kudaray in dhalinyaradu ย ay looga baahanyahay inay noqdaan tabliiqa cusub ee nabada iyo dowlada.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in lo baahan yahay siyaasad hufan oo kala saarta awoodda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada.

Mar uu ka hadlayey dagaalka deegaanka Tukaraq waxa uu sheegay in dagaalkaas uu dhibaato kuyahay shacabka labada dhinac iyo guud ahaan soomaaliya sidaas darteed ay haboontahay in si deg deg ah lagu joojiyaa.

“waa in dagaalka tukaraq lagu baddelaa xasilooni iyo midnimo” ayuu yiri Mudane Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyrre Ra’isul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helaa nidaam cadaaladeed oo dhameystirin kaasoo buu yiri ย dadka somaliyed oo dhan ay aqbalaayaan waa in dowladnimada laga horumarinayoย  ayuu yiri danaha gaar ah,

Waxa uu sheegay in sanadka 2020 ay dowlada ay rajeyneyso inย  dalka laga hirgaliyoย  Dastuur dhab ah shacabka somaliyed ay leeyihiin, kaasoo ah sharci dadka kala hagaya.

Mar uu ka hadlayey hufnaanta Maaliyadda ee dalka waxa uu sheegay inย  horumar fiican laga gaaray arintaas ย ย wax badanna dowladu ay ka qabatay dhinaca maaliyada, taasoo aduunku uu ku ammaanay, isagoo rajeyey in laga cafin doonno somaliaย  deymaha lagu leeyhahay.

“waa inaan ka fogaanaa musuqmaasuqa oo aan la imaannaa nidaam hufan, Aduunkana wuxuu nagu Ammaanay inaan horumar fiican ka sameynay nidaamka maaliyadeenna” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Madaxda Jaamacada bariga Africa ee magaalada Garowe ayaa Ra’isul wasaare gudoonsiiyey shahaado sharaf ku saabsan sida uu ugu guuleystay xasilinta dalka, waxaana isla goobta lagusiiyey buug ka hadlayey sida loo noqdo hogaamiyo wanaagsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...