Home Blog Page 1237

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ku dhawaaqdey dib u howlgelinta  dhismaha hey’adda  Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

0

 

Hay’addaan ayaa   ka hortagaysa  Badeecadaha khatarta ku ah Caafimaadka dadka iyo deegaanka,  sidoo kale  soo dajinta  iyo isticmaalka  Badeecadaha dhacay ama tayadeedu Liidato si loo ilaaliyo badqabka  caafimaadka  dadka  Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)   ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey muhiimadda Ganacsiga iyo guud ahaan Dalka u leedahay hey’adda Tayo-dhowrka  Badeecadaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa  uu magacaabay  5 xubnood hey’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka Badeedaha Dalka soo gala.

 Xubnaha Guddiga  Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin

1:  Guddoomiye  Aadan Xasan Barre

2:  Cabdillaahi  Salad Xasan    Xubin

3: Ibraahim Naxamed Xasan   Xubin

4: Fartuun Siidow  Macalin Cabdi   Xubin

5: Cabdi Saqaawe Cismaan  Xubin

Dhinaca kale wasiir Maareeye ayaa sharraxaad ka bixiyey xeerka ay ku shaqeyneyso hey’adda Tayo-dhowrka.

Hey’addaan ayaa hoostageysa wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada Dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha Dalka ka soo gala Dekedaha, Garommada iyo Xuduudaha Dalka.

Dood wadaag ku saabsan Xasiloonida Dalka oo lagu qabtay muqdisho

0

Waxaa xal loogu raadinanayaa sida dalka xasilooni dhanka nabada ah loogu
soo dabaali karo iyada oo laga qeyb qaadanayo Doodo Cilmiyeysan sidda midan
oo kale.

Kasoo qeyb galayaasha ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyasha dhaqanka,
Aqoonyahano, Xubno kamida Aqalka Sare iyo Siyaasiyiin xilal horay u soo
qabtay.

Soomaaliya ayaa soo martay  dagaalo sokeeye balse hadda waxaa ladoonayaa in
laga gudbo arrinkaas iyada oo la adeegsanayo farsamooyin aad u wanaagsan.

“Hadii aanan heshiis aheyn wax aan qabsan karno majirto maxaana u
baahanahay in aan caloosheena isku furno hadii aysan arrintaas dhicin wax
badan ayaa naga halaabaya wixii aan soo marnay waa in Cashiro ka qaadanaa
si-aan xal u gaarno” Gudoomiyaha Dib-u-heshiisiinta Qaranka Ismaaciil
Macalin Muuse.

Mustafe Maxamed Qodax oo kamida Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in loo
baahan yahay in wax leyska weydiiyo qaladaadkii hore u soo dhacay.

“Waxaan rabnaa in aan dib u laabano oo aan wax iska weydiino dhibaatadii
horay inoo soo martay si aan uga gubnl qabado badan oo haatan ina horyaala”.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xarunt Irshaad taas oo ka shaqeysa
Aragti-isdhaafsiga.

Waxgaradka, Aqoonyahanada, Culimada iyo dhamaan kasoo qeyb galayaasha ayaa
isku raacay muhiimada ay leedahay Dib-u-heshiisiinta iyo inay muhiim tahay
in laga wada qeyb qaato.

 

Shir looga hadalayo Waxbarshadda dalaalka soo koraya oo muqdisho kafurmay

0

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Muqdisho ku daah furay shir looga hadlayo Waxbarashadda dalalka soo koraya oo ay kamid tahay Soomaaliya, waxaana ka qayb galaya Wasaaraddaha kala duwan ee dowladda, qaar ka mid ah Safiiradda dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshadda rayidka ah.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan oo qudbad ka jeediyay shirka hada socda oo si gaara diirada loogu saarayo waxbarashada iyo tayeynta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sheegay Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Qorsheynta in lagu ogaaday 40/% ay dadka wax qori karaan.

”Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Qorsheynta waxaa lagu ogaaday in 40% oo kaliya ay wax qori karan waxna aqrin karaan dadka Soomaaliyeed halka 20% oo kaliya ay dadka Soomaaliyeed gaareen heerka waxbarashada ee Jaamacadda”.ayuu yiri Wasiirka.

Dadka Soomaaliyed ayaa intooda ugu badan waxay fursad u heli karaan in ay waxbartaan sidaas darteed 2020 qorshaha Qaranka waxaa ku jiro in tirada dadka Soomaaliyeed ee wax qori kara waxna Aqrin kara la gaarsiiyo halka ugu sareyso sida uu sheegay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya

wixii faahfaahin ah waxad kala socoon doontan waraarkayaga danbe.

 

 

 

Dab ka kacay Giriiga oo Dad badan ku dhinteen

0

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay, in ka badana waxa soo garay  dhaawacyayo ka dib  markii u dab qabsaday  tuulooyin ku yaal caasimadda  Dalka Giriiga, Athens, sida ay sheegeen masuuliyiintu dalk Giriiga.

Dhimashada ayaa kor u kacday Talaadadii ka dib markii 26 qof laga helay meel u dhow magaalada dekadda leh ee Rafina, sida laga soo xigtay shaqaalaha Laanqayrta Cas iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Girgos Kokkolis.

Masuuliyiinta goobaha caafimaadka Giriigta  ayaan xaqiijin kororka tirada dhimashada maaddaama meydadka aan weli la  gaarisiin Isbitaalada dalkasi.

sida ay sheegeen  saraakiisha dawladda waxaa si kordhaya dadka qaba dhawacyaadda inkasto an la ogeeyn tiraada saxada ee dhimashad kasoo garay dabka intaa hada la ogyahay qasaraha dadka kasoo garay  in ay ku dhawayihin 150 qofka inay qaban dhawacayo kala duwan ,sidoo kalana burbur kasoo garay guryo iyo  isticmaalka wadooyinka gaadiidka waaweeyn gabi ahan burburay.

Boqolaal ruux oo shaqaalaha dabdamiska ah ayaa ku hawlan daminta dabka, dadkuna waxay isaga carareen guryahoodii u dhawaa magaalada caasimadda ah ee Athens.

Waxaa socda hawlgal lagu baadi goobayo 10 ruux oo dalxiise yaal ah oo doon raacay iyaga oo dabka ka firxanaya, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Waxaan samaynaynaa wax kaste oon awoodno si aan u xakamayno dabka, sida uu saxafiyiinta u sheegay Ra’iisulwasaare Alexis Tsipras.

Ammin hore oo Talaadadii ahna, Dimitris Tzanakopoulos oo ah afhayeen u hadlay dawladda ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay sare u kacday.

Dadkaas intooda badan waxay ku xayirmeen Mati oo ah goob badda qarkeeda ku taalla oo loo tamashle tago, waxayna 40km dhanka waqooyi bari ka xigtaa magaalad Athens, waxayna dhinteen iyaga oo guryahooda ama gawaaridooda ku jira.

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaareynaysaa kooxda al-Shabab oo weerar fuleynimo ah ku qaaday  sandhig ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay ku jabeen weerarka, oo loo adeegsaday 2 gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay iyo maleeshiyada oo weerar toos ah isku dayday in ay xerada ku qabsadaan.

“Guul darro xoog leh ayay kala kulmeen ciidamada dalka, iyadoo ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland, oo iskaashanaya ay ku raad joogaan intii ka hartay maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka soo qaadday, mana laga hari doono ilaa la carib-tiro.” Ayuu yiri Mudane Aadan Isxaaq Cali.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka, oo ka feejignaa dhagarta Al-shabaab ay halkaasi ku dileen ilaa 87 ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka naf la caariga ah soo qaaday.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, ayaa ku guuleystay, iyagoo daba socday haraaga maleeshiyada al-Shabab in ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ayaa u mahadceliyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland sida geesinimada leh ee ay u jabiyeen maleeshiyada habowsan ee al-Shabab ee caadeystay dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Ku simaha Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay tacsi u direyso dhamaan ehelada ay ka tageen askarta naf-hurayaasha ee ku shahiiday dagaalkan iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ay naftooda u hureen, iyadoo isla markaana Dowladda Federaalku ay ballanqaadday daweynta askarta dagaalka ku dhaawacantay, xitaa hadii loo baahdo in dibedda lagu soo daweeyo.

Maleeshiyada al-Shabab, ayaa ciidamada qaranka kala kulmay guul darrooyin isdaba joog ah muddooyinkii ugu dambeeyay. Ciidamadu ma harsan doonaan ilaa ay ka soo afjaraan hagar-daamada maleeshiyada al-Shabab iyo gabood-fallada ay kula kacaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Jiritaanka al-Shabab waa gabaabsi.

Wasiirka waxbarashada K/Galbeed oo xariga ka jaray xarun waxbarasho 

0

Mashaariic horumarineed oo ku aadan hirgelinta adeegyada bulshada sida waxbarashada ayaa ka socda gobolka Bokool,tan iyo markii maleeshiyada Alshabaab laga saaray inta badan gobolkaasi Bokool,waxaana si wada jir ah u wada maamulka Koonfur Galbeed iyo kan gobolka Bokool.

Munaasabad xariga looga jaray dib udayactir lagu sameeyey Buulow Primary School oo kamid ah mashaariicdaasi horumarineed waxa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan maamul goboleedka koonfur Galbeed, Maamulka Gobolka Bakool kan degmada Xuddur mas’uuliyiinta  waxbarashada iyo bulshada inteeda kale.

Ugu horey waxa munaasabadda ka hadlay guddoonka waxbarashada ee degmada Xuddur iyo waalidiintii munaasabadaa ka soo qeybgalay, waxayna aad u bogaadiyeen mashaariiicdan oo lagu hormarinayo waxbarashada gobolka Bokool.

Maxamed Macalin Guddoomiyaha Degmada Xuddur iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur Snake oo ka hadlay dafurka munaasabada ayaa wasaarada waxbarashada ka codsaday in ay dardar geliyaan baahiyaha waxbarasho oo degaankaan ka jirta iyagoona xusay in haatan bulshada ay u soo jeesatay dhinaca waxbarashada.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar iyo Wasiirka wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh Xasan Ibraahim Lubuur,waxayna bulshada reer xuddur ku amaaneen sida wada jirka ah oo ay uga qeyb qaanadayaan hormarka dalka, wasiirka waxbarashada ayaa balanqaaday in ilaa sedex iskuul oo magaalada ku yaala wasaaradda ay ugu deeqeyso agabkii waxbarasho oo dhameystiran.

“Ka maamul ahaan waxaan ku faraxsan,naya oo aan ku amaanaynaa shacabka kunool gobolka Bokool,gaar ahaan magaalada Xudur sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qeybqaadashada horumarinta adeegyada bulshada ee deegaanadan,anada ka maamul ahaan waxaan bal;an qaadaynaa in aan idin keeno agabyada ay u baahanyihiin xarumaha waxbarasho ee kuyaala deegaanka,wanaa talaabo wanaagsan”. Ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed.

Gobolka Bokool ayaa kamid ah gobolada haatan ka soo kabsanaya dhibaatooyinki ay shacabku ku reebeen maleeshiyada Alshabaab,iyadoo haatan ay socdaan mashaariic horumarined oo kaladuwan,taasi oo ay qeyb ka qaadanayaan dadweynaha.

dareen iyo argagax laga muujiyey gabar 10 jir ah oo ugeeriyootay gudniinka fircooniga ah

0

waxaa isasoo taraya walaaca iyo dareenka laga muujinayo dhimashada gabar yar oo 10 jir taasoo  kugeeriyootay deegaanka laasuuri ee degmada dhuusamareeb kadib markii lagu sameeyey gudniinka fircooniga.

gabadhan oo lagu magacaabi jiray Deeqo Nuur Daahir waxay aheyd 10 jir markii ay waalidkeed go’aansadeen inay kusameeyaan gudniinka fircooniga oo waxyeeleeya  jirka gabdhaha, waxaana ay geeriyootay markii mid kamid ah haweenka wax guda ay googoysay xubno badan oo  taranka ah taasoo ugu dambeyn ay ugeeriyootay.

waxaa la sheegay   in deeqa intii gudniinku socday uu go’ay xiddid, kadibnaa muddo labo beri ah la joojin waayay dhiigbixii. iyadoo   loo soo qaaday isbitaalka degmada Dhuusamareeb oo ay dhiigbax ugu dhimatay, ayay tiri Caasha Cali Aadan oo kamid ah kalkaalasooyinka ispitaalka xanaano.

Dr Cabdiraxmaan  Cumar Xasan  oo loo yaqaano Beerrey oo ah agaasimaha ispitaalka xannaano ee magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in gudniinka lagu sameeyey gabadha yar uu ahaa mid aad u daran, jirkeedana lajarjaray taasoo ku  keentay dhiig bax iyo geeri deg deg ah.

“Waxa aan aragnay kama sheekeen karno, waligey noociisa ma arkin, waxaa la jaray jirki iyo hilibki kuyaallay xubinta taranka, gaar ahaan saxaaxa, waxaa sidoo kale la gooyey farruuryaha waaweyn iyo kuwa yar yar ee xubinta taranka, taasoo waxyeeleysay gabadha” ayuu yiri Dr Beerreey oo wariyayaasha ugu waramayey magaalada dhuusamareeb.

Dr Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay waalidiinta gaar ahaan hooyooyinka inay ka feejignaadaan waxyeelada gudniinka ee gabdhahooda, maadaama uu waxyeelayo nolosha gabdhaha, isagoo kutaliyey in wacyigalin laga sameeyo miyiga iyo magaalada si bulshada ay uga taxadarto qattarta iyo waxyeelada gudniinka fircooniga ah.

Walaaca laga muujiyey dhacdadan iyo ka hadalkeeda ayaa maalmahan ka soconaya  dal iyo dibadba, waxaana warka la xiriira arintan  iyo sida looga falceliyey ay yihiin kuwa ugu horeeya ee warbaahinta aduunka  ay qaadaadhigayaan.

Culimada diinta, odayaasha dhaqanka, haweenka,  dhalinyarada, iyo dadka u ololeeya arimaha dumarka ayaa si isku mid ah u cambaareeyey arintan iyagoo sheegay inaanan laga harin dhacdadan si loo xusuustana marwalba ay haboontahay in siwada jir ah looga hadlo.

Waxay sheegeen in arintan ay xadgudub wayn kutahay shareecada islaamka iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha iyagoo ugu  baaqay dowlada inay ciqaabto cidii sameysay falkan.

“Arintan waxay xadgudub wayn kutahay shareecada islaamka, mana ogola diinteenna in la googooyo xubnaha taranka ee gabdhaha. ayuu yiri SHeekh Cabdisalaan Mullah oo kamid ah mashaa’iskhda soomaaliyed.

Sidoo kale Ifraax Axmed oo ah gabar dhalinyaro ah oo u ololeysay xuquuqda dumarka gaar ahaan ka hortagga gudniinka fircooniga ayaa dhankeeda sheegtay in arintan ay ka xuntahay, oo ay cambaareyneyso, waxayna intaas ay kudartay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan ka hortagga gudniinka gabdhaha.

Gudniinka fircooniga ayaa ah caado dhaqameed looga dhaqmo waddamo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Afrika oo soomaaliyana ay  kujirto, waxaana inkastoo ay wali socoto wacyigalin la xiriira arinta haddana aan wali la suulin caadadaas oo dad badan wili ay aaminsanyihiin.

DHakhaatiirka ayaa sheega in gudniinka laga dhaxlo dhibaatooyin ay kamidyihiin.

  • Naxdin (shock)
  • Xanuun
  • Dhiig bax
  • caada wareer.
  • isku furan
  • infection ama caabuq xaga hoose ka sameysma.
  • iyo xanuunka galmada.

Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 98% laga isticmaalo gudniinka gabdhaha arintaasoo ah tiro aad u badan, iyadoo culimada ay kukala qeybsanyihiin  gudniinka gabdhaha lagu sameynayo iyo in la iskaba dhaafayo.

W/Q Amina ladan Axmed Cali

ka bogo Nuxurka kujira warmurtiyeedka shirkii iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

0

Muqdisho (SNTV);- Shirki iskaashiga somalia iyo beesha caalamka ayaa waxaa lagasoo saaray warmurtiyeed ay isku raaceen dhinacyadii ka wada qeybgalay shirka, kaas oo koobaya dhammaan qodobadi looga hadlay shirka, waxaana ka mid ah;-

1.Si kastaba ha ahaatee, horusocodka Soomaaliya iskama iman karo. Awoodda hay’adaha dawladda waa in la xoojiyaa, sidoo kalena waa in la abuuraa hannaan isla-xisaabtan oo taageeraya horumarka mustaqbalka. Waxa aan garawsannahay in ay jiraan halisyo carqaladayn kara horumarka hadda la gaaray ee Soomaaliya.

 

  1. Dhibaatooyinka ay kamid yihiin kooxaha hubaysan ee abuurmaya, xagjirnimada gacan-ka-hadalku la socdo, isbeddelka cimilada, tartanka aan nidaamsanayn ee loogu jiro awoodda iyo khayraadka, caddaalad la’aanta iyo musuqmaasuqu waxa ay halis ku yihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

 

  1. Dadaal kasta waannu samaynaynaa si aan u fashilinno ugana hortagno kuwa doonaya inay carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-heshiisinta, nabadda iyo barwaaqada.

 

  1. Waxaan soo dhawaynaynaa heshiiskii dhaxalgalka ahaa ee dhexmaray dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah, kaas oo waddada u xaaraya in la qoro, la iska talageliyo lana meelmariyo sharciga doorashada sannadka 2018 gudihiisa. Tani waxa ay noqon doontaa tallaabo weyn oo loo qaaday in markii ugu horreysey ilaa iyo 1969-kii la gaaro doorasho hal qof iyo hal cod ah sannadka 2020. Waxa aan hoosta ka xarriiqaynaa in Soomaaliya u baahan tahay dastuur dhammaystiran oo la meelmariyey kaasi oo waddanka u suurtagelin kara hannaan siyaasadeed oo waara.

 

  1. Waxa aannu sidoo kale soo dhawaynaynaa go’aamadii laga soo saaray kulamadii Golaha Ammniga Qaranka ee ku aaddanaa qaybsiga khayraadka, isdhexgalka ciidamada, xilliga Kalaguurka ah. Waxaannu sidoo kale soo dhawaynaynaa meelmarinta Golaha Nabadda iyo Ammniga ee Midowga Afrika ay meelmariyeen qorshahan iyo inay ka go’an tahay hirgelintiisu sida ku cad Warmurtiyeedkii Midowga Afrika ee 27 June, 2018.

 

  1. Waxaannu bogaadinaynaa AMISOM iyo waddamada Ciidamada iyo Booliisku ka joogaan Soomaaliya. Waxa aannu abaal ugu haynaa dadaalkooda oo lafdhabar u ahaa horumarka Sooomaaliya. Joogitaanka AMISOM waxa uu lagama-maarmaan u yahay in Sooomaaliya ay awood u yeelato inay si tartiib ah ula wareegto masuuliyaddeeda ammni iyo hannaanka xasilinta Soomaaliya.

 

  1. Waxaynu cambaaraynaynaa kana xunnahay dadka naftooda ku waaya weerarrada argagaxisada ee joogtada ah iyo dagaallada kale ee waddanka ka dhaca. Waxa aannu ka midaysannahay go’aankayaga la-dagaalanka argagaxisada, oo aannu qabno inaan ciidan ahaan uun loola dagaalamine, siyaabo kala duwan loola diriro. Siyaabahan waxa kamid ah in meesha laga saaro waxyaabaha sababa argagaxisnimada iyada oo la xoojinayo hannaanka sharci iyo caddaalad ee dalka, la dhawrayo xuquuqda bani’aadamka, la adkaynayo dawladnimada, dhallinyarada la hagradayna loo suurtagelinayo fursado dhaqaale iyo mid bulsho.

 

  1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku tallaabsatay horumar mug leh oo ku aaddan cafinta deynta lagu leeyahay, taasi oo fursad u siinaysa inay hesho khayraad iyo maalgelin caalami ah. Heshiisyada laga gaarey qaybsiga dakhliga waxa ay xoojin doonaan dadaalka dawladda Federaalka, waxa ayna kordhin doonaan dakhliga waddanka. Hannaanka dakhli-ururinta iyo qaybintiisuba waa inay waafaqsan yihiin shuruucda u yaal isla-xisaabtanka.

 

  1. Waxa aan carrabka ku adkaynaynaa madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, waxaanu sidoo kale hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay in laga hortago saamaynta burburin ee ka dhalan kara dhibaatooyinka iyo dagaallada heer gobol, kuwaas oo u soo gudbi kara Soomaaliya. Waxa aannu soo dhawaynaynaa wada-shaqaynta ka dhexaysa maamul goboleedyada, waxaanuna waddamada caalamka oo dhan ugu baaqaynaa inay xoojiyaan taageradooda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo dib-u-heshiisiinta bulshadeeda.

 

SIYAASADDA LOO DHAN YAHAY

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ee ku aaddan qabsoomidda doorasho xisbiyo badan ku salaysan sannadka 2020. Waxa aannu ku bogaadinaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya inay siyaasadda loo dhan yahay udub-dhexaad uga dhigtay hannaanka Federaalaynta iyo Dib-u-eegista Dastuurka sida ku cad Tubta Siyaasadda loo dhan yahay. Waxa aannu golayaasha fulinta iyo sharic-dejinta ugu baaqaynaa inay dhammaystiraan sharciga fududeynaya inay waddanka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

 

  1. Waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee taageera Soomaaliya inay xaqiijiyaan in khayraadkii loogu talagalay hannaanka doorashada ee heer Federaal iyo heer maamul goboleedba wakhtigii loogu talagalay lagu diyaariyey. Waxa aannu ugu baaqaynaaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka inay soo bandhigaan qorshe cad oo loogu talagalay doorashooyinka oo diwaangelinta codbixiyayaashu qayb ka tahay.

 

  1. Waxa aannu ugu baaqaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan dib ugu bilaabaan wadahadalladii si ay xal nabadeed ugu helaan waxyaabaha ay ku kala aragti duwan yihiiin. Hoggaamiyayaasha Soomaaliya ee heer Federaal iyo maamul gobolleedba waxa aannu ugu baaqaynaa inay isu-tanaasul badan la yimaaddaan.

AMMNIGA

25.Waxa aannu hoggaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadinaynaa inay dejiyeen Qorshihii kalaguurka iyaga oo si dhaw u kaashanaya dawladaha xubnaha ka ah Fedaraalka, AMISOM, waddamada ay Ciidamada iyo Booliisku ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibbada kale ee caalamka.

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaalka dhammaan dhinacyada daneeya Soomaaliya ay ku soo dhammaystirayaan qorshaha faahfaahsan ee wajiga kowaad ee Qorshaha kalaguurka, oo ay hoggaanka u hayso dawladda Federaalka Soomaaliya iyada oo kaashanaysa dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, AMISOM, dawladaha ay Ciidamada iyo Booliisku ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibbada kale ee caalamka. Waxa aannu soo dhawaynaynaa go’aanka Golaha Qaran ee Ammniga ee ku aaddan xoojinta iyo hawlgelinta Golayaasha Ammni ee heer gobol.

 

  1. Waxa aannu ku faraxsannahay dadaalka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira dib-u-habaynta waaxda ammniga iyo in la abuuro hay’addo ammni oo lala xisaabtami karo oo ay kamid tahay samaynta hay’ad kormeer iyo la xisaabtan ku samaysa hay’adaha kale ee ammniga ka shaqeeya.

 

31.Waxa aannu ogsoonnahay in hirgalinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Qorshaha kalaguurka uu u baahan yahay doonis siyaasadeed iyo taageero buuxda oo ka timaadda dhammaan dhinacyada ay khusayso.

  1. Waxa aannu hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay in khayraad loo qoondeeyo ammniga dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an inay xoojiso hannaanka maamulka maaliyadda dawladda.Dawladdu waxa ay saaxiibbadeeda caalamiga ah uga mahadcelinaysaa taageerada ay siiyaan waaxda amniga dalka.

 

  1. Waxa aannu saaxiibbada caalamiga ah uga mahadcelinaynaa taageeradda maaliyadeed iyo midda farsamo ee ay siiyaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, waxa ayna dhinacyada kala duwan ugu baaqaynaa inay ku deeqaan khayraadka lagama-maarmaanka u ah fulidda Qorshaha Kalaguurka, si, si tartiib ah loogu wareejiyo masuuliyadda ammniga waddanka hay’adaha ammni ee Soomaaliya.

 

  1. Waxa aannu Ciidamada Xoogga Soomaaliya kula garab-taagannahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waxa aannuna aqoonsannahay doorka ay ciidamada maamul goboleedyadu ku leeyihiin hawshan.
  2. Waxa aannu hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay dib-u-habaynta dhammayska tiran ee lagu wado waaxda ammniga oo jawaab u noqon doonta baahiyaha ammni ee dumarka iyo caruurta, iyo in la xaqiijiyo in dumarku si buuxda uga qayb qaataan Qaab-dhismeedka Ammniga Qaranka iyo Qorshaha kalaguurka.

 

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaallada Dawladda Federaalka Soomaaliya ay kula tacaamulayso hoggaamiyayaasha kooxaha hubaysan iyo kuwa iskood u doortay inay dagaalka joojiyaan isla markaana ay ka go’an tahay dib-u-heshiisiinta iyo in meesha laga saaro waxyaabaha ka qayb qaadanaya xagjirnimada. Waxa aannu dawladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqaynaa inay sii waddo taageerada, daryeelka, dhaqan-celinta, siideynta iyo dib-ugu-celinta bulshada ee dadka ka soo goosta kooxaha hubaysan.Halkan marka la joogo, waxa aannu ku baaqaynaa in fiiro gaar ah la siiyo caruurta iyo dhallinyarada ka qayb qaatay dagaallada, kuwaas oo ay tahay in loola dhaqmo sidii dad dhibbanayaal ah, laa siiyo taageerada iyo daryeelka ay u baahan yihiin si ay bulshada dib ugu dhexgalaan.

SOO-KABASHADA DHAQAALE

  1. Waxa aannu qiraynaa dadaallada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu sugayo xasiloonida dhaqaalaha iyada oo la xoojinayo siyaasadaha dhaqaalaha, dibudhiska hay’adaha maaliyadeed iyo kor-u-qaadista dawladnimada. Dhammaan qodobbadani waxa ay fure u yihiin in deynta laga cafiyo Soomaaliya.

 

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaalka ay dawladda Federaalka Soomaaliya xoogga ku saarayso siyaasadaha dhaqaalaha iyo dibuhabayntiisa, oo ay kamid tahay kor-u-qaadista lagu sameeyey qorshaynta miisaaniyadda iyo fulinteeda, dib-u-habaynta lacagta waddanka, iyo in la dejiyo siyaasad lacageed oo waxtar-leh.

 

  1. Waxa aannu taageersannahay qorsahaha uu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya hormuudka ka yahay ee dib loogu nidaaminayo lacagta dalka, taasi oo mudnaan u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa aaannu aaminsannahay in lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay saamayn la taaban karo ku yeelan doonto horumarka dhinaca lacagta ee dalka, isla markaana ay midayn doonto hannaanka lacag-bixint, midaas oo xoojin doonto midnimada dalka.Waxa aannu ogsoonnahay baahida loo qabo in la helo kharashka lagu soo daabacayo Shilinka Soomaaliga wajigiisa koowaad, waxa aannuna dhammaan dhinacyada kala duwan ugu baaqaynaa inay taageeraan hawshan.

 

  1. Dawladda Federaalka Soomaaliya, deeq-bixiyayaasha iyo waaxda ganacsiga gaarka ah (private sector), waxa ay ogsoon yihiin doorka ay hay’adaha maalgeliya horumarku ka ciyaari karaan taageeridda dib-u-dhiska iyo sookabashada Soomaaliya.

 

  1. Amniga Soomaaliya iyo horumarkeedu waxa uu ku tiirsanaan doonaa mashiinka horumarka oo ah dadka, gaar ahaan dhallinyarada. Waxbarashada da’yarta iyo dhallinyaradu waa maalgashi lagama-maarmaan u ah in la helo bulsho waxbaratay oo leh xirfadaha farsamo ee muhiiimka u ah Qorshaha Qaran ee Horumarinta Soomaaliya, sidaasi darted waxa naga go’an inaan si gaar ah uga shaqayno waxbarashada Soomaaliya.

 

ADKAYSIGA, SOO-KABASHADA, IYO GARGAARKA BANII’AADAMTINNIMO

  1. Waxa aannu ogsoonnahay in dhammaan Soomaalidu ay waajahayaan halista abaaraha mustaqbalka iman kara, fatahaadaha, cudurrada, iyo dagaallada, waxaanuna qirsannahay in adkaysigii Soomaalidu uu soo yaraanayo maaddaama ay dhibaatooyinkani muddo soo noqnoqdeen.

 

  1. Waxa aannu aqoonsannahay dadaalka ballaaran ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah, Soomaalida waddanka gudihiisa ku dhaqan, kaalinta weyn ee Soomaaliya iyo beesha caalamku ka geysteen abaartii Soomaaliya ka dhacday 2017. Waxaannu sidoo kale ogsoonnahay inay jiraan dad gaaraya 5.4 milyan oo gudaha Soomaaliya ku dhaqan kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadamtinnimo, ilaa 2.5 milyan kamid ah dadkaasi waxa ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah si ay u helaan baahiyahooda asaasiga ah iyo cunto. Waxa sidoo kale jira dad gaaraya ilaa2.6  milyan oo gudaha Soomaaliya ku barakacay, kuwaas oo u baahan kaalmo kala duwan. Dadka reer miyiga ah ee Soomaaliya ku dhaqan ayaa sidoo kale u baahan  gargaar degdeg ah  si ay noloshooda dib ugu dhisaan maaddaama ay duunyo badan khasaareen.

 

  1. Waxa aan bogaadinaynaa dadaalka Dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, (BRA)ay ku xoojinayaan nidaamyada heer qaran ee isku-xirka dadaallada lagu maaraynayo masiibooyinka dabiiciga ah, taasi oo ay kamid tahay samaynta Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka iyo in la xooojiyo hay’adihii hore u jirey. Sidaasi awgeed, waxa aannu soo dhawaynaynaa dejinta siyaasadda Maaraynta Masiibooyinka, waxa aannuna ku baaqaynaa in la dardargeliyo fulinteeda.

 

JINSIGA IYO XUQUUQDA BANI’AADAMKA

  1. Waxa aannu aqoonsannahay dadaallada joogtada ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah, Maamulka Gobolka Banaadir(BRA)ay wax kaga qabanayaan matelaadda iyo ka-qaybqaashada haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo dawladda, oo ay kamid tahay inay xilal hoggaamineed qabtaan. Waxa aannu hoggaanka Soomaaliya ugu baaqaynaa inay sameeyaan shuruuc haweenka ka caawinaya inay helaan matalaad, qaybna ka noqdaan hoggaanka dalka, xilal sarsarena ka qabtaan xafiisyada dawladda, kuwa la iska soo doorto iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladdda.

 

  1. Waxa aannu carrabka ku adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay xorriyadda hadalku iyo in la helo hanaan iyo bey’ad oggolaanaya warbaahin madaxbannaan, oo karti iyo aqoonna leh.

 

ISKAASHIYADA

  1. Waxa aannu caddaynaynaa inay naga go’an tahay inaan si dhaw ula shaqayno Dawladda Federaalka Soomaaliya annaga oo raacayna Qorshaha Qaran ee Horumarinta Soomaaliya si loo gaaro nabad, amni iyo barwaaqo waarta.

 

  1. Waxa aannu qiraynaa tallaabooyinka muhiimka ah ee hore loogu qaaday diyaarinta Qorshaha Qaran ee Horumarinta Soomaaliya ee kan xiga, kaasi oo xoogga saari doona in Soomaaliya uu ka dhaco koboc dhaqaale oo loo dhan yahay. Waxa aannu tan u aragnaa inay tahay waddo muhiim u ah xalka baahiyaha dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in la yareeyo saboolnimada iyo u-nuglaanshaha dhibaatooyinka.

 

GUNAANAD

Waxaan isla garanay inaan qiimeeyn joogta ah ku wada sameyno muddo saddex bilood gudahood ah natiijooyinka ka soo baxay shirkan horumarinta Soomaaliya ee Brussels isla markaasna aynu bilowno u diyaargarowga midka xiga oo qabsoomi doona lix bilood gudahood.

 

 

 

Soomaaliya maxay uga dhigantahay ku biiritaanka COMESA?

0

Muqdisho (SNTV)- Soomaaliya ayaa dhawaan ku biirtay Ururka Comesa,kadib shir ay isugu yimaadeen wadamada ku midaysan ururkaasi, kaasi oo ka dhacay magaalada Losaka ee caasimadd adalka Zambia.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay Raiisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kahyre, iyadoo shirkaasi lagu ansixiyey xubinimada Soomaaliya ee ururka baayac-mushtarka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladaha ku bohoobay ururkaasi ayaa gaaraya ilaa 21 dal, waxaana dhawaan sidoo kale ku biirtay Dowladda Tunisia, waxaana tani ay fursad u tahay Soomaaliya oo haatan ka soo kabanaysa burbur muddo 20 sano ka badan uu dalka ku jiray, sidaasina waxaa aaminsan aqoonyahanada  dhaqalaaha ku xeel dheer.

C/casiis axmed Ibraahim oo ah dhaqaalyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u tahay xubinimada Ururka Comesa.

“Dabcan marka laga hadlaayo ganacsiga waa wax is dhaafsi waxaa jirta aragti ku salaysan in dalka uu difaaco wuxuu soo saaro islamarkanaa uu dhoofiyo, ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkaan ma ahaan markii ugu horeysya waxaa jiray mid kan ka horeeyey balse burburkii dhacay dartiisa uu inoo saameeyey, magacii ayaa haatan la bedelay oo loo bixiyay Comesa,Soomaaliyan waxay xaq u leedahay in ay ku biro ururkaasi,iyadoo xubinnimadeeda ay soo ceshanayso ee ku biirid ma ahan”.Ayuu yiri C/casiis.

Wuxuu sidoo kale sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay habka ay Soomaaliya uga faa’idaysan karto iskaashigaasi ganacsi iyo ka mid ahaanshiyaha Ururka Comesa ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

“Marka aan ka jawaabo maxaan ka faa’idaynaa iyo maxaan ka qasaaraynaa,marka hore dal keligiisa ma taagnaan karo marka laga hadlaayo xagga ganacsiga, tusaalse waxaan leenahay dhul ballaaran oo ku fiican ganacsiga, sidaa wax soo saarka Badda iyo Beriga intuba,dhaqashada xoolaha,waxaan sidoo kale u baahanahay maalgashiga iyo wax soo iibsi marka ururkan wuxuu naga saacidayaa waxbadan in aan talaabo qaadno”.ayuu sii raaciyay Aqoonyahanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta

Muqdisho, 23-07-2018: Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ee golaha shacabka.

Kulanka waxaa looga hadlay muranka ka taagan arrimaha Xajka, xaaladaha xabsiyada dalka, sharciyada guddiga ay gacanta ku hayaan iyo qodobo kale.

Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha shacabka   warbixin ka siiyay halka ay marayaan dadaallada lagu xallinayo khilaafka ka dhashay arrimaha Xajka iyo cabashada xujeyda.

Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiyaha la wadaagay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista xabsiyada dalka ku xiran iyo xaaladda guud ee xabsiyada dalka.

Guddiga ayaa soo bandhigay jadwalka ay ku shaqeynayaan iyo kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga ku bogaadiyay howsha ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa guddiga faray in si deg-deg ah loo xalliyo cabashada xujeyda Soomaaliyeed.

” kulankeena maanta waxa uu ahaa kulan muhiim ah, Xubnaha guddiga waxa kula dar-daarmay in ay sii laba jibaaraan shaqooyinka ay hadda hayaan, aad ayaan  ugu qancay war-bixinta ay ila wadaageen” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux).

Ugu dambeyn guddoomiye Maxamed Mursal iyo guddiga ayaa si qoto dheer kaga hadlay sharciyada ay diyaarinayaan  guddiga iyo la xisaabtanka wasaaradaha guddigan ay shaqada kala dhaxeyso.