Putin iyo Angela Merkel oo Wadahadal ku leh Germany

Date:

Muqdisho Sabti August 17 (SNTVR):-wasaaraha dalka Germalka  Chancellor Angela Merkel iyo Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin ayaa manta lagu wadaa in ay  kulmaan oo ay ka wadahadlaan xiriirka 2-da dal tan iyo markii ciidamada Russia 4-sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine .

Kulanka manta ayaa noqonaya mid lagu xoojinaayo xiriirka labada dal,isla markaana ka looga hortagaayo ama wajahaya gardarada Mareykanka ee dhinaca ganacsiga ,gaar ahaan canshuuuraha lagu soo rogay biraha iyo macdanta Aluumiyamka  ee Midowga Yurub.

Merkel iyo Putin kulankoodii ugu dambeeyay,waxa uu ka dhacay magaalada Sochi 4-bilood ka hor,halkaas oo looga hadlay rabshadaha ka taagan Ukraine iyo fidinta dhismaha qasabadaha qaada gaaska ee ka imaanaya Russia kuna socda Germalka.

Kulanka oo ka dhacaya gurigga martida dowladda ee duleedka magaalada  Berlin,waxaa ka mid ah qodobada loga hadli doono  dagaalada Suuriya.rabshadaha Ukraine iyo dhismaha tubbooyinka qaada gaaska,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay dowladda Germnalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...