Putin iyo Angela Merkel oo Wadahadal ku leh Germany

Date:

Muqdisho Sabti August 17 (SNTVR):-wasaaraha dalka Germalka  Chancellor Angela Merkel iyo Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin ayaa manta lagu wadaa in ay  kulmaan oo ay ka wadahadlaan xiriirka 2-da dal tan iyo markii ciidamada Russia 4-sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine .

Kulanka manta ayaa noqonaya mid lagu xoojinaayo xiriirka labada dal,isla markaana ka looga hortagaayo ama wajahaya gardarada Mareykanka ee dhinaca ganacsiga ,gaar ahaan canshuuuraha lagu soo rogay biraha iyo macdanta Aluumiyamka  ee Midowga Yurub.

Merkel iyo Putin kulankoodii ugu dambeeyay,waxa uu ka dhacay magaalada Sochi 4-bilood ka hor,halkaas oo looga hadlay rabshadaha ka taagan Ukraine iyo fidinta dhismaha qasabadaha qaada gaaska ee ka imaanaya Russia kuna socda Germalka.

Kulanka oo ka dhacaya gurigga martida dowladda ee duleedka magaalada  Berlin,waxaa ka mid ah qodobada loga hadli doono  dagaalada Suuriya.rabshadaha Ukraine iyo dhismaha tubbooyinka qaada gaaska,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay dowladda Germnalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...