Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa Hanaanka dib u Heshiisiinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Shirka wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee dib u Heshiisiinta ayaa diirada lagu saaraya sidii loo heli lahaa qabya qoraalka siyaasadda qaran ee dib u heshiisiinta dalka.
Waxaa ka qeyb galaya qeybtiisa maanta oo uu furay ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha  Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya  Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye,  waxaa ka qeyb galaya madax ka socota hey’adaha dowladda Federaalka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamuud Xasan ( Azhari) waxa uu sheegay in wadatashiyada Hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta inuu soo maray marxalada kala duwan wasaaraduna uu ku han weyntahay inuu noqdo mid mira dhala, lana gaaro dib u heshiisiinta iyo iscafin waarta .

ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha  Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay  kulanka waxaa uu tilmaamay muhiimada shirkani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.

Wasiir Wehliye ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Arimaha Gudaha ay ku go’an tahay hogaaminta dib u heshiisiinta waarta.

Madaxda hey’adaha dowladda ka socda oo ka hadlay madasha shirka ayaa bogaadiyay wadatashiga wasaaaradda Arimaha Gudaha ee la sameynaysa dhammaan dhinacyada muhiimka u ah diyaarinta hannaanka qaran ee dib u heshiisnta, Shirkan ayaa soconaya laba maalmood iyada oo maalinka berrita ah  qeybtiisa labaad latashi lala sameyn doono ururada bulshada rayidka oo laf dhabar u ah geed u socodka hannaanka dib u heshiisiinta qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...