Duqa Muqdisho oo bogaadiyay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng,Yariisoow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey boqolaalka qoreyaasha ah ee dhallinyarada u badanaa, kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka iyo dibaddaba, dadaalka ay bixiyeen, isagoona tilmaamay in bandhigga buugaagta Muqdisho uu fursad u noqday maktabado laga qorsheynayo in laga hirgeliyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

“Kasakow boqollaalkii aqoonyahannada ahaa ee maalmihii la soo dhaafay fursad u helay in ay ka faaiideystan buugaagta aad soo bandhigteen, haddana waxaa ka dhex abuurmay carwada buugaagta Muqdisho qorsheyaal lagu hirgelinayo Maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaareey oo boqolaal buugaag ah loogu yaboohay.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii loo joogteyn lahaa Carwada Buugaagta Muqdisho, iyadoona dhiiri gelin joogta ah loo sameynayo qalinleyda iyo xarumaha cilmi barista Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xarumaha Waxbarashada in ay ka qeyb qaataan baahinta buugaagta lagu soo bandhigay Carwada, si dhalinyarada loogu jiheyo wax qorista iyo wax akhrinta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu kula dardaarmay qoreyaasha Soomaaliyeed in ay qalinkooda ku taageeraan horumarka dalka, kuna waajahaan cadowga shacabka Soomaaliyeed ee argagixsada Alshabaab, iyagoona jiilasha maanta iyo kuwa berriba xasuus reeb uga sameynaya dhibaatooyinka iyo hagar-daamada argagixisadu ay ku sameeyeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...