Home Blog Page 1238

Ciidanka ammaanka oo ka hortagay weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen Baar-sanguuni.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ku leeyihiin Baar-sanguuni oo ah duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, balse weerarkaas ayay ciidamadu si feejigan kaga hortageen.

Maleeshiyada oo adeegsatay ilaa 3-gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyey ayaa doonayey inay qabsadaan saldhigaas, balse ciidamada halkaasi ku sugnaa ayaa ka hortagay, waxaana lagu jabiyey weerarkii ay soo qaadeen sida uu inoo soo tabiyey Wariyiyaha warbaahinta Qaranka ee gobolkaasi.

Dagaal in muddo ah socday ayaa ka dambeeyey qaraxyada, kaas oo sababay in Maleeshiyada la baacsado, lagana reebto hub iyo saanad ciidan.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa maleeshiyada weerarkaasi ka soo gaartay, balse saraakiisha ciidamadu wali si faahfaahsan kagama hadlin.

Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco www.sntv.so 

 

Hal-abuure aan la shaqaaleysiin

0
Wuxuu ka mid ahaa koox Shaqadoon ah oo Wareysi shaqo Nadaaf ah ugashay Shirkadda Microsoft oo laga leeyahay Mareykanka kuna caan baxday sameynta Barnaamijyada ka shaqeeysiiya kumbuyuutarada.
Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa u shegay inuu ku guuleystay shaqada, wuxuna ka codsaday inuu u reebo Email-kiisa si ay ugusoo diraan Warqadda heshiiska Shaqaalenimada ugalanasoo socodsiiyaan waqtiga uu shaqada bilaabayo.
Shaqadoonihii wuxuu u sheegay inuusan laheyn Email uusanna adeegsan Karin kumbuyuutarka; taasina waxay sabab u noqotay inuu sidaa ku waayo shaqadaas.
Iridka Microsoft ayuu kasoo baxay isagoo murugeysan. Isaga oo ka fikiraya siduu ku heli lahaa shaqo uu ka maareeyo nolol maalmeedkiisa ayuu isha ku dhuftay Dukaan lagu iibiyo Strawberry-ga.
$10 oo uu heystay ayuu ku iibiyay 5-Kiilo oo Strawberry ah deetana wuxuu bilaabay inuu ku wareejiyo wadooyinka; Nasiib wanaag 2-Saacadod gudahood wuu dhameyay wuxuna ka helay Lafihiisa iyo $10 oo faa’iido ah; ka dibna mar 2-aad iyo mar 3-aad ayuu sameeyay sidaas oo kale, nasiib wanaag wuxuu habeenkii gurigiisa ku laabtay isaga oo heysta $60.
Maalinkaa wixii ka dambeyay wuxuu goostay inuu ka xoroobo fikirka Shaqaalenimada; wuxuua xoogiisa isugu geeyay siduu kusii horumarin lahaa shaqadan cusub; wuxuuna shaqo ka dhigtay inuu maalin waliba Strawberry ku wareejiyo wadooyinka Magaalada; Galab kastana wuxuu gurigiisa ku laaban jiray isagoo heysta in ka badan Saddex Jibaar Lacagtii uu Suuqa lasoo galay Subaxaas.
Sanad ka dib wuxuu helay Baaskiil Tabal ah oo ku wareejin jiray Strawberry-ga. Markii adeegiisa la bartayna wuxuu sameestay Gaari Macaamiishiisa dalaabtka ugu geeya Guryahooda; Shan sano ka dibna wuxuu noqday Milkiilaha mid ka mid ah Sharikadaha ugu caansan Mareykanka.ee laga dalbado Cunnooyinka diyaarsan.
Sanado ka dib wuxuu u tegay shirikad Ceymis, isaga oo rabo inuu ka diiwangeliyo shirkaddiisa si ay ugu fududaato kasoo kabashada Musiibooyinka, wuxuuna Wakiilka Sharikadda Ceymisku weydiiyay Email-kiisa si uu ugu diro Warqadaha Heshiiska, balse wuxuu usheegay inuusan laheyn Email, uusanna aqoon sida loo isticmaalo kumbuyuutarka.
Wakiilka Shirkadda Ceymiska ayaa ku yiri: oo sideey kuugu suura-gashay inaad dhisto Sharikaddan baaxadda weyn, adiga oo aanan laheyn Email lagaalasoo xiriiro aanna aqoon sida loo isticmaalo kumbuyuutarka?!!
Wuxuu siiyaya jawaab aad u caan-baxday oo aheed: Hadddii aan Email sameysan lahaa, waxaan ahaan lahaa Shaqaale nadiifiya Musqulaha Microsoft!!
Waxaa Qoray: Christopher C. Golis, waxaana Tarjumay Ustaad Hussain Sabrie.

Daawda Duumada looga  hortagayo oo la soo saaray

0

Dawadan looga hortagayo cudurka duumada waa dawadii ugu horreysay oo mudda 60 sana lagu ansixiyo, iyada oo raja aad u wanaagsan ay ka muujiyeen hay’do ku sugan dalka Mareykanka.

Daawadan ayaa ah mid gabi ahaanba joojineyso soo noqnoqshada cudurka kaneecada, iyada oo ay cudurka duumada sanad walba ay u dhintaan dad ka badan 8.5 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku nool.

Kaneecada ayaa ah mid la dagaallankeeda ay adag tahay maadaamaa ay awood u leedahay iney Beerka ku sii jirto muddo sanad ah xataa haddii dawadeeda la qaato iyada oo weliba qofka aanan marar badan ku soo noqon ama aan qaban.

Dawadan cusub ee la yidhahdo tafenoquine ayaa waxay saynisyahannadu ku tilmaameen “guul aan caadi ahayn oo la gaaray”.

Hadda caalamka oo dhan waxay isha ku hayaan dawadan iyaga oo weliba dadkooda ku talinaya iney qaataan dawada marka ay soo gaarto.

Dawada oo hadda dalka Mareykanka laga ansixiyey waxay si buuxda caalamka oo dhan uga dhaqan galeysaa markay si buuxda ay u ansixiso hay’adda caafimaadka adduunka (WHO), iyada oo la filayo in 6-da bilood ee soo socota waddamada caalamka oo dhan gaar ahaanna kuwa kaneecada ay ku badan tahay la gaarsiiy.

Cudurka Duumada ayaa waxaa sanad walba uu ku dhacaa Malaayiin qof oo ku nool dunida daafaheeda, qaar badan oo ka mid ah ayaana u geeriyooda, dalkeenna Soomaaliya wuxuu ka mid yahay dalalka uu cudurka Duumada uu faraha ba’an ku hayo, gaar ahaan deegaannada ku teedsan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Toogasho sababtay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Kanada

0

Haweeney ayaa ku dhimatay,13-ruux oo kalana waxaa soo agaaray dhaawacyo,kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dad ku sugnaa magaalada Toronto ee dalka Kanada.

Gabar 9-sano jir ah ayaa la sheegay in uu daran yahay dhaawaca soo gaaray sida ay xaqiijiyeen ciidamada Boliiska,

Shilkaasi oo ka dhacay  deegaanka Greektown ee bartamaha magaalada Toronto,waxaana la tilmaamay in ninkii hubeysnaa ee ka dambeeyay falkasi in uu ku dhintay rasaas ay isweydaarsadeen isaga iyo ciidamada Booliiska.

Boliiska magaalada Toronto ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira sababaha dhaliyay weerarkaasi iyo aqoonsiga cidda geysatay falkaasi.

Ciidamada Badda Liibiya oo badbaadiyay Tahriibayaal

0

Ciidamada Badda Dalka ayaa Xeebaha Galbeed ee Dalkaasi kasoo badbaadiyay 116 Tahriibayaal Afrikaan ah Axaddii Shalay.

Dadkan ayaa xilligii la badbaadinayay ku safrayay Dooni ka samaysan Caag, meel Waqooyi kaga beegan degaanka Zuwaara oo ku taalla Galbeedka Liibiya, Sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidamada Badda.

Musaafiriintan la badbaadiyay oo ka kala socday Waddamada, Marooko, Masar, Suudaan, Maali, Gaambiya, Jaad iyo Nayjeeriya ayaa waxaa ka mid ahaa Shan Carruur ah, waxaana loo gudbiyay saldhigga Ciidamada Badda ee Tripoli, si loo geeyo xarumaha samafalka iyo Bini’aaddannimada, halkaasoo lagu baxnaaninayo xaaladdooda Caafimaad.

Tan iyo 2011-kii Liibiya waxay marin u ahayd Tahriibayaal u badan Afrikaan, kuwaas oo qorsheynayay inay Badda dhexe (Mediterranean Sea) kaga sii tallaabaan Waddamada reer Yurub.

XIGASHO/SONNA

Madaxweynaha oo faray laamaha ammaanka in ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga caasimadda

Muqdisho, Luuliyo 22, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda.

Madaxweynaha oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.”

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.

DHAMMAAD

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ku heshiiyey midaynta canshuuraha dalka.

0

 

Muqdisho SNTV; Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta  iyo dhameystirka  habka
mideynta canshuraha dalka oo Muqdisho laba maalmood uga socday,
wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo wasiirada maaliyadda dawlad
goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan
waxya abahi la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa.

  1. in madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan
    habamii usocodka hawlaha gudiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta
    maamulka maaliyada ee dalka.

 

  1. In la mideeyo sharuucada caanshuraha  iyo siyaasadooda guud kaaso ka
    soo bilaabanaya golyaasha dowlad gobaledyada ka hor inta aan la
    horgeynin  golyaasha dowlada waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed
    ee dowlad gobaledyada.

 

  1. in shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha August dhexdeeda si
    looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.

 

  1. In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha
    (Automation of Inland Revenue).

 

  1. In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaas
    oo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad
    goboleedyada iyo dawladda Federaalka.

    Ku simaha gudomiyaha Gobalka Benaadir ahna gudomiyaha maamulka iyo
    maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad
    uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam
    maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaha kobac dhaqaale.

    Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukumadda soomaaliya Dr C/raxmaan
    Ducaale Beyle  ayaa shegaay iney  diyaar uu ayhiin dhamestirka
    mideynta  caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka

Muqdisho (SNTV  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta sharciga xaqsiinta ciidamada qalabka sida, furitaanka wadada leego ee gobolka Sh/Hoose iyo qodobo kale.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhameystirka sharciyada ay diyaarinayaan guddiga iyo barnaamijyada aqoon kororsiga ah oo ay guddiga u aadayaan dibadda.

Xubnaha guddiga ayaa guddoomiyaha ugu warbixiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay oo ay qabteen iyo qorshaha guddiga ee bilaha soo socda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga difaaca kaga mahad celiyay howlaha wanaagsan oo ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo furista wadooyinka gobolka Sh/hoose gaar ahaan wadada leego.

“ Runtii shaqo wanaagsan ayaa qabateen waana idiin kaga mahad celinaya warbixinta tifaftiran ee aad isoo gudbiseen, waa muhiim in si deg deg ah loogu shaqeeyo sharciga xaqsiinta ciidamada iyo inan joogteyno kulamada aan yeelaneyno ”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal iyo guddiga difaaca ayaa isku raacay in la bilaabo, lana xoojiyo kulamada aqoon kororsiga ah si shaqooyinka guddiga loo hormariyo.

Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Tababar ku aadan Aas-aaska Xogaha iyo Tirakoobka Dalka

0

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka ayaa maanta tababar ku Aadan  aas aaska xogaha iyo tiro koobka dalka  ee (Basic of Statistics) ugu qabatay Magaalada Muqdisho shaqaaale ka kala socday Wasaaraddaha dowladda iyo hay’adaha.

Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha agaasinka Tira koobka, Cabdiraxmaan Cumar Daahir, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, iyo Dr Ben Hadji Abduliatifa oo aqoon korarsiga baxinayay.

Ujeeadada laga leeyahay aqoon kororsigaan ayaa waxaa ay tahay sidii hay’adaha dowladda  loo gaarsiin lahaa in xogta ay ka aruurin karaan hay’adahooda iyo in la helo  aqoon yahano ku xeel dheer arrimaha Xogaha iyo Tiroobka dalka ee (National Statistics).

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Tira koobka ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta  Dhaqaalaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir ayaa sheegay in tababarkan muhiimadiisa  tahay sidii aan u heli lahayn shaqaale leh aqoonteeda xogaha iyo tirooobka dalka,

“Maahan tabababarkan mid kan ku eg waa kii ugu horeeyay balse waan joogteen doonaa sidii aan tayada iyo aqoonta shaqaalaha hay”adaha dowladda aan kor ugu qaadi alahayn, Waxaan u  mahadcelinayaa Wasiirka iyo Bankigga Horumarinta Africa (African Development Bank)”ayuu yiri agaasimaha

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo furay taababrkan ayaa  kula dar daarmay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay”adaha dowladda in ay ka faa”iideystaan tababarkaan qiimaha badan  mudada sadax maalmood ah.

“Waxaad hesheen Fursad wanaagsan waxaana  loo baahan yahay in aad si wanaagsan cashirada iyo qibrada Dr abdulatif  ka faa”iideysataan dadka xirfaadan leh ayaa tahiin Sida uu sheegay Agaasime Cabdiraxmaan waa la joogteyn doonaa tababarkan”ayuu yiri wasiirka Qorsheynta

Agaasinka xogaha iyo Tirakoobka dalka  ayaa wado dadaalo fara badan oo ku aadan soo bandhigidda isbadalka Badeecadaha suuqyada oo bishii mar  la soo bandhigo, warbaxin ku saabsna korarka dhaqaalaha  dalka iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha Agaasinka iyo kuwa Dowladda.

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka + Sawirro

0

Axad 22, July, 2018 Muqdisho (SNTV) Barnaamijka Wadajir Radio Programe waa Barnaamij kahadla Xasilinta Dalkeena Soomaaliya, qaybta taxanaha ah waxa aydin ku maqli doontaan Wareysiyo ku aadan Hanaanka horumarineed ee dalka, dadaalada Is-dhex galka Bulshada, Dhismaha Nabadda, Iscafinta oo ay Wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo howl-qabadka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Maamul gobolleed kuwaasi oo qayb ka ah Barnaamijyada la naas nuuga Dhismaha Golaha deegaanka gobolada dalka:

Halkan Riix:

Waxaa tebinaya C/Shakuur Cali Axmed ‘Shakra’, Soo saare Maxamednuur Macalim Maxamed ‘Johannesburg’ halka farsamada uu ka shaqeeyay Qeys Cali Shire.