Home Blog Page 1212

Qaramada midoobay oo soo dhaweysay kulanka Hogaamiyaasha Jabuuti iyo Eritrea

0

Muqdisho September 18 (SNTV):-Xoghayaha guud ee QM ayaa  ammaanay kulanka hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Eritrea

Sida ay qortay wakaaladda wararka AFP, xogyaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ammaanay kulanka hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Eritrea oo ku kulmay waddanka Sacuudiga, isagoo sheegay in uu rajo ka qabo dedaalada nabadda ee gobalka ka billowday.

Kulanka labada madaxweyne ayaa dhacay Isniintii shaley, waxaana uu ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmaray tan iyo markii labada dal ay ku murmeen xuduudda.

“Waxaa ku kalsoonahay in kulankan uu xaqiijin doono tallaano kale oo lagu xoojinayo guulaha nabadgelyo ee gobolka Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa ku yiri Guterres.

Kulankan ayaa yimid iyadoo sidoo kale Sucuudiga ay ku kulmeen hoggaamiyayaasha  Eritrea iyo Ethiopia, kuwaasoo mar isku ahaa codow, waxa ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo taarikhi ah sida ay wararka sheegayaan.

Hogaamiyayaasha Eritrea iyo Jabuuti oo kulan taarikhi ku yeeshay waddanka Sacuudiga

0

Muqdisho September 18 (SNTV):-Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga waxaa ku kulmay madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea, waa bog cusub oo lagu hormarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, sidaas waxaa yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga , Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la kulmay dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kuwaasoo hadda ku sugan waddanka Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin ay qortay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Waddamada Khaliijka ayaa aqoonsaday dedaaladda ay sameeyeen waddamada gobalka sida Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka soo shaqeeyay in heshiiyaan madaxda waddamadan.

Xiriirka caadiga ee Jabuuti iyo Eritrea, ayaa soo laabtay kaddib labo toddobaad ka hor markii wafdi ka socda wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay tageen Jabuuti iyagoo halkaas ka billaabay wadahadallo lagu xallinayo khilaafaaka xuduudaha .

Sucuudiga ayaa soo dhaweeyay dedaalada u billowday labada waddan.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ka faalooda arrimaha gobalka ayaa sheegaya in Saxansaxo nabadeed ay ka muuqato gobalka taasoo uu sabab u yahay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo heshiis la galay dalka ay dariska yihiin ee Eritrea dabadeedna nabaddaas u gudubtay waddanka Jabuuti, maadama labada waddan ay isku heesteen jasiiradda Dumeyra oo Jabuuti sheegatay in si sharci-darro ah ku haysto Eritrea.

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan bin Cabdalcasiis ayaa fidiyay gogosha ay ku wada hadleen madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea.

Inkastoo Jabuuti ay ka codsatay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay ‘fudaydiyaan heshiiska labada dal, haddana madaxweyne Geelle ayaa Talaadadii sheegay in waddankiisu uu had iyo jeer u diyaar la yahay in la xalliyo khilaafka.

In kastoo la sheegin heshiis rasmi ah oo gaareen madaxda Jabuuti iyo Eritrea haddana kulankooda waxa uu horseed u noqon doonaa nabad waarta oo geeska Afrika ka hirgasha.

Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar

0

Muqdisho September 18 (SNTV):-Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka, waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeenn taariikhdu markey aheyd  18/3/2015.

Halka Heshiiska Labaad uu yahay Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo  horumarinta.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 2 boqol oo milyan oo dollar oo Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee taga magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe, dhismaha Aqalka Madaxtooyada, Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xarunta dowlad hoose.

Guddigi Aqalka sare uu u diray kismaayo oo la Kulmay Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland

0

Muqdisho September 18 (SNTV):-Wafdi ka kooban toban Xubnood oo ka tirsan Aqalka sare ee parlamaanka dalka una ambabaxay magaalada kismaayo  ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowald Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, Labadiisa kuxigeen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Wasiiro iyo Xildhibaano.

Guddigan oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa ujeedadoodu waxay tahay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay Guddiga ka socda Aqalka sare Dadaalka uu Golaha iskugu xilqaamay inay Guddiyo u kala diraan dhamaan Maamul Gobaleedyada si ay ugu kuur galaan Xaalada ka dhex taagan Dowlada Dhexe iyo Maamulada hoostaga, waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Kulankii Labaad ka yeelanaya Dooda ku saabsan Amniga

0

Muqdisho (SNTV)-  Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeelanaya kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad oo looga hadli doono Qeybtii Labaad Doodii shalay ee ku saabsaneyd Amniga guud ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Shalay waxaa dooda ka qeyb qaatay oo Aragtidooda soo bandhigay 20 Xildhibaan, sida qorshuhu uu yahay waxa maanta hadli doono oo aragtidooda ku saabsan amniga Muqdisho soo bandhigi doono 27 Xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay is diiwaan galiyay.

Xildhibaan Saadaq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanadii shalay ka hadlay Kulanka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka inay meel mariyaan Sharciga La Dagaalanka Argagaxisada oo Xukuumadda Soomaaliya ay u gudbisay Golaha Shacabka.

“Waxaan rajeynayaa in Kalfadhigaan Afaraad uu noqdo Kalfadhigii ugu muhiimsanaa ee noo qabsooma, sharciyo waa weyn ayaa inoo yaala, in aan meel marino ayaan codsanayaa sida Sharciga La Dagaalanka Argagaxisada, Golaha Shacabka Waajib ayaa naga saaran inaan meel marino Sharcigan Xukuumadda inoo soo gudbisay, hadii ciidamada aan gacmaha ka xirno side Amniga u sugayaan”.ayuu yiri Xildhibaan Warfaa.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si weyn kaga dooday shalay Amniga Magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah ay Ciidammada ku bogaadiyeen dadaalada amniga ay wadaan sida Howlgalada lagu fashiliyo Weerarada Argagaxisada Al shabaab iyo sidoo kale iyagoo ka hortagay Qaraxyo iyo Dilal ay doonayeen inay ka geystaan Muqdisho.

Soomaaliya oo heshay suuqya cusub oo loo iibgeeyo badeecadaheeda.

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay dadaal badan ka dib in lixdii bilood ee ugu dambeysay waxsoosaarka Soomaaliya uu helay Suuqyo cusub isla markaana Wax soosaarka Dalka lagu daabacay ( Made in Somalia) oo wata Shahaadooyinka bedqabka ee Dalka looga dhoofiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Mudadii uu xilka hayay si gaara ay diiradda u saartay Wasaaradda Xoojinta Dhoofinta Waxsoo saarka Dalka.

“Lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadkan ee aan hayey xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha waxaanu xooga saarnay xoojinta dhoofinta waxsoosaarka Soomaaliya, anagoo horumarinay helista suuqyo cusub, kor u qaadista tayada iyo muuqaalka Badeecadaha la dhoofinayo, iyo siinta sharciyad iyo Shahaado la aqoonsan yahay “made in Somalia” iyo wixii la mid ah si aanu u dheelitirno wada shaqeynta Ganacsi ee inagala dhexeysa Wadamada aynu la Ganacsano”.ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa isbedelo badan ka sameysay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Dalka, iyadoo Dalal badan ay heshiisyo Ganacsi la galeen Soomaaliya maadaama ay arkeen Horumarada lagu talaabsanayo, iyadoo dalkeena uu Kheyraad badan EEBE ku maneystay.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo ka Warbixiyay deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray Alshabaab

0

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xoreeyey deegaano ay kamid yihiin gandershe iyo Jilib oo hoos taga magaaladda Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose, kadib howlgallo halkaasi ka dhacay.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raagge oo horkacayey Ciidanka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga maalmahan ay wadeen Howlgalo lagu sifeynayo inta u dhaxeysa Jaziira ilaa iyo Magaaladda Marko, islamarkaana ay u suurta gashay in dagaal ay kula wareegaan deegaanada kala Ceel Ow Maki, dhannaane, Gandarshe iyo Jilib Marka, halkaasi oo ay ku dhuumanayeen Kooxda Alshabaab.

Abaanduullaha  oo la hadlay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida ayaa xusay Maleeshiyada Alshabaab in ay ka dileen in kabadan 13 Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal isugu jira, ayna ka qabsadeen gaadiidka dagaal iyo hub fara badan.

Gen. Odowaa Yuusuf Raagge ayaa xusay in Kooxda Alshabaab aysan laheyn awood ay isaga difaacaan Ciidanka Xoogga dalka, isaggoo xusay in meelaha hadda ay ku dhuumanayaan Argagixisada ay ka sifeyn doonaan Kooxdaasi baxsadka ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay wadeen howlgallo ballaaran oo Nabad diidka Kooxda Alshabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga dhuumanayaa guud ahaa dalka.

Gedo: Ciidamada Xoogga Dalka oo dilay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga Degmada Doolow ku dilay 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo doonayay inay si xoog ah ku kaxeystaan xoolo ay lahaayeen dadka deegaanka ah.

Saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ka hortageen boob ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab la damacsanaayeen dadka xoolo dhaqata ah ee ku nool deegaanno hoostaga Degmada Doolow, kuwaasi oo ku qasbay inay xoolahooda geeyaan meel 60 km dhanka bari kaga beegan Doolow ee Gobolka Gedo, balse ciidamada Xoogga dalka ay ku guuleysteen in dadka deegaanka ay u badbaadiyeen xoolahooda.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay badqabaan xoolihii ay Al-Shabaab dhaca u geysan lahaayeen, ayna u mahadcelinayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hortagay boobka loo geysan lahaa xoolahooda.

Saraakiisha ayaa dhankooda xaqiijiyey in wax khasaare ah uusan soo gaarin ayna si gaar ah u bartilmaameedsanayeen argagixisada shacabka dhibaatada ku heysa.

 

 

Shirka Golaha Shacabka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalka

0

Kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ahaa Kalfdhiga Afaraad kulankiisa Labaad ayaa waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Shacabka ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa ka doodista Amniga dalka oo ay Xildhibaannada maanta aad uga hadleen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa aragtioyadooda ka dhiibtay xaaladda amni ee dalka oo ajendaha maanta ee kulanka uu ahaa, iyadoo Xildhibaannadu ay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen arrimaha ammaanka ee dalka, kuwaasi oo soo jeediyay tallooyin lagu xoojin karo amniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida mas’uuliyadda leh ee ay uga hadleen xaaladda amni ee wadanka.

 

Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo

0

Muqdisho September 17 (SNTV);-  Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo maanta ka ambabaxay Garoonka caalamiga ah       ee     Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee    Maamulka Jubbland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Abdi Maxamed Abdirahman oo ay wehliyaan xildhibaano iyo xubno ka socda bulshada rayidka ayaa si heer sare ah u soo dhoweeyay wafdiga Golaha Aqalka Sare ka socday ee gaaray Kismaayo.

Wafdigan oo ka kooban toban Xubnood ayaa Kismaayo u tegay iney xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda raadiyaan,waxaana Wafdiga hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi.

Dhanka kale,Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedka Puntland shalayna gaaray magaalada Garowe ayaa maanta magaaladaasi waxay kula kulmeen madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas,Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Golaha Wakiilada Puntland iyo waliba qaar ka mid ah Bulshada rayidka iyagoona kala hadlay arrimaha haatan taagan iyo sida ugu fudud ee lagu xalin karo.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.