Qaramada midoobay oo soo dhaweysay kulanka Hogaamiyaasha Jabuuti iyo Eritrea

Date:

Muqdisho September 18 (SNTV):-Xoghayaha guud ee QM ayaa ย ammaanay kulanka hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Eritrea

Sida ay qortay wakaaladda wararka AFP, xogyaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ammaanay kulanka hoggaamiyayaasha Jabuuti iyo Eritrea oo ku kulmay waddanka Sacuudiga, isagoo sheegay in uu rajo ka qabo dedaalada nabadda ee gobalka ka billowday.

Kulanka labada madaxweyne ayaa dhacay Isniintii shaley, waxaana uu ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmaray tan iyo markii labada dal ay ku murmeen xuduudda.

โ€œWaxaa ku kalsoonahay in kulankan uu xaqiijin doono tallaano kaleย oo lagu xoojinayo guulaha nabadgelyoย eeย gobolka Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa ku yiriย Guterres.

Kulankan ayaa yimid iyadoo sidoo kale Sucuudiga ay ku kulmeen hoggaamiyayaasha ย Eritrea iyo Ethiopia, kuwaasoo mar isku ahaa codow, waxa ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo taarikhi ah sida ay wararka sheegayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale