Guddigi Aqalka sare uu u diray kismaayo oo la Kulmay Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland

Date:

Muqdisho September 18 (SNTV):-Wafdi ka kooban toban Xubnood oo ka tirsan Aqalka sare ee parlamaanka dalka una ambabaxay magaalada kismaayo  ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowald Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, Labadiisa kuxigeen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Wasiiro iyo Xildhibaano.

Guddigan oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa ujeedadoodu waxay tahay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay Guddiga ka socda Aqalka sare Dadaalka uu Golaha iskugu xilqaamay inay Guddiyo u kala diraan dhamaan Maamul Gobaleedyada si ay ugu kuur galaan Xaalada ka dhex taagan Dowlada Dhexe iyo Maamulada hoostaga, waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...