Soomaaliya oo heshay suuqya cusub oo loo iibgeeyo badeecadaheeda.

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay dadaal badan ka dib in lixdii bilood ee ugu dambeysay waxsoosaarka Soomaaliya uu helay Suuqyo cusub isla markaana Wax soosaarka Dalka lagu daabacay ( Made in Somalia) oo wata Shahaadooyinka bedqabka ee Dalka looga dhoofiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Mudadii uu xilka hayay si gaara ay diiradda u saartay Wasaaradda Xoojinta Dhoofinta Waxsoo saarka Dalka.

“Lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadkan ee aan hayey xilka Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha waxaanu xooga saarnay xoojinta dhoofinta waxsoosaarka Soomaaliya, anagoo horumarinay helista suuqyo cusub, kor u qaadista tayada iyo muuqaalka Badeecadaha la dhoofinayo, iyo siinta sharciyad iyo Shahaado la aqoonsan yahay “made in Somalia” iyo wixii la mid ah si aanu u dheelitirno wada shaqeynta Ganacsi ee inagala dhexeysa Wadamada aynu la Ganacsano”.ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa isbedelo badan ka sameysay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Dalka, iyadoo Dalal badan ay heshiisyo Ganacsi la galeen Soomaaliya maadaama ay arkeen Horumarada lagu talaabsanayo, iyadoo dalkeena uu Kheyraad badan EEBE ku maneystay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....