Home Blog Page 1213

Qaramada Midoobay oo soo dhoweeysay heshiiska Nabadda ay gaareen Ethiopia iyo Eritrea

0

Jeddeah (SNTV):- Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in heshiiska ay magaalada Jeddah ku gaareen labada dal Ethiopia iyo Ereteria ay tahay arrin dhacdo Taariikhi ah.

António Guterres oo ay wasiirka Arrimaha Dibadda Saciida Adil Aljeybar  shir jaraa”id wada qabteen saxiixa heshiiska kadib, wuxuu u mahadceliyay Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha labada Xaram ee Shariifka Boqor Salman Bin C/casiis dadaalka badan uu geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay Etiopia iyo Ereteria.

Wuxuuna tilmaamemaay in dabeesha rajada nabada ay kababanayso Afrika iyo dhinac kale hagaajinta cilaaqaadka Afrika labadaasi dal ka sokow  guud ahaan Afrrika.

Dhinac kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa isna bogaadiyay heshiiska ay labadaasi dal gaareen kuna soo afjareen colaadii mudada dheer dhex tiillay.

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia iyo Ereteria ayaa qalinka ku duugay heshiis ay garwadeen ka  aheyd Dowladda Sacuudiga,halkaana ku soo afjarmay  colaad muddo 20-ka Sano u dhaxeyay Ereteriya iyo Ethiopia khilaafkaasi oo xuduuda la xiriiray.

War-saxaafadeed:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ugu baaqday Madaxda Galmudug in ay soo afjaraan Khilaafka dhexdooda

0

Muqdisho(SNTV);- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Dhammaad.

Ra’iisul Wasaare Khayre: dalka oo dhan waa in Is-xilqaan Lagu Dhisaa

0

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in barnaamijka is-xilqaan uu fursad wanaagsan u yahay dib u dhiska dalka iyo wanaajinta dhaxalka jiilka soo koraya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda iyo waqtigooda ay ku bixiyaan barnaamijka is-xilqaan si dib loogu dhiso dalka oo dhan, danaha qarankana si wadajir ah looga shaqeeyo.

“Waa in is-xilqaan lagu dhisaa dalka oo dhan, shacabka oo dhanna ay ka qayb qaataan, waa in ay ka qayb qaataan madaxda qaranku oo ay isxilqaan dalka ku dhisaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha XFS.

“Waxaa Muuqda horumar wayn oo ay ku tillaabsadeen shacabka Soomaaliyeed maadaama ay billaabeen in dalkooda ay dib u dhisaan iyaga oo isticmaalaya hal-ku-dhigga “Is-xilqaan”, ayuu sheegay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkii golaha wasiirrada ee lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu ansixyay barnaaminka is-xilqaan oo lagu dhisayo guud ahaan xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

Amiirka dalka Qadar oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Qadar

0

Muqdisho (SNTV);- Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali oo horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar,waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoo ay kullanka ka soo baxeen go’aanno miradhal ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in waxyaabaha uu kala hadlay amiirka dalka Qadar  Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ay ka mid tahay in Soomaalida gudaha iyo dibadda ku nool loo furo ciqaamada dalka Qadar si halkaasi uga shaqeystaan.

Wuxuu sheegay danjiraha in codsigaasi oo markii ka hore ka yimid madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo uu aqbalay amiirka dalka Qadar,islamarkaana isla goobta uu amar lagu fasaxayo ciqaamada ku bixiyay,maalmo gudahoodna qofta kasta oo Soomaali ah oo shaqo ka helaa dalka Qadar ay ciqaamada u furan tahay,islamarkaana si dhib yar halkaasi kaga shaqeysan karo.

Ugu danbeyntii,safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Amb: C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in howlaha ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii ay isku arki lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar si ay uga hadlaan halka Xaaladda mareyso iyo in la isku garabsado howsha safaaradda ee Bulshada u heyso.

Ra’iisal wasaaraha XFS oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

0

Muqdisho (SNTV);- Ra’iisl wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka gobalka oo uu hoggaaminayo Duqa magaalada Muqdisho.

Kullanka oo uu shirguddoomiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay Hirgelinta qorshaha Horumarinta Caasimadda Muqdisho,sugida Amniga iyo dardar gelinta adeegyada Bulshada ee uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) ayaa xusay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay u soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hiigsiga horumarinta Bulshada ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa nagu soo booqday xarunta Dowladda hoose ee Xamar,tani oo qeyb ka ah kormeerkii uu ku mariyay Hay’adda Dowladda,maadama xaruntii caasimadda Gobolka Banaadir halkan tahay fursad ayay noo ahayn anaga inuu nala kulmo madaxdii Gobolka Banaadirna fursad buu u helay inuu warbixin ka dhageysto Xaalada meeshey mareyso,horumarka aan ka sameynay,runtii aad iyo buu inoogu dhiira geliyay shaqada aan bulshada u heyno,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kula dardaarmay iney dardar geliyaan howlaha sugida amniga iyo dardar gelinta adeegyada shacabka Gobolka Banaadir loo qabto.

Ugu danbeyntii,Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay Ra’iisal wasaare Kheyre mudnaanta gaarka ah uu siiyo Gobolka Banaadir,wuxuuna kormeerka Ra’iisal wasaaraha qeyb ka yahay qorshaha isla xisaabtanka iyo kor joogteynta oo lagu tayeynayo howlaha muhiimka ah ee Bulshada u hayaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta la wareegay qalab caafimaad oo ay kamid ahaayeen sariiro loogu talo galay Maxaabiista iyo gaari Ambalaas ah, si ay adeeg caafimaad oo dhameystiran u helaan maxaabiista Soomaaliyeed.

Dr Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo ah Dhaqtar Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa dalka Jarmalka ayaa maanta qalabkan  caafimaad iyo gaari Ambalaas ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, si loogu adeego Maxaabiista kujira Xabsiga dhaxe ee Xamar.

Qalabkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah agab loogu talo galay Caruurta Agoonta ah ee kujira Xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Kadare iyo Afgooye.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyey Muwaadinka Soomaaliyeed ee maxaabiista soo gaarsiiyey qalabka, waxaana uu ku baaqay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay talaabadaan oo kale.

Dr.  Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxuu bogadiyay hormarka ka socda Xabsiga Dhaxe ee Xamar waxaana uu sheegay in uu sii laba jibaari doono taageerada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo haya howl dalka muhiim u ah.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku dadaalaya sidii nolol iyo waxbarasho fiican ay u heli lahaayeen maxaabiista, iyadoo iminka ay jiraan wax soo saar ay sameeyeen maxaabiista, gaar ahaana qalab ay soo saareen iyagoo adeegsanaya Warshad laga hirgeliyey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo gaaray magaalada Garoowe.

0

Garoowe (SNTV) Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Guddiga xalinta qilaafaadka u xilsaareen Aqalka sare Dhinaca Puntland Sanatar C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo halkaasi uga sii horeeyay.

Xubnaha Aqalka sare ee gaaray magaalada Garoowe maanta waxaa kamid ah

  1. Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) “Guddoomiye”
  2. Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)
  3. Sen. Siciido Xasan Cusmaan
  4. Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud
  5. Sen. Cusmaan Axmed Macow
  6. Sen. Mustaf Maxamed Qodax
  7. Sen. Bootaan Barre Samatar
  8. Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere
  9. Sen. Farxaan Cali Xuseen
  10. Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan
  11. Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf
  12. Sen. Shukri Adam Maxamed

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo soo bandhigtay Tusaha Sicirka Badeecadaha

0

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Tusaha Sicirka Badeecadaha.

Agaasinka Tirakoobka iyo Xogaha Qaranka (Director National Statistics) ayaa waxa uu soo bandhigaa Bil waliba Tusaha Sicirka Badeecadaha suuqyada, waxaana lagu eegaa qiimaha badeecadaha iyo hanaank ay isku bedelaan.

Bishii Agoosto ayaa dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay Tusaha Sicirka Badeecadaha kor u kacay 3.16% ee heerka cabirka Badeecadaha 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, halkii uu ahaa 3.10% bishii Julaay 17 ilaa Julaay 18.

Hadaba Hoos ka Akhriso Tusaha Sicirka Badeecadaha oo uu soo bandhigay Agaasinka Tirakoobka iyo Xogaha (Director National Statistics) ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Warbixinta-TSB-Agoosto-2018-Somali-

Madaxda Qaranka oo ku booqday Cusbitaal xildhibaan dhaawacmay

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo xalay ku dhaawacmay qarax loogu xeray gaarigiisa.

Booqashada waxa ku wehlinaayay xubno ka tirsan labada golle ee dowladda.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiir Isbitaalka oo ku saabsan dhaawaca Xildhibaaka.

Dhamaan masuuliyiintii booqday xildhibaan Booroow ayaa Alle ugu baryay inuu caafimaad taam ah siiyo.

Maamulka G/Banaadir oo bilaabay Ololaha ka hortaga dokumentiyada Been Abuurka ah

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa bogaadiyey howlgalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku soo qabteen qaar ka mid ah dadkii dukumiintiyada been abuurka ah ka sameyn jiray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka, xafiisyada qaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku, lagana soo gudbay xilligii isla xisaabtan la’aanta.

“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan Dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta Hay’adaheenna Dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta IWM ah.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanyaasha la soo qabtay Maxkamadda Gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah.

Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxaha Gobolka oo kaashanaya Ciidanka Booliska in ay soo xiraan xarumaha sameeya dukumiintiyada aan sharciga ahayn iyo goobaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah.