Shirka Golaha Shacabka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalka

Date:

Kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ahaa Kalfdhiga Afaraad kulankiisa Labaad ayaa waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Shacabka ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa ka doodista Amniga dalka oo ay Xildhibaannada maanta aad uga hadleen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa aragtioyadooda ka dhiibtay xaaladda amni ee dalka oo ajendaha maanta ee kulanka uu ahaa, iyadoo Xildhibaannadu ay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen arrimaha ammaanka ee dalka, kuwaasi oo soo jeediyay tallooyin lagu xoojin karo amniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida mas’uuliyadda leh ee ay uga hadleen xaaladda amni ee wadanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....