Senator Axmed Nadiir” Guul ayaan kala soo noqonay safarkeenii Koonfur Galbeed,

Date:

Muqdisho September 22 (SNTV);- Wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee loo diray Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib kullamo ay magaaladda Baydhabo kula soo yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed.

Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ee loo diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed maantana dibna ugu soo laabtay Muqdisho ayaa SONNA u sheegay in Golaha Aqalka sare dowr muhiim ah ka qaadanayo isku dhoweeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro.

“Runtii kullamadii Baydhabo ee aan la soo yeelanay Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed,Ururada Bulshada rayidka sida Haweenka iyo Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed waxaana kala soo noqonay wada shaqeyn iyo tallooyin wax ku ool ah oo aan ka helnay dadkii aan la kulanay,waxayna ahaayeen dad u baahan wada shaqeynta iyo Dowladnimada,” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshadda,Warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” in ujeedka magaalada Baydhabo u tageen ay ahayd sidii ay ku heli lahaayeen xog dhammeystiran oo ku aadan khilaafka jira iyo wadada ugu sahlan ee lagu dhammeyn karo,isagoona carabta ku adkeeyay in nasiib wanaag ay xogtii soo heleen guulna kala soo laabteen safarkoodii Baydhabo.

Ugu danbeyntii,Senator Axmed Nadiir ayaa uga mahad celiyay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed soo dhoweynta diiran ay magaalada Baydhabo ugu sameeyeen,waxaana ka hor inta aysan wafdiga ka soo ambabixin magaalada Baydhabo kullan sagootin u soo sameeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...