Home Blog Page 1208

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka.

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeybgalayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xarunta UNka ee New York.

Waxa uu wasiirku shirkan ku matalayaa dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin lahaa Shirka madaxda aduunka ee qaramada Midoobay.

Shalay ayuu wasiirku kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalkan, waxayna kawada hadleen arimo baddan oo la xariira marxalada uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, kaalinta Jaaliyada, isku xirka Qurba joogta iyo Horumarka dalka .

Wasiir Cawad waxa uu sidookale kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar kamid ah madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa shirka iyaga oo is dhaafsanayay xaaladaha dalalkooda, isbadalada caalamka iyo iskaashi caalami ah oo dhex mara wadamada caalamka si loo gaaro himilooyin ku dhisan Horumar iyo si dhexgal.

Qudbada uu jeedin doono wasiirka ayuu diirada ku saari doona  xaalada Soomaaliya, sida arimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dowladnimada, iyo wax walba oo horumar ah oo ay dowladu qabatay iyo hadii ay jiraan wax caqabadaa oo ku xeeran gaar ahaan sidii loo xoreyn lahaa deegaamada ay Al-shabab gacanta ku hayaan.

Deeqo Shire (SONNA)

New York

Madaxweyne Farmaajo oo xulka degmada Waaberi guddoonsiiyey Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho (SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen in ay soo gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol  ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoona kooxda degmada Waaberi ay 1:0 kaga guuleysteen xulka degmada Shibis.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo Kormeeray Xarumaha Puntland ee Magaalada Boosaaso

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 24 Sep 2018 kormeeray xarumaha Maamulka ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dolwadda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kulan isbarasho la qaatay golaha degaanka degmada Boosaaso oo kalfadhi aan caadi ahayn u furmay maanta.

Madaxweynaha oo la daardaarmay golha cusub ee degaanka degmada Boosaaso ayaa ku booriyey masuuliyiinta golaha degaanka inay dardar geliyaan kor uqaadida bilicda magaalada iyo sidii loo horumarin lahaa magaalada.

“Waan ka mahad naqayaa martiqaadkan inaan idiin imaado golaha deeganka ee cusub ee magaalada Boosaaso waana ku mahadsan yahay meeyarku inuu igu martiqaado inaan idinla dardaarmo maadaama aad cusub tihiin, inkastoo aan rajeynayo inaad qaar kiin tihiin kuwii hore, waxaa lagu jiraa wakhti xaasaasiya oo la idinkaga fadhiyo waxqabad badan, magaaladan waa caasumada ganacsiga Puntland, Puntland waa Boosaaso, Boosaaso hadaysan jirina Puntland ma jirteen, Boosaaso hadaysan amni noqona Puntland amni noqonmayso, waxaa loo baahan yahay in maskaxdiina ku duxdo in masuuliyad idinka saaran tahay Boosaaso” ayuu yiri MadaxweynahaPuntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa kormeerkiisa ku tagay xarunta Gobolka Barri ee Magaaladda Boosaaso isla’markaana madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisayada xarunta gobolka Barri oo ay kasocoto shaqada maalin laha ah ee Gobolku, iyadoona madaxweynuhu kulan laqaatay maamulka Gobolka Barri.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo dhisme ku socdo, waxaana madaxweynaha warbixin kasiiyay qaabka dhismaha saldhiga uu u socodo Duqa Degmada Boosaaso iyo taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso, isla’marahaantaana madaxweyanaha ayaa sheegay in saldhigan uu yahay saldhig loo dhisay qaab casriya uuna noqonayo kan ugu fiican Puntland, loona baahan yahay in la dardar geliyo shaqadiisa.

Guddigii Aqalka sare uu udiray Galmudug oo gudoonka golahaas ku wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay xogtii ay Maamul Gobolleedyada ka soo uruuriyeen kala wareegayeen Guddiyadii Golaha Aqalka sare ka socday ee dhowaan tagay magaalooyinka Garowe,Baydhabo,Kismaayo iyo magaalada Dhuusa-mareeb.

Xubnihii Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee tagay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay wareejiyay xogtii ay soo uruuriyeen,waxayna maanta Guddoonka Aqalka sare xogtii kala wareegeen Xubnihii Golaha aqalka sare ee loo diray Galmudug,kuwaasi oo uu Guddoomiye u ahaa  Senatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid),wuxuuna warbixn siiyay Guddoonka Golaha Aqalka sare kuna wareejiyay nuqulka xogta la soo uruuriyay.

Senator, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo warbixnta ka hadlayay ayaa sheegay in ay guddi ahaan ay soo qabteen howshii Aqalka Sare ay uga direen Galmudug.

“Annaga waxaan ahayn Guddigii loo diray Galmudug,waxaana halkaasi ku maqneyn shan maalmood,dhammaana waa aragnay qeybaha Bulshada Xukuumadda,Baarlamaan iyo qeybahahaasi kala duwan waa aragnay,waxaan ka soo uruurinay waxaan rabnaa inaan idin ku wareejino si aad dabcan idinkuna shaqadiina uga qabsataan,labo nuqul baan idin  ku wareejinayaa guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka si aad u aragtaan oo uga mid noqoto shaqada hogaankiinu uu qabanayo,” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa Dowlad Goboleedyada Puntland ,Galmudug ,koofur galbeed,iyo Jubbaland ku sugnaa xubno ka socday Golaha Aqalka sare BFS,kuwaasi oo u baxay si ay usoo uruuriyan xog dhammeystiran oo la xiriirta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada iyo sida xalka uu noqon karo.

Ra’iisalwasaare kuxigeenka dalka oo gudoomiyey Shir looga hadlayay Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Guddoomiyeyay Shir looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka labaddii biloodba mar ayaa laqabtaa waxaana looga hadlaa qodobo ay kamid yihiin falalka ku saleysan xagjirnimadda iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisadda ah.

Waxaa shirka ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka, Dowlada Goboleedyada,Ururadda Bulshadda rayidka iyo deeq bixyaasha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dalalka Soomaaliya sidda gaar ah  u taageera.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ka hadlay ayaa sharxay muhiimadda shirka iyo waliba waxa looga gol leeyahay.

“Waxaan saakay shir isugu yimid Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada ay quseyso arrimahan iyo Beesha caalamka safiirka Sweden iyo mas’uuliyiin kale oo beesha caalamka ka socda,shirkaan waxaa lagaga hadlayay arrimaha amniga,qorshaha amniga Qaranka iyo xoojinta qeyb ka mid ah qeybaha uu ka kooban yahay Qorashaha amniga Qaranka oo ah la dagaalanka Fikirka Xagjirnimada iyo sidii loo wacyigelin lahaa Bulshada Soomaaliyeed dul qaad iyo wada hadal wax la yiraah loo sameyn lahaa,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Mashruuca Qorshahan lagu fulinayo ayaa waxaa kala saxiixday Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ,waxaana dhanka Dhaqaalaha ka taageereyso Dowlada Sweden.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada Puntland oo La dhaariyay

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24 Sep 2018 qasriga Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo xilkaasi loo magacaabay 23 September 2018.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Maamul Gobolleedka Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo wasiirka maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hortiisa.

Wasiirka maanta la dhaariyey ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si daacad nimo leh uu ugu adeego shacabka, si xilkasnimo lehna uguto waajibaadkiisa shaqo, isla’markaana uu ka dhawr-soonaado wax walba oo shaqadiisa hakad gelinaya

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta halkaan ku dhaarino Saleebaan Xaaji Cabdalle, Saleebaan soo dhowoow waan kuu duceynaynaa in Alle kuu fududeeyo shaqada laguu igmaday waxaan kuu rajeenaya wixii hawlo ah iyo mashaariic oo taagan inaad dardar geliso, aniga iyo xfiiskayga iyo Maamulkuba wixii talo iyo tusaalee ahba waan kula garab taaganahay, shaqo wanaagsan baan kuu rajeenayaa, dhana waxaan ku leenahay hambalyo, dhana Alle hakuu fududeeyo hawshaas culus ee laguu igmaday” ayuu yidhi Madaxweyana Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa xasuusiyey Wasiir Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye in looga baahan yahay in uu ku hawl galo siyaasada Maamulka ee ah “Puntland Ha isku Tashato” iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay inuu  socdo horumar baaxad leh oo lagu taaba-gelinayo kor u qaadida dhaqaalaha.

Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buurhakaba

Muqdisho September 24 (SNTV);-Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal Maleeshiyaadka Al-shabaab ay kula galeen duuleedka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Buurhakaba balse ay ka hortageen ciidamada amaanka oo sida uu sheegay ka dilay Al-shabaab 6-kamid ah maleeshiyaadka Argagixisada.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Maxamed Ibraahim Nuur guddoomiyaha degmada Buurhakaba iney gacanta ku dhigeen hub ay ka furteen maleeshiyaadkii ay dileen ee soo weeraray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Hadaba Hoos ka dhageyso wareysiga Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Maxamed Ibraahim Nuur.

Wasaarada waxbarashada dowlada soomaaliya oo sheegtay inay muhiim tahay in lagawada qeybqaato horumarinta waxbarashada dalka

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay barnaamij cilmi baarisa ah oo ku saabsan hindise lagu kobcinayo, aqoonta, xirfadda iyo karaanka dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan dowladda federaalka, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale,waxana barnaamijkan si wada jir ah u soo qaban qaabiyay machadka Heritage  iyo jaamacadda City.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa tilmaamay in ka wasaaradd ahaan ay door ka qaadanayaan wax kasta oo lagu horumarinayo waxbarashada dalka, islamarkana loo baahan yahay in wada jir looga qeyb qaato horumarinta waxbarashada.

“Barnaamijkan oo ah mid  cilmi baaris lagu sameynayo arrimaha kala ah, Hindise lagu kobcinayo, aqoonta, Xirfadda, iyo karaanka dadka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxaan door muhiim ah ka qaadaneynaa wax kasta oo lagu horumarinayo aqoonta dadka Soomaaliyeed, si looga gudbo jahliga”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa tilmaamay  in arintan ay kaalin ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in dalka uu soo maray dhibaatooyin kala duwan islamarkana hadda uu ka soo kabanayo, sidaasi darteed waxaa na looga fadhiya inaan gacmaha isku qabsano horumarinta waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka , si kor loogu qaado garaadka carruurta Soomaaliyeed.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Khaarijiyay degmada Qoryooleey

0

muqdisho September 24 (SNTV);-Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in xalay Kooxda argagixisada Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen degmadda Qoryooleey loogu geystay jab xooggan.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay Khasaaro xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,isagoona tilmaamay in todobo ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday la dilay halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in dhankooda weerarka uga dhintay hal askari,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in weerarka uu ahaa mid dhuumaaleysi ah,islamarkaana ciidamada ka feejignaayeen,taasi oo keenta in la fashiliyo.

Ciidamada Xoogga dalka oo dhowaan kooxda argagixisada ka saaray deegaanada Jilib-Marka iyo Gandarshe ayuu Guddoomiyaha Gobolku sheegay in hadda xaaladooda amni ay wanaagsan tahay,islamarkaana suurta gelisay in kooxda Al-Shabaab laga saaro dhulka xeebaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshe maleeshyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ku teedsan Wabiga,maadama uu soo dhammaaday qorshihii deegaanada Xeebta Al-Shabaab looga soo saaray.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheysan ka wado Gobollada Koonfurta Soomaaliya,iyagoona kuwii ugu danbeeyay ku qaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Shacabka Deegaanka Wisil oo baaq u jeediyay maamulka Galmudug

0

Maamulka iyo Shacabka Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ayaa qeyladhaan xooggan ka muujiyay Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaankaasi.

Deegaanka Wasil ayaa ka mid ah deegaanada dhaca Koonfurta Gobolka Mudug waxaana Maamulka Galmudug u aqoonsan yahay Degmo Wasil ayaa 200 Km koonfur Bari kaga began Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka waxaa uuna ka mid yahay deegaanada hoos yimaada Magaalo xeebeedka Hobyo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Xafiiska Hobyo ayaa dhawaan Socdaal xogwareysi ku tagay Deegaanka Wasil taasoo Maalmihii iyo Bilihii dambe ay ka taagneed cabashooyin bulshadu muujinaayeen oo dhanka Cafimaadka,Biyaha iyo Waxbarashada.

Bulshada Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay qabaan ay la daala dhacayaan daruufo dhanka arrimaha bulshada ah taasoo ay baahi weyn u qabaan bulshada Deegaanka waxayna ka dalbadeen Maamulka Galmudug, Hay’adaha Samafalka iyo Dowladda dhexe.

Inta badan Deegaanada Gobolka Mudug ayaa waxaa ka jira xaalado Caafimaad daro taasoo ay bulshadu ka walaacsan yihiin waxaana ugu badan Caafimaadka iyo waxbarashada inkastoo ay jiraan dadaalo lagu hirgaliyay Xaruumo Caafimaad oo yar yar.