Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta loo qeybiyay warbixin ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Date:

Muqdisho September 22 (SNTV);- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shirguddoominayay kullanka maanta,waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

144 -xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray, waxaana xildhibaanada loo qeybiyay warbixin ku saabsaneyd dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, Xasaanada iyo daryeelka xildhibaanada ayaa Xildhibaanada u aqriyay warbixinta dib u eegista xeer hoosaadka Golaha iyo meelaha guddiga ay dib u eegista ku sameynayaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday iney talooyinkooda ku biiriyaan dib u eegista lagu sameynayo xeer hoosaadka Golaha.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...