Home Blog Page 1204

R/wasaaraha XFS oo Hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ku booqday Hooygiisa Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay Xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah u sameysay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga XFS ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

BEIJING, 31ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha.c

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Maqalka Radio Muqdisho oo ka tallaabay goballada dariska la’ ah

0

Muqdisho (SNTV):-Ka dib markii Dawladda Soomaaliya  ay dhawaan fulisay mashruuc lagu balaarinayao maqalka Raadiyo Muqdisho si loo gaarsiiyo fariinta Dawladda Dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa hadda lagu guulaystay in Idaacadda maqalkeedu uu si fasiix ah u gaaro Dhul aad u balaaran oo horay aanay Shucuubta ku nooli u helijirin fariinta Dawladda.

Idaacadda ayaa hadda si dhamaystiran isugu fidisay Gobalada Banaadir, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo qaybo ka mid ah Gobalada Baay iyo Hiiraan oo si toos ah looga dhagaysanayo Codka laga tabinayo magaalada Muqdisho.

Qorshahaan oo uu hormuud ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Ambbasdor Daahir Maxamud Geelle oo fulinayo Qorshaha Madaxda Qaranka ee ah in la xoojiyo Qalabka Warbaahinta Qaranka si loo Wacyigaliyo Bulshada Soomaaliyeed loogana hortago Marin-habaabinta Argagixisada ayaa Wajigiisa koowaad ee Radio Muqdisho waxa uu suurtagal ka dhigayaa in Shacab badan oo ku hoos nool Argagixisada uu awood u yeesho in uu helo fariimaha xaqiiqada.

Qorshahaan waxa uu sidoo kale fursad u yahay dhalinyarada ay marinhabaabiyeen Al-shabaab oo awoodi doona in ay helaan fariimo ka duwan kuwa ay usheegaan Horjoogayaashooda ee ku dhisan beenta taas oo u saamixidoonta in ay ka haraan Aragtida qalafsan ee Argagixisada.

Mashruucaan waa mid ay si dhamaystiran u maalgalisay Dawladda Soomaaliya, waxaana ku xigidoona wajiyo kale oo maqalka idacaadda Qaranka lagu gaarsiinayo Dalka oo dhanka.

Barnaamijyo Tijaabo ah oo ka baxay Radio Muqdisho isla markaana ahaa Sahan lagu ogaanayay gaarista Codka Dawladda ee Bulshada ayaa ka helay Falcelin Dhagaystayaal badan oo jooga Magaalooyin ay ka mid yihiin, Marka, Wanlawayn, Jawhar, Buurhakaba, Halgan iyo goobo kale, taas oo muujinaysa in si toos ah ay Dadwaynuhu hadda u helayaan Fursadaas.

Tani waa tilaabo ay Dawladdu u qaaday dhanka adeegyada ay siiso Bulshada Soomaaliyeed, waxeeyna biloow u tahay Mashaariic dhawr ah oo lagu xoojinayo adeegyada Warfaafineed ee Dawladda Soomaaliya.

Waxaa Iyana meel gabangabo ah maraya Dhismaha Istuudiyayaal Casri ah oo ay MAALGALISAY Dawladda Soomaaliya kuwaas oo lagu soo kordhiyay TV-ga Qaranka.

Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka dalka

0

Muqdisho (SNTV), Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Dalka, ayaa maanta guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay halka ay mareyso howsha guddiga oo ah dib uu eegista iyo la socodka dastuurka dalka gaar ahaan dhowrka cutub ee uu guddiga ka shaqeeyay, Waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Mxamed Mursal Sheekh Sheekh Cabdiraxmaan.

Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in labada guddi ay is dhaafsadeen talooyin muhiim ah oo la xiriira howsha dastuurka halka ay mareyso.

Sidoo kale guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka, ayaa sheegay in dastuurka dalka uusan mashruuc aheyn, balse uu yahay masiir Ummadeed, loona baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro sida uu sheegay habdhowraha golaha shacabka.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka dalka, ayaa dadaal ugu jira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, waxaana wada shaqeyn toos ah ay kala dhaxeysaa guddiga joogtada ah ee golaha iyo guddoonka golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre oo ka qeybgalay barnaamijka isxil qaan oo Studium Muqdisho lagu nadiifinayay

Muqdisho (SNTV)- Garoonka ciyaaraha kubadda Cagta ee Muqdisho Studium Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya olole balaaran oo dhanka nadaafadda ah kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka isxilqaan si dib loogu so celiyo bilicdii garoonkaasi uu lahaa,waxaana manata ka qeybgalay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay raiiusl wasaaraha XUkuumadda Soomaaliya.

Xubnaha maanta ka qeybgalay ololahaasi nadaafadeed waxaa kamid ah raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka,xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,maamulka Gobolka Banaadir,ciidanka Qalabka sida,fanaaniin iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Raiisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay howlaha nadaafadeed oo ay maanta kaga qeybgaleen garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijka isxilqaan dib laagu dhisayo garoonkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay raiisul wasaaraha Soomaaliya shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalkooda,si looga maarmo gacmo shisheeye,wuxuuna intaasi ku daray in la wareegitaanka garoonkaasi ay qeyb ka tahay balanqaad ay sameysay dowladda,islamarkaana haatan uu dhalinyarada gacanta u soo galayo.

Muddo ku siman 10 sano kadib ayaa dhawaan waxaa halkaasi ka guuray ciidamadii midowga Africa ee AMISOM,kuwaasi oo ku wareejiyay dowladda Soomaaliya,maadaama haatan la joogo xiligii dib u dhis lagu sameyn lahaa kaabayaashi dhaqaalaha ee dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho (SNTV)-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayey ciidamada Xoogga Dalka waxa ay gacanta ku dhigeen koox Amniyaad ah oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo Shabakad qaraxyada Al-shabaab ee ku diyaariyaan gudaha Magaalada.

Taliyaha ururka 49Aad guutada 10Aad ee ciidanka Xoogga Dalka Xidigle Faarax Maxamed turbac ayaa Idaacada u sheegay in ragga ay ciidamada Xoogga dalka ay howlgalka kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Amniyaadka dilalka qorsheysan fuliya iyo shabakad qaraxyada Maleeyshiyada  Al-shabaab u diyaarisa oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali.

Sidoo kale Xidigle Faarax Maxamed turbac ayaa sheegay in hada gacanta ciidamada xoogga dalka ay ku jiraan 10 dhagarqabe oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab.

Ganacsato Soomaaliyeed oo hantidooda lagu boobay Koonfur Afrika

0

Muqdisho(SNTV):-Rabshado looga soo horjeedo ganacsatada ajaaniibta ah ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka socda magaalooyinka qaaar ee dalkaasi ,dukaamo qaar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah ayaa lagu boobay xaafada lagu magacaabo Saweto ee ka tirsan magaalada Johannesburg,xaalad kacsanaan iyo cabsi ah ayaa halkaasi ka jirta waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha ay sii bataan oo ay kusii fidaan xaafado kale.

Goobaha ganacsi oo ku yaalla xaafadaha ku dhex yaal isku raarantaas ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika waxaana ka mid ah dad u dhashay dalalka Soomaalia,Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan. Kuwo badan oo ganacsatadaas ka mid ah ayaa durba xidhxidhay agabkoodii oo ka baxaya xaafadda isku raranta ah iyagoo ka cabsi qaba in qalalaasuhu ka sii daro.

“Hada yacni qaab aan wax u sharaxo maba aaqaano,wixii hanti ahaa  ayaa nalaga dhacay,waxaan xitaa bad baadsan la’nahay dhalinyaradii goobahaasi ku sugnaa,tukaamada maant ala boobay way badan yihiin ilaa 10 way ka badan yihiin waxaana kamid ah dukaankeyga,beryahanba waxaa jiray eedeymo hadal hayn ah oo ku aadan in badeecooyin dhacay ay gadaan dadka ajaanibta ah ee kunool Koonfur Afrika”. Ayuu yiri Maxamed Mocow Xasan.

Saraakiisha Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyey in laba qof lagu dilay isku dhacyo dhex maray dadka wadanka iyo ajaanibka ku nool isku raranta Soweto,waxaana ay sheegeen in ay jiraan dadaallo lagu xakamaynayo qalalaasahaasi ka taagan dalkaasi Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal amni daro iyo qalalaasiyo ka dhan ah dadka Ajaanibta ah ee kunool dalkaasi,kuwaasi oo loo geysto Dil iyo boob ganacsigooda ah.

Madaxweynaha JFS iyo wafdigiisa oo gaaray Magaalada Beijing

0

Beijing(SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed ayaa sheegay in halkaasi madaxweynaha uu wada hadallo kula yeelan doono maalinta barri ah dhigiisa Dalka Shiinaha Xi Jinping.

“Waxaan goor dhaw soo gaarnay magaalada Beijing, halkaas oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wada hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping maalinta berri ah, Sidoo kale inta uu Shiinaha ku suganyahay Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qeyb gali doona Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.”ayuu yiri Cabdinuur Axmed Maxamed

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo uu hoggaminayo ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Wasiirka Amniga, Duqa Muqdisho iyo Taliyeyaasha Ciidamadda oo kormeeray Stadium Muqdisho.

Muqdisho(SNTV):– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo weheliyaan, Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga dalka, Booliska, saraakiil iyo La-taliyeyaasha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidanka AMISOM ku wareejiyeey DFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabada dib loogu soo celiyey Stadium Muqdisho gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay muujinayso sida ay uga go’an tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursad ay ku soo bandhigaan xirafadahooda, gaar ahaan dhanka cayaaraha oo garoonka kaalin muhiim ah ka qaadan jiray.

“In gacanteena uu ku soo laabto Stadium Muqdisho waa calaamad muujinaysa sida ay nooga go’an tahay dib u howlgelinta xarumihii muhiimka ahaa, maantana waxaan u nimid inaan qiimeyno, si isbadal loogu sameeyo, kaalintii uu ka qaadan jiray horumarka dalkana dib loogu soo celiyo”

Duqa Muqdisho iyo Taliyeyaasha Ciidamadda ayaa kormeeray guud ahaan qeybaha uu ka koobnaa garoonka oo burbur xoogan ka muuqday. Iyagoo dhinaca kale kormeer ku tagey qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliska ee degmooyinka dhaca hareeraha Caasimadda, si loo xaqiijiyo sugidda amniga magaalada.

Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhisay Sanaddii 1978-dii ayaa lagu qaban jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Muqdisho (SNTV), Ogoosto 29, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka qayb galka DFS ee shirkan uu muhiimad u leeyahay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kala arrinsan doontaa Shiinaha sidii ay qayb muhiim ah uga qaadan lahayd maalgashiga dalka iyo soo celinta kaalinta soo jireenka ah ee ay ku lahaayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.”

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.