Home Blog Page 1204

AKHRISO: Khudbadda uu jeediyay madaxweyne Erdogan ka dib Guushiisa doorashada Turkiga

Muqdisho(SNTV);- Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi turkiga,iyada oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaha boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Madaxweyne Erdogan oo dad badan Khudbad uga jeedinayay xarunta Xisbiga cadaaladda & Horumarka (AK) ee ku taalo caasimadda Turkiga ee Ankara Guushiisa ka dib ayaa sheegay in qof kasta oo ka mid ah 81-ka Milyan ee Muwaadiniinta Turkiga uu guuleystay.

“ Guuleystayaasha doorashooyinka 24-ka June waa Turkiga, Qaranka Turkiga, dhibka haysta gobolka iyo dhammaan kuwa la dulmiyay adduunka,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay hogaamiyaha xisbiga MHP, xubnaha iyo codbixiyayaasha.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan u mahadceliyo dadkayga, walaalahayga kuwaasi oo na aaminay aniga, isbahaysigayga iyo xisbigayga,” ayuu yiri Mr. Erdogan.

Erdogan ayaa horaanta maalintii Axadda ku dhawaaqay guusha uu ku gaaray doorashadii madaxweynenimada ee Turkiga iyo mida baarlamaanka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu helay farriinta muwaadiniinta ee doorashada. “Xilligan, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii horumaro la taaban karo loo gaarsiin lahaa Qaranka Turkiga.

Laga bilaabo berri, waxaan qaadi doonaa tallaabooyin deg deg ah oo lagu fulinayo balan qaadyadii u sameynay Ummadeena,” ayuu yiri madaxweynaha la doortay ee Turkiga Raccip Dayip Erdogan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay ka hortagi doonto kooxaha argagixisada. “Waxaan kordhin doonnaa sumcadda caalamiga ah ee waddankeena,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

“Isla markiiba xafladda dhaarinta, waxaan bilaabi doonaa in aan fulino barnaamijkeenna si aan u aqoonsanno shaqadeena,” Erdogan ayaa sidaas yiri, isaga oo ku dhaartay in uu u shaqeynayo maalin iyo habeen “ma haysanno waqti aan lumino.”sida uu hadalka u dhigay.

“Turkigu wuxuu go’aansaday inuu sare u qaado horumarka, kobcinta maalgashiga iyo wadan sharaf leh oo saameyn  ku leh dhammaan qaybaha adduunka,” Erdogan ayaa sidaas yiri.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta u amba baxay Jabuuti

Muqdisho(SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti Jamhuuriyadda Walaalaha aanu nahay ee Jabuuti.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgalilahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Waxaa ku wehliya safarkiisa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaan ku sii sagootiayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeyo ee taageera Soomaaliya,waxaana lagu xusuustaa in dadaalkasta oo walaaltinimo ay ku bixinayaan horumarkasta oo ka dhasha geyiga Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay horjooge Ajinabi ah kuna siifidaya deegaano hor leh.

Muqdisho(SNTV)- Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanada jubboyinka waxa ay ku guuleesteen xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Nabadiidka Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob Nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadaan lacagaha baada ah ee kooxdu ka qaado shacab isticmaalo buundada Araare.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada  11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka ayaa sheegay in galabta nabadiidka Al-shabaab laga xureeyay buundada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah.

G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali waxa uu xaqiijhiyay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab looga dilay 7 Maleyshiyaad ah isla markaasine ay ciidamadu ka furteen hubkii ay wadteen Maleyshiyaadkaasi .

Mudadii uu socday ayaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo qorsheysan ku dilay Maleyshiyaad iyo horjooge sare oo ka mid ah Ajaanibta ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa heestay dhalashada wadanka Tanzania,isagoona ka mid ahaa horjoogayaasha ugu sareeya ee nabadiidka Al-shabaab u qaabilsan dhanka Jubboyinka.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada  11Aad ee ciidanka Xoogga dalka G/Dhaxe Cabdi ibraahim Cali ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay  in Howlgalka lagu dilay horjoogahaani uu ka dhacay Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa nolosha ku qabatay labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare  ayaa 7km u jirta degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose,waxayna ciidamada Xoogga dalka ay sidoo kale u ruqaansadeen degmada Jamaame oo xarun u ah nabadiidka Al-shabaab.

Maleeshiyada ALshababa ayaa soo wajahday cabsi iyo walwal xoogan,kuwaasi oo haatan qarka u saran in ay gebi ahaanba burburaan,kadib markii cadaadis xoogan ay kala kulmeen militariga Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya.

W/qorey C/waaxid

Madaxweynaha Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo Mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalkaasi.

Codadka in ka badan 95% oo ilaa hadda la tiriyey ayaa Recep Tayyip Erdogan waxaa uu helay 53% taasoo si hordhac ka dhigan in uu ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mida ah Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad.

Shacabka Dalka Turkiga ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha Taariikhiga ah ee hogaamiyahooda gaaray.

Doorashada ka dhacday Dalka Turkiga ayaa waxaa ku tartamayay Lix musharax oo mida ay talhay Qof dumar ah, iyadoo guusha Erdogan ay ugu dhigantahay Dalka Turkiga guul Taariikhi ah.

Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan Baarlamaaniga ee ka dhacday dalka Turkiga waxaana codkooda dhiibta 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas sheegay gudiga doorashada Dalkaasi.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Hal Maalin Ah Ay Uga Bilaabatay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda

Kigali, June 24, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ka duulay ayaa galabta gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hogaaminayo oo qeyb uu ka yahay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr, ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kigali.

Ra’iisul wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ay uga bilaabatay Kigali ayaa caawa kulan casho ah la qaadanaya dhigiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

—DHAMMAAD—-

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka Qeyb Galay Xafladda Dhameestirka Soo Wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya

Muqdisho, June 24, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre, oo ka qeyb galay Xafladda dhameestirka soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya, ayaa kula dardaarmay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabduulllahi Salaad (Oomaar), iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo gaaro guula kale oo wax ku ool ah.

Munaasabadda oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay wasiirro, Xildhibaanno, Guddiga labada aqal ee Gaaadiidka iyo Duulista hawada, gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo masuulyiin kale, iyada oo dhamaan masuuliyiintii ka hadashay ay ku ammaaneen xukuumadda sida ay dadaalka ballaaran ay u gelisay soo wareejinta hawada Soomaaliya oo ganacta dawladda ka maqneed waqti dheer.

“Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilaaw ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

“Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii Bishaan June si dhameestiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee G/Banaadir

0

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ,Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun caafimaad oo loogu adeegi doono Shacabka ku dhaqan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Qaanso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Wadajir baahi wey u qabeen xarun caafimaad oo si bilaash ah ugu shaqeysa.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),ayaa marka hore u mahad celiyay Hay’adda dhistay xarunta caafimaad,isagoona dhanka kale sheegay iney diyaar u yihiin iney Shacabka ku nool Muqdisho ka haqabtiraan baahiyaha dhanka adeega ah ay qabaan.

“DOORASHADA TURKIGA” -Qalinkii:- Mustafa Maxamed Cali Caadle

1. Waa doorashadii ugu horraysay oo hal maalin la isla dooranaayo xildhibaannada iyo madaxweynaha Turkiga, sida uu nidaamka cusub qabana hadda kadib hal mar ayaa la isla dooran doonaa.

2. Kuraasta baarlamaanka oo 600 ah waxaa u tartamaaya 4,851 musharrax oo ka kala socda 8 xisbi, halka 68 musharrax ay si madax bannaan u tartamayaan.

3. Xilka madaxweynaha waxaa u tartamaaya 6 musharrax oo mid kamid ah uu xabsi ku jiro. Madaxweyne Erdoğan wuxuu u sharraxan yahay xulufo seddex xisbi ka kooban. Isbahaysi mucaarad ku ah oo seddex xisbi ka kooban iyagana seddex musharrax oo 3da xisbi ka kala socota ayaa u tartamaysa, waxayna noqotay wax lama filaan ah in xisbiyo aad u kala aragti duwan oo calmaani iyo islaami ah ay isbahaystaan.

4. Codbixintu saakay 08:00 saac ayay bilaabatay, sida qorshuhu yahayna waxay ku eg tahay galabta 17:00 saac. Natiijada waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo caawa 00:00 saac kahor.

5. Tirada codbixiyeyaasha la filaayo inay codeeyaan waa 56,322,632 oo qof oo ku kala codayn doona 180,065 sanduuq. Waxaa hore u codeeyay qurba joog dibadda ku nool oo gaaraysa 1,443,585 qof, nus kamid ah waxay ka codeeyeen Jarmalka, waana tiradi ugu badnayd ee qurbajoog Turki ah oo codaysa.

6. Doorashadaan waxyaabaha ku cusub waxaa kamid ah “sanduuqa dhaqdhaqaaqa” kaas oo muwaaddiniin 17 kun kor u dhaafaya oo sariir saaran halka ay joogaan (guri ama isbitaal) loogu tagaayo si ay codkooda u dhiibtaan.

7. Doorashada waxaa kormeeraya kormeerayaal 500 gaaraya oo ka kala socda 48 dal iyo 635 wariye oo 34 dal ka kala yimid.

8. Haddii musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha uu midkood heli waayo wax ka badan kalabar (50%+1) codadka la dhiibtay, labada musharrax ee ugu codadka badan ayaa wareeg labaad tartami doona 8da Luulyo, 2018.

9. Arrimaha ugu muhiimsan oo ay musharraxiintu ku kala duwan yihiin dhanka arrimaha gudaha waxaa ugu wayn nidaamka dawladnimo oo ay mucaaradku u arkaan inuusan dalka munaasib ku ahayn uuna ka tarrjumaayo kalitalisnimo iyagoo ballanqaaday in haddii ay guulaystaan nidaamki hore ee baarlamaaniga loo noqon doono. Siyaasadda dhaqaalaha iyo qaxootiga Suuriyaanka ah ayaa iyagana kamid ah arrimaha ugu waawayn oo ay xisbiyadu isku hayaan. Dhanka arrimaha dibadda waxaa ugu muhiimsan dagaalka uu Turkiga uga jiro Suuriya iyo dawladda Bishaar Al-asad, ku biirista midowga Yurub iyo deeqaha uu Turkiga siiyo dawladaha shisheeye.

10. Inta wareeg oo ay doontaba ha noqotee, waxaa la saadaalinayaa in doorashada uu madaxweyne Erdoğan ku guulaysto. Waxaa xusid mudan in saamaynta natiijada doorashadan aysan ku ekaan doonin Turkiga oo kaliya oo ay sidoo kale saamayn doonto gobalka oo dhan iyo dunida islaamka. Natiijo khayr qabta Alle haka soo saaro.

W/Qoray:-  Mustafa Maxamed Cali Caadle oo ah Aqoonyahan saldhiggiisu yahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.

Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Baladweyne (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan ka furay imtxiaanka Shahaadiga ah ee dugsiyadda Sare.

Ardayda maanta uu Wasiirku u furay Imtixaanka ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 1400 oo arday ,kuwaasoo horay ugu baaqday imtixaankii dowladda dhexe ay qaaday.

Wasiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dadaal badan ay Muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan Nidaamka Imtixaanka.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in markii ugu horreysay dalka Gudihiisa Imtixaanka lagu diyaariyo, sidoo kalena ay diyaariyaan dadka Soomaaliyeed.

Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ayaa ka haray Imtixaanka Shihaadiga ahaa ee dugsiyadda Sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya Bishii May ka dib markii Fatahaado badan ay ku dhufteen Magaaladaasi.

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Shaqsi loo soo xiray Dil iyo Ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab

Muqdisho (SNTV)- Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab,  sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno  ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi  laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,   in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhamman dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidi Qaab Ciidan oo kale sida Maleeshiyada Al-shabaab.