Home Blog Page 1205

Ciidamada Xoogga dalka oo u gurmaday Qoysas danyar ah oo kunool deegaanka dhanaane

0

Muqdisho October 1 (SNTV):-Ciidamada Xoogga dalka ayaa raashiin u qeybiyay Qoysas dan yar ah oo ku nool deegaanka Dhannaane oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeella hoose.

Qoysaskan danyarta ah ee Ciidamada Xoogga dalka u gurmadeen ayaa ka soo cararay deegaano fog oo ay kaga yimaadeen dhibaato ay maleeshiyada Al-Shabaab ku hayeen,waxayna Ciidamada Xoogga dalka Xoog uga saareen Al-Shabaab deegaanka.

Deegaanka Dhannaane ee Gobolka Shabeellaha hoose malahan Ceel-biyood,Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa horay u diiday in la qodo,balse shacabka hadda waxay qabaan rajo maadaama Ciidamada Xoogga soo gaareen.

Qaara ka mid ah Shacabka deegaanka Dhannaane oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin iney gurmad ka helaan Ciidamada Xoogga,halka maleeshiyadii Al-Shabaab dadka ay dhibaateynayeen,waxayna uga mahad celiyeen gurmadkii ay soo gaarsiiyeen.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa muujiyay in Ciidamada Xoogga dalka ay deegaanka Dhannaane u tageen dadkooda oo dhiban ayna la garab istaageen gurmadkii ay awoodeen.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada Gobolka Shabeellaha hoose ayaa u suurta gashay iney xoog argagixisada Al-Shabaab uga saaraan deegaano badan.

Dowladda Soomaaliya oo ballanqaaday horumarinta goobaha dalxiiska dalka

0

Muqdisho October 1 (SNTV):- Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo ah degmo Taariikhi ah ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u diyaarineysaa goob dalxiis oo dalka daqli badan uu ka soo galo.

Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cabdi C/llaahi oo ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo tagay degmada Warsheikh ayaa ujeedada ay halkaasi u tageen ku sheegay iney qiimeyn iyo baaris ku sameeyaan degmada iyo goobaha ay kaga haboon tahay in lagu dalxiiso si dib u dhis loogu sameeyo.

Degmada Warshiikkh waxay ahaan jirtay xarun Diimeed oo Diinta Islaamka looga looga iman jiray Gobollada dalka iyo qaar ka mid ah dalalka Shisheeye,sida uu sheegay Guddoomiyihii hore ee degmadaasi Axmed Xuseen Axmed Shiidka.

Nolol maalmeedka dadka ku nool degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxay ku xiran tahay Jallaabashada Kalluunka,Beeraha iyo waliba dhaqashada Xoolaha nool hadana waxaa ku soo kordhay dalxiiska oo dad badan maalmaha fasaxa u dalxiis tagaan si ay u soo qaataan neecowda iyo jawiga qurxoon ee xeebta degmada.

C/risaaq Xuseen Axmed oo ku magac dheer “ Shiino” wuxuu ka mid yahay qurba joogta Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay inuu dalxiis ku tago degmada Warshiikh,isagoona Dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay ugu heelan tahay horumarinta dalka,wuxuuna Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ku dhiira geliyay iney ku soo laabtaan dalkooda kana qeybtaan dib u dhiskiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay horumarinta goobaha dalxiiska dalka,islamarkaana ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney maalgashadaan dalkooda hooyo.

Muqdisho oo laga xusay maalinta Beeraha Carabta

0

Muqdisho October 1 (SNTV):- Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay maanta lagu qabtay Munaasabad lagu Xusayay maalinta Beeraha Carabta oo sanadkiiba mar la qabta.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Beeraha , xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya soomaaliya, wafdi ka socday dalalka jaamacadda carabta, wakiilka soomaliya u fadhiya Hey’adda FOA  , qubaro ku xeel dheer arimaha beeraha  iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Masuuliyiinta xaflada kasoo qeyb gashay ayaa ku dheeraaday ka Hadalka qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta, waxeyna dhinaca kale isla meel dhigeen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta wax soo saarka dalalka jaamacadda carabta oo ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda beeraha iyo waraabka Axmed Cilmi Waasuge oo xafaladda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sharaxay qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay dalka laga xusay.

Ugu dambeyn wasiirka Beeraha iyo waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa hadiyaddo gudoonsiiyey qaar kamida marti sharaftii kasoo qeyb gashay xuska munaasabadda maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay la asteeyay sanadkii 1972.

Maamulka G/Banaadir oo wada dadaallo lagu hagaajinayo bulaacadaha Xamar Weyne si biyaha roobabka aysan saameyn ugu yeelan

0

Muqdisho September 30  (SNTV);- Maamulka Gbolka Banaadir oayaa  wada dadaallo lagu hagaajinayo bulaacada Hamar Weyne si biyaha roobabka aysan saameyn ugu yeelan

Dadaaladan ayuu maamulku ku sheegay in looga golleeyahay in lagu dayactiro goobaha Bullaacadaha ee degmada Xamar Wayne maadaama nagusoo fooleedahay xilli roobaadka.

Dhinaca kale qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir ayaa laga bilaabay Olole Nadaafadeed oo lagusoo celinayo bilicda loogana qaadayo qashinka iyo wasaqda taalla.

Ololahan Nadaafadeed ee la bilaabay oo qeyb ka ah barnaamijka isxilqaan ee dhawaan kudhawaaqday dowlada Federaalka soomaaliya ayaa laga billaabay xaafadaha  waabari iyo xamar jajab oo kamid ah degmooyinka gobolka banaadir.

Waxaana ka Qeybgalay Ololahan Nadaafadeed masuuliyiin ka socotay waaxda Nafaadada ee dowlada hoose ee xamar iyo kuwa ka socday degmooyinka laga bilaabay Ololaha nadaafadeed, waxana ay sheegeen masuuliyiintaas oo ka hadlayey ololahan Nadaafadeed in Ololahan uu muhiimad leeyahay, laguna qaadayo qashinka iyo wasaqda daadsan hareeraha wadooyinka, waxayna ugu baaqeen shacabka xaafadahaas inay ilaalashadaan nadaafada si uu uhagaagsanaado fayadhowrka deegaanka.

Masuuliyiinta waxay kaloo sheegeen in cidii lagu arko iyagoo biyo wasaqeysan kushubayo wadooyinka xaafadahaas laga qaadi doonno tallaabo sharciga waafaqsan,

Gudoomiyaha Gobolka banaadir Ahna Duqa muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (ENG Yariisow) ayaa ugu hambalyeeyey maamulka iyo masuuliyiinta xaafadaha waabari iyo Xamar jajab Ololaha Nadaafadeed ee ay xaafadahooda ka bilaabeen iyo sidey isaga nadiifinayaan qashinka, isagoo ugu baaqay degmooyinka kale ee jira inay kudaydaan.

kudhawaad 1,000 ruux oo ku Dhimatay Dhulgariir kadhacay Indonesia

0

Muqdisho September 30  (SNTV);-Illa 832 ruux ayaa ku dhimatay dhulgariir iyo duufaan ku dhufatay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonisia sida ay xaqiiiyeem Wakaaladda Maareynta Masiibooyinka ee dalkaasi.

Dad badan ayaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin dhismayasha dumay,halka dhaawaca uu gaarayo in ku dhow kun.

Madaxweynaha Indonisia Joko Widodo ,ayaa maanta gaaray Jasiiradda Sulawesi,si uu u qiimeeyo xaaladda dhulgariirka iyo dhibaatada gaartay dadka iyo deegaanka,

Dad aad u farabadan ayaa laga soo badbaadiyay dhismayaasha burburay hoostooda,waxaana ka mid ah haweeneey xalay laga soo helay burburks Hoteel Roa-Roa

Ciidanka Xoogga Dalka oo Alshabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose

0

Muqdisho September 30  (SNTV);-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo kaashanaya kuwa Darwiishta Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Gobolka Jubbada Hoose kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayeen Maleeshiyada Al-Shabaab.

Howl-galadan ayaa la sheegay in ay bilowdeen saaka aroortii hore kadib marii ciidamadu weerar qorsheysan ay ku qaadeen  ldeegaanna ku teedsan degmada Jamaame, iyagoo gacanta ku dhigey dhammaan deegannada hoos yimada degmadaasi.

Deeganada ay ciidamadu la wareegen waxaa kamid ah Bangiini,maana muufo iyo koban oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Generaal  Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ah lataliyaha madaxweynaha Jubbaland ee dhanka ammaanka ayaa sharaxad ka bixiyay howlgalada ciidamadu ay ka fuliyeen deegaanadaasi.

“Hadda maanta koban baa la joogaa ciidanku Baar-sanguuni wuu ka tagay,howlgalkaasi gurmadkiisa iyo u diyaargarowgiisi iyo ciidankii horaydaasi jiro haday wax soo gaaraan u gurmashadooda ka mid bay ahayd,hadana wax qasaare ah 2 will oo dhaawac ayaa naloo sheegay,iyagana 5 qof ayaa laga dilay mooto ay wateena waa laga qabsaday,hoobiyaal in ay soo ridayeen baa la ii sheegay”. Ayuu yiri Yuusuf Dhuumal.

Malleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in Gabi ahaanba iskaga baxeen degmada Jamaame kadib markii ciidamadu ay labo jibareen weeradada ka dhanka ah al shabaab tasoo keentay in ay iskaga baxaan guud ahaan degmada jamaame iyo tuulooyinka hoostaga

Eng.Yarisow oo dib uhabeyn ku sameeyey Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee G/Banaadir

0

Muqdisho September 30  (SNTV);-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha in uu si deg deg ah dib u habayn ugu sameeyo xubnaha iyo shaqada guddigaas oo lafdhabar u ah caddaalad iyo sinnaan loo horseedo shacabka tabashada qaba.

“Hirgelinta hannaan caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay, xal waarana u horseeda murannada iyo khilaafaadka ka taagan dhulalka iyo guryaha waxaa asaas u ah in dib loo habeeyo Guddiga qaabilsan arrinkaas.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo dikumiintiyada been abuurka ah ee lagu qaato hantida dadka.

Guddoomiyaha ayaa faray dhammaan xubnaha Guddiiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan hawlaha loo igmaday, si loo xalliyo tabashooyinka la soo gaarsiiyey Gobolka Banaadir ee la xiriira dhulalka iyo guryaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xaliyay tabashadii Iskaashatada Kawaanka ee Degmada Cabdicasiis

0

Muqdisho September 30  (SNTV);-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa booqday xarunta Iskaashtada Kaluunka ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhageystay cabashada Iskaashtada,isagoo amar ku bixiyey in shaqadii uu kawaanku qaban jiray dib loo bilaabo, maamulka Banaadir iyo Hay’adaha ammaankuna diyaar u yihiin sidii wadajir looga shaqayn lahaa xalinta tabashadooda.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ammaanku mar walba waxay u taagan yihiin xalinta cabashada bulshada,Kawaankiina waa idiin furan yahay, hadda wixii ka danbeeyana waa in wadajir looga shaqeeyaa maslaxadda guud, gaar ahaan badqabka xeebta Liido oo aad muhiim u ah”.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula dar-daarmay Iskaashatada Kaluunka in laga fakero mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed ee u soo dabaal taga Xeebta Liido, lagana ilaaliyo wax walba oo khatar keeni kara, gaar ahaan dhiigga Kaluunka ee ku data xeebta, kaasoo keena in Libaax badeedku soo raaco.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Iskaashatada Kaluunka ayaa sheegay in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan ilaalinta nadaafadda deegaanka, isagoo uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-furidda kawaanka oo maalmihii la soo dhaafay aan shaqeynayn.

Akhriso:- Nuxurka Khudbaddii Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ee Shirka Qaramada Midoobay

0

Muqdisho September 30  (SNTV);- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Cawad Ciise oo  Khudbad ka jeediyay shirka Golaha guud ee QM ayaa diiradda ku saarray horumarada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha oo Dowladda Federaalka ay ka guul keentay, isagoo ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaado.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya farxad ayay ii tahay in aan khudbad ka jeediyo Golaha hortooda,maamulkeena haatan waxaa u buuxsantay sanad iyo bar waxaana ku faraxsanahay in dowladdu ay wax badan u qabsoomeen dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha,siyaasadda iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu xoogga saarayo dhismaha iyo xoojinta cududa ciidan ee dalka uu leeyahay,silooga guuleystoo qatarta Alshabaab,wuxuuna ka hadlay aragtida laga qabo fikirka xagjirnimada ah ee Alshabaab.

“Dhalinyarada haatan kuma biirayaan alshabaab,maxaayeelay fikirka qaldan wax sii soconaayo ma ahan,dowladda Soomaaliya waxaa ay qaadaysay talaabooyinka wacyigelin ah oo bulshada dhexdeeda ah,sida culimaa’udiinka,haweenka,dhalinyarada waxgaradka,si meel looga soo wada jeesto fikirka qaldan ee xagjirnimada ku dhisan oo ay aaminsanyihiin Alshabaab”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Mudane Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadadda ee Soomaaliya oo khudbadiisa sii wata ayaa golaha loo dhanyahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa u sheegay in ay jiraan xubno badan oo ka tirsan  Alshabaab oo ay ku jiraan madax sar sare,kuwaasi oo ka faa’idaystay cafiskii ay dowladda Soomaaliya u fidisay,wuxuuna xusay in ay si nabad ah ay isku soo dhiibeen.

Mar uu ka hadlayay arrimaha la xiriira baahiyaha loo qabo in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ah ayuu sheegay wasiir cawada in taasi ay ka caawinayso dowladda Soomaaliya in ay ka guuleysato cawdowga,awoodda dowladduna ay sare marayso si loo xoojiyo gulufka ka dhanka ah ALshabaab.

Golaha loo dhanyahay ee QM ayuu ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ah ee saran dalka,si looga gudbo dhibaatooyinka amniga ah loona kordhiyo cududa ciidan ee dalka uu leeyahay,taasi oo sahlikarta buu yiri in Alshabaabka Soomaaliya looga adkaankaro.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Dalka Equator oo sanadkan haaya hoggaanka golaha loo dhanyahay ee QM.

Wuxuu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay dhulgariirkii xooganaa ee ku dhuftay Jasiirada kutaala dalka Indonesia.

“Anigoo ku hadlayay maga dowladad Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed,waxaan ka tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay musiibadii ka dhalatay dhulgariirkii ku dhuftay Dalka Indonesia,

Wasaaradda howlaha guud oo shirkadaha dhismaha kala shirtay barnaamijka isxilqaan

0

Muqdisho September 29 (SNTV):-Wasaaradda Howlaha guud & Dib u Dhiska XFS oo Kulan ku Adan Xoojinta wadashaqeynta  iyo ka qeybqadashada Barnaamijka isxilqaan La Qadataay Shirkadaha dhismooyinka Ee Gobalka Banaadir

Barnaamijka  hirgelinta Qorshayaasha Dhismaha Iyo dib usoo Celinta
Bilicda Dalka Waxay Tahay Xiligan mid si dhab ah ay u wado Wasaarada
howlaha Guud iyada oo kaashanaysa Hay.adaha Caalamiga iyo  Kuwa ka
shaqeeya Gudaha Dalk.

Talaabada Lagu xoojinayo arimahan ayaa si loo falanqeeyo waxay
Wasaaradda Howlaha Guud  ay Kulan La Qadataay masuuliyiinta  Shirkadaha Dhismooyinka Ka Shaqeyo Ee Gobalka Benaadir iyaddo kala hadashay sidi ay door weyn
ugu qaadan lahaayeen Barnaamijka Isxilqaan oo  Ay dhawaan ku Dhawaqaaday
Dowlada Soomaaliya Kaasoo Ah mid looga Golleeyahay Dib U So Celinta
Bilicda dhismooyinka Iyo Horumarka Dalka

Wasaaradda Howlaha Guud & Dib U dhiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshayaal lagu dhisaayo wadooyinka halbowlaha u  ah Magaalada Muqdisho iyo gobalada
dalka ka dib markii dhawaan heshiisiyo caalami ah ay kala saxiideen
Safaaradda Talyaniga ee Soomaaliya

Masuuliyiin Shirkadaha Dhismooyinka ee dalka  Ayaa Si Aad ah uso dhaweyaay Kulanka waxay ballan qaadeen  Iney Kaalin weyn ka qaadan doonnaan Hergalinta barnaamijka Isxilgaan madama dowlada soomaaliya ay waddo dadaalo ay ku  horumarineyso a hiigsiga mustaqbalka dhaw.