10 ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Kenya

Date:

Muqdisho October 1 (SNTV):-Ugu yaraan 10 xubnod oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal Maanta oo Isniin ah ka dhacay Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo,Paul Njuguna ayaa sheegay inay xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab laayeen xilli ay howlo gaaf meer ah ka wadeen waqooyiga Lamu.

“Qiyaastii 06:45 a.m., ee Maanta ayay ciidamada difaaca ee KDF weerareen degaanka Taksile oo ka tirsan Lamu, halkaas oo ay ku sugnaayeen Malleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Afhayeenku.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay Malleeshiyadaasi ka furteen Toddoba Qori oo nooca AK47 ah iyo saanad ciidan.

Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidankoodu uu Saddex ka mid ihi dhaawac kassoo gaaray iska hor imaadka dhex maray iyaga iyo Malleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...