Wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya oo kulan la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Date:

Muqdisho October 1 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya  Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur oo  safar shaqo ku joogta dalka mareykanka  ayaa jaaliyadda soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota waxay ku soo dhaweeyeen Magaalada Minneapolis.

 Munaasabad wayn oo ay ka soo qaybgaleen madaxda jaaliyadda iyo qaybaha kale ee jaaliyada ayaa waxaa wasiirku ku soo bandhigtay talaabooyinka horumarineed ee ay wasaaraddu u qaaday in adeegga caafimadka la gaarsiiyo bulshada.

 Drs. Fowsiyo Abikar Nuur ayaa sheegtay in wasaaradda ay u qabsoomeen hawlo baaxad leh mudada 18-da bilood ah oo ay xafiiska joogtay, kuwaas oo ay ka midyihiin in la taageero Isbitaallo badan oo dalka ku yaala iyo in la qaabeeyo siyaasadda horumarinta caafimaadka dalka.

 Proff Siciid Saalax oo ah mid ah aqoonyahanadii kulankaas ka qaybgalay ayaa bogaadiyey waxqabadka wasaaradda, waxaana uu ku dhiiri galiyey qurbajoogta inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalka iyo dadaalada horumarineed ee dalka ka socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...