Maxkamadda Ciidamada oo goโ€™aano adag ka soo saartay Murankii ka jiray Baraawe.

Date:

Baraawe (SNTV)-ย Iyadoo ka duuleyso cabashada ka timid bulshada, Odayaasha, maamulka dhawaan uu magacaabay koonfur galbeed ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay magaalada Muqdishoa ka dirtay Saraakiil Sareย  uu hugaaminayo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side, Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamadada Qalabka Side Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kamey iyo Saraakiil kale oo ka socday qeybaha dambi barista.

Daqiiqada uun kadib ayagoo gudanaya howshooda ayay bilaaween xooraansiga xog-ogaalnimo ee bulshada, waxa ay qaabileen odayaashaย  dhaqanka, maamulkii hore ee qaarkood diidanaa xilwareejinta kan dhawaan la soo magacaabay, taliyaha Boliiska degmada, saraakiishaย  ciidamada xoogga dalka sida taliyaha Ururka, ย abaanduulahiisa iyo u qaabilsanaha AMISOM Baraawe iyo goobaha u dhow.

Goโ€™aanada masiiriga ah eeย  laba maalin kedib ayaa noqday in meelย  fagaara ah lagu gaaro goโ€™aanno, waxaana sifa sharci lagu kala wareejiyay xilalkii murankaย  ka jiray iyadoo sidoo kaleย  saraakiisha dowladdu dirtay kala xadiday xilal dhawaan ay u magacaabeen maamulka Koonfurgalbeed masuuliyiinta horay u maamuli jiray degmada.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buula kamey ayaa u sheegay dhammaan masuuliyiintii hore iyoย  saraakiisha ciiidamada in lagu maxkamadeyn doono wixii hadda kadib ka hor yimaadoย  xalka ay dowladda dhexe ka gaartay muranka maamul ee ka jiray Baraawa.

Sidoo kale waxa uu weydiistay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida in si kumeel gaar ah looga joojiyo shaqada Taliyaha Boliiska degmada kaasi uu mad madow badan soo galay shaqadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fariin culus u diray dadka ku howlan abuurista dhiilada colaadeed ee ka jirtay Baraawe kuwaasi oo iyaga ku nool dibadaha, waxa uu ugu baaqay in Baraawe ay ka caawiyeen hadii ay dhab ka tahay la dagaalanka argagixisada, dhismaha xarumaha caafimaad iyo waxbarashada degmada oo gaabis badan ka jiro iyo horumarada kale ee degmada, waxa uu ku adkeeyay odayaasha dhaqanka, maamulka iyo saraakiisha ciidamada in ay u midoobaadan danaha degmada oo aysan warkooda maqal kuwa ku nool magaalada ka banaankeeda.

Sidoo kale waxa ay Maxkamadda goโ€™aamisayย  shaqa ka joojinta taliyihii saldhiga degmada Baraawe, baarista eedeysanayaal u xiran falal argagixisanimo iyo xilwareejin kama dambeys ah oo dhaqan gashay maalintan.

Masuuliyiinta dowladda dirtay oo ay wehliyaan kuwa degmada iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa soo dhaweeyay cutubkii ugu horreeyay ee Boliis ah oo ay degmadu yeelatoย  kuwaasi oo ka degay Baraawe, iyagoo sidoo kale kormeeray xarunta taliska Boliska Baraawe, waxa ay sidoo kale socod dheer ku soo mareen fadhiyada ciidamadaย  ay ku leeyihiin daafaha magaala Xeebeedka Baraawe.

Ugu dambeyn wafdiga dowladda ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho iyagoo sidoo kale ka hor inta aysan soo duulinย  cagta soo mariyay garoonka loo dhisayo magaala Xeebeedka Baraawe oo ah Caasimadda dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...