Home Blog Page 1203

Taxanaha Taariikhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (Warbixin)

Muqdish(SNTV):-Asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan.

Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka SYL ayaa waxa uu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhalinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobanimadoonka.

Dhismihii Xisbiga, 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL, ayay magacyadoodu kala yihiin:-

1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin
3. Maxamad Cismaan Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere
5. Sayidiin Xirsi Nuur 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
6. Maxamad Cali Nuur 13.Cali Xasan Maxamad “Verdura
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen

Shirkii gu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:-

· In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed

· In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
· In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
· In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
· In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
· In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Kadib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye
Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:-Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir , Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn aheyd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 26-kii June 1960, iyadoo 1da July ee isla sanadkaas laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo La Kulmay Madaxweyne Paul Kagame

Kigali(SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo shalay galab gaaray Kigali ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo isla maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo sheegay in sare u kaca sicirka ay waxa ka qaban doonaan

0

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa ka warbixiyay lacagaha cusub ee dalka loo soo daabacayo iyo sare u kaca ku yimid qiimaha sarifka Shilin Soomaaligaa.

Bashiir Ciise Cali ayaa tilmaamay in sicir kororka ku yimid Shilin Soomaaliga ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dambiilayaal ah oo qalqal gelinayo nolosha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan ciddi ka shaqeysa sare u kac ku yimaada lacagta shilin Soomaaliga ah.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa hey’adaha ammaanka ee dowladda ugu baaqay in ay tallaabo ka qaadaan shaqsiyaadka falkaya sicirbararka ku yimid Shilinka Soomaaliga, wuxuuna markale ku wargeliyay bulshada Soomaaliyeed in loo bedeli doono lacagahooda marka dalka laga dhaqangeliyo lacagaha cusub ee la qorsheeynayo in la soo daabaco.

Guddoomiyaha ayaa xusay in lacagaha cusub aan la soo daabaceynin muddooyinka dhow, isagoo xaqiijiyay in marka la soo daabaco lacagta cusub dadka  lagu bedelidoono lacagta shilin Soomaaliga ah ee ay heystaan, isla markaan aan ku jirin lacagaha la badalayo kuwa been abuurka ah, shaqaalaha bankiguna ay yaqaaniin lacagaha been abuurka ah.

Udiyaar garowga Munaasabada 26 June

0

Munaasabada 26-ka June oo ah Munaasabad Qiimo weyn ugu fadhida Umada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka mid tahay Munaasabadah Taariikhda dalkeen Soomaaliya Qaaliga ku ah.
waxaynaa ka mid tahay maalmaaha ku xusaan Xoriyad Doonkii ee Dalka ka jiray ,Sannadkii 1960-kii Iyadoo uu xooggeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay geyiga Somaaliya, xuska iyo qabaan qabada loogu dabaal dagayo maalmaah xornima doonka ayaa waxaa sanadda waliba marka ay garto 26june iyo 27 june ilaa Koowda Luliyo waxaa looga dabaal daga guud ahaan Dalka .
26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960 iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaas .
caway ayaa waxay marka ay sacaadu tahay 12 -Kii Habeenimo lasari doona calanka Jamuuriyada wana xiligi ayaa si rasmiyaa gayiga Soomaaliyeed laga luulay Calanka Jamuuriyada.
munaasabadda lagu xusayo 26june ee sanaddkii 1960-kii  dhaqdhaqaaqi xoriyada iyo hirgalinti sidi calanka soomaaliya loga tagi lahaa gayiga soomaaliyeed ayaa caway waxaa lagu qaban doona magaaladda muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo qalabbeeyey Isbitaalka Xoogga

0

Qeybta qaliinka ayaa  lagu kordhiyay Isbitalka Xoogga Dalka oo dhismihiisa dhawaan la soo geba gebeeyey,iyadoo loogu talagalay in lagu qabto adeegyada Caafimaadka ee muhiimka u ah ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qalabbeeyey qeybtaan cusub.

Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay qeybtan cusub waxaa ka qeybgalay wasiirka gaashaandhiga,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,Saraakiil iyo wakiilo ka socoday Dowladaha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Col. Mahad C/llaahi Shiine oo ah madax hoggaanka caafimaadka ciidanka Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn faah faahiyay muhiimadda qeybtan qaliinka.

Danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Baker iyo diblomaasiyiintii kale oo ka qeybgashey munaasabadda ayaa ammaanay dadaalka dowladda Soomaaliya ee  u aadan dib u dhiska xarumaha muhiimka ah, gaar ahaan kuwa ciidammada.

Taliyaha ciidammada Xoogga ayaa aaminsan in tani ay qeyb  Lixaad leh ka qaadaneyso dhismaha ciidanka xoogga dalka hadda socda.

Mudane Xasan Cali  Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay kaalintii ay qaadatay dowladda Talyaaniga dhismaha qeybtan caafimaad, tanina ay bilow u tahay horumarinta adeegyada ciidamada Xogga dalka.

Maamulka Degmada Dolow oo ka hadalay dhismaha Garoonka Dolow

0
Maamulka Degmada Dolow aya dhagax dhigay dhismaha qeybta Nashada garoonka  Degmadda Dolow.

Iyaado  lagu dhisayaa Barnaamij ay iska kashanayaan Wasaarada Arimha gudaha Jubaland hay,ada DRC iyo  Bulshada Degmada Dolow Cadde.

munasabadaan waxa goob joog ka ahaa masuuliyin ka tirsan Mamulka Degmada iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadda Dolow.

Guddoomiyahaa Degmada Dolow Idle Xasan Cabdulaahi ayaa Amaanay cid kasta oo ka qayb qadatay howshan isgoo shegay in Maamulka Degmada ay markasta la garab istagayaan  waxa ka qabshada howlaha danta guud.

sido kalan waxa u ugu baqay Bulshadda ku dhaqan Dolow in ay garbaha isqabsadan sidi ay ku dhisi ay u dhisi lahayeen gobaha laga marmaanka u ah dantaa guud,laguna Adeegay Bulshadda Degmadda Dolow.

Taliyaha Booliiska Galmudug oo ka hadalay Amaanka Dhuusa-mareeb

0

Saraakiisha Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa maanta faah faahin ka
bixiyay xaalada amniga wadada isku xirta Galkacyo iyo Dhuusa-mareeb
kadib markii maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay xaalad Amaan
daro oo ka jirtay  Waddaasi isku xirtaha  Magaalooyinka Galkacyo iyo Dhuuso mareeb .

kadib  jidgooyooyin  laga soo sheegay in ay dhigteen kooxo maleeshiyaad
si ay ugu dhibaateeyaan  bulshada soomaaliyeed.

Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliiska Galmudug G/sare Cabdi Jaamac
Cabdulle Xabeeb oo wareysi gaara maanta siiyay xafiiska warqabadka
warbaahinta qaranka ee Gobalka mudug ayaa beeniyay in amni daro ay
halkaaasi ka jirto ayna yaalaan jidgooyooyin lagu dhibaateeynayo
bulshada soomaaliyeed taas oo uu xusay in ay baahiyeen qaar ka mida
warbaahinta,isagoo dhanka kalana taliye xigeenku sheegay in ay
socdaan howlgalada lagu dagaalamayo cid kasta loo arko in ay nabad
kasoo horjeedo.

Hadalka kasoo baxay Taliska Ciidanka booliiska Galmudug ayaa imaanaya
xilli ay socdaan howlgalo lagu sugayo amniga sidoo kalana xaalada
amaan ee guud ahaan deegaanada Galmudug ay tahay mid soo
wanaagsanayneysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku sugan Jabuuti

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti Jamhuuriyadda Walaalaha aanu nahay ee Jabuuti.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgalilahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Waxaa ku wehliya safarkiisa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaan ku sii sagootiayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeyo ee taageera Soomaaliya,waxaana lagu xusuustaa in dadaalkasta oo walaaltinimo ay ku bixinayaan horumarkasta oo ka dhasha geyiga Soomaaliya.

Ciidamo loo soo qabtay burcadnimo oo ay Maxkamadda Ciidamada sii deysay.

Muqdisho (SNTV)- Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  ayaa Ciidamada Amniga Deegaanka Garas-baalleey ka soo qabteen  kedib markii lagu soo war geliyay  in ay jiraan rag baad ka qaata dhismayaasha  xaafadaha ee deegaankaasi ku sii kor-dhaya.

Kedib Ciidamada Amniga ayaa u soo gudbiyay Hogaanka Baarista Ciidamada, Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  kedib baaristooda  waxa ay  u soo gudbiyeen 20-kii   bishii la soo dhaafay  Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Iyana isla maalintaas codsaday in la geeyo xabsiga si loo muddeeyo Maxkamada Qaadista raggan ay soo gudbiyeen Ciidamada Amniga.

19-kii Bishan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay u fariisatay  dhageysiga  dacwdda ragga loo heysto oo ah  dhacca oo ay horey u codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana isla maalintaas la furay kiiska ka dhanka ah eedeysanayaasha kor ku xusan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu horreynba sharaxay eedda ka dhanka ah Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, waxa ayna hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal uu ka mid yahay Guddoomiyaha deegaanka Garas-baalleey iyo Ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, waxa ayna maxkamadda ka hor sheegeen in eedeysanayaasha lagu   soo qabtay  howlgal si guud loogu baadi goobayay  rag dhac ka geystay deegaanka  balse aysan jirin xilligaasi dambi ay gacmaha kula jireen eedeysanayaasha.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in ay bari ka yihiin eedda ay soo jeediyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana ay yihiin raggan la soo qabtay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la kulmay howl-gallo sida ay Maxkamadda ka hor cadeeyeen masuuliyiinte Deegaanka.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, iyagoo  aan ku qancin cadeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo Markaatiyaasho oo aan si buuxda ugu caddeyn dambiga, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ( Wabiyow ) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa si maalin la’ah u fariisato dambiyada ka dhanka ah Ciidamada iyo kooxaha u habeysan sidii qaab ciidan oo kale gaar ahaan kooxaha Arga-gixisada ah, waxa ayna dacwadaha ay soo gudbiyaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida kala saaraan dambiyada lagu soo oogay jiritaankooda iyo in kale.

AKHRISO: Khudbadda uu jeediyay madaxweyne Erdogan ka dib Guushiisa doorashada Turkiga

Muqdisho(SNTV);- Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi turkiga,iyada oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaha boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Madaxweyne Erdogan oo dad badan Khudbad uga jeedinayay xarunta Xisbiga cadaaladda & Horumarka (AK) ee ku taalo caasimadda Turkiga ee Ankara Guushiisa ka dib ayaa sheegay in qof kasta oo ka mid ah 81-ka Milyan ee Muwaadiniinta Turkiga uu guuleystay.

“ Guuleystayaasha doorashooyinka 24-ka June waa Turkiga, Qaranka Turkiga, dhibka haysta gobolka iyo dhammaan kuwa la dulmiyay adduunka,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay hogaamiyaha xisbiga MHP, xubnaha iyo codbixiyayaasha.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan u mahadceliyo dadkayga, walaalahayga kuwaasi oo na aaminay aniga, isbahaysigayga iyo xisbigayga,” ayuu yiri Mr. Erdogan.

Erdogan ayaa horaanta maalintii Axadda ku dhawaaqay guusha uu ku gaaray doorashadii madaxweynenimada ee Turkiga iyo mida baarlamaanka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu helay farriinta muwaadiniinta ee doorashada. “Xilligan, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii horumaro la taaban karo loo gaarsiin lahaa Qaranka Turkiga.

Laga bilaabo berri, waxaan qaadi doonaa tallaabooyin deg deg ah oo lagu fulinayo balan qaadyadii u sameynay Ummadeena,” ayuu yiri madaxweynaha la doortay ee Turkiga Raccip Dayip Erdogan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay ka hortagi doonto kooxaha argagixisada. “Waxaan kordhin doonnaa sumcadda caalamiga ah ee waddankeena,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

“Isla markiiba xafladda dhaarinta, waxaan bilaabi doonaa in aan fulino barnaamijkeenna si aan u aqoonsanno shaqadeena,” Erdogan ayaa sidaas yiri, isaga oo ku dhaartay in uu u shaqeynayo maalin iyo habeen “ma haysanno waqti aan lumino.”sida uu hadalka u dhigay.

“Turkigu wuxuu go’aansaday inuu sare u qaado horumarka, kobcinta maalgashiga iyo wadan sharaf leh oo saameyn  ku leh dhammaan qaybaha adduunka,” Erdogan ayaa sidaas yiri.