Wasaaradda waxbarashada oo Buugaagta Manhajka cusub u qeybisay Iskuullada Dowladda

Date:

Muqdisho October 2 (SNTV):-Wasiirka xigeenka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta saree ee xukuumadda Soomaaliya, Feysal Cumar Guuleed ayaa Maanta iskuullada Dowladda u qeybiyay Buugaagta Manhajka ee dhawaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Iskuulladan oo ku yaalla Gobolka Banaadir islamarkaana ah Dugsiyadii dhawaan Dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada, isagoo Ardayda u qeybiyay Buugaagta cusub.

Agaasimaha waaxda Dugsiyada wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Muuse Maxamed Carraale, ayaa bogaadiyay Manhajka waxbarashada Dalka isagoo kula dardaarmay Waaliddiinta in ay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka Caruurtooda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Mudane Feysal Cumar Guuleed, ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegtay Dowladda intooda badan loo qeybiyay Manhajkan cusub.

“Maanta waxaan nasiib u yeeshay in iskuulladii dhawaanay la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare inaan u qeybiyo Buugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiir ku xigeenku.

Mudane, Feysal ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashadu ay la soo wareegi doonto dhammaan iskuullada ay leedahay Dowladda, islamarkaana loo dhameystirayo Manhajka waxbarshada Dalka.

“ Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Maanta ay leeyihiin Manhaj mideysan oo wax lagu barayo Ardayda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane, Feysal Cumar Guuleed.

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay la soo wareegto 24 Iskuul oo ku yaalla Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...