Duqa Muqdisho oo xaqiijiyey in muddo Laba Bilood kadib lagu cayaari doono Stadium Muqdisho

Date:

Muqdisho, October 02 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah Ololaha Is-xilqaan oo 100 dumar ah shaqo loogu abuuray, si ay u dar-dargeliyaan nadaafadda iyo dib u habeynta Garoonka.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay Nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto Cayaaraha Maamullada ee dhowaan nagu soo fool-leh.

“Howshan dar-darta ku socota ee dib loogu hagaajinayo garoonka StadiumMuqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta Garoonka si loogu qabto Cayaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir”.

Ololaha Is-xilqaan ee laga sameeyay Garoonka Cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye-xigeenka Howllaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-Nabadda, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare iyo 100-ka qof ee shaqo abuurka loo sameeyey si ay nadaafadda Garoonka u dar-dargeliyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...