Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Qorsheneysa inay diwaangaliso Xisbi Ummada u horseeda barwaaqo.

Date:

Muqdisho October 2 (SNTV):-

Dowlada Federaalka ee soomaaliya ayaa Qorsheyneysa inay diwaangaliso xisbiga talada kaaso ay rajeyneyso inuu wadanka u horseeda horumar iyo barwaaqo.

Ra’isalwasaare kuxigeenka Xukuumada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa maanta ka gudoomay guddiga madax bannaan ee doorashooyinka qaranka habraaca xibiyada siyaasada iyo shuruudaha rasmiga ah ee ku aasaasmaan xisbiyada.

Mudane Mahdi Maxamed guueed Khadar oo kula hadlay warbaahinta qaranka xarunta guddiga ayaaa sheegay in ujeedkiisu uu yahay inuu soo qaato Dukumiintiyada iyo habraaca xisbiyada isagoo matalaya xukuumada federaalka ah ee soomaaliya.
Guddiga Madax bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxay diwaabgaliyeen 22 xisbi siyaasadeed oo KMG, iyadoo la qorsheynayo in la baahiyo nidaamka Axsaabta faraha badan ee jamhuuriyada Soomaaliya.

Xisbigu waa hay”ad guud oo ka yimaado xubno ka tirsan muwaadiniinta, waxaana looga baxaa nidaamka qabyaaladda, wuxuuna u ololeeyaa kuguuleysiga doorashooyinka parlamaaniga ah iyo madaxtinimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...