Dowladda Soomaaliya oo ku caawineyso shacabkeed la dagaalanka Alshabaab

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarsho) ayaa sheegay in uu taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed garab taagan yahay Shacabka u bareeray in ay iska caabbiyaan kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

S/Gaas, Indha Qarshe, ayaa intaa raaciyay inay soo dhoweynayaan Shacabka is-xilqaamay ee meel walba kula dagaallamaya cadawga, isla maraakaana go’aansaday inay iska Dul-qaadaan dulliga ay Ummada ku hayaan Argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna intaa raaciyay taliyuhu iyaga oo ka faa’iideysanaya dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay isaga celinayaan cadawga in ay Laba jibbaaraan dagaalladii iyo howl-galkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo ballanqaaday inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Shacabka.

“Waxaa xaqiiqa ah oo aan dareennay annagoo CXDS ah in meel walba wax laga soo sheegayo, oo Shacabka Soomaaliyeed uu kacay oo is-xilqaamay ,oo u adkaysan waayay dhibaatada ay Shacaka Soomaaliyeed ku hayaan, oo ay u diyaar garoobeen inay iska dhacshaan”,ayuu yiri taliyuhu.

Taliye, Indha Qarshe ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed uu qorshahiisu yahay in Sanadka 2019-ka inta ka dhiman ay Dalka oo idil ka xoreeyaan Kooxda nabad-diidka Al-Shabaab oo Ummada ku haya dhibaatooyin ba’an.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka...

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad...