Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Daraasad lagu soo bandhigay Kalsoonida Shacabka..

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey Cilmi baaris laga sameeyey Kalsoonida Shacabka ay ku qabaan waxqabadka dawladda Soomaaliya.

Cilmi baaristaan ayaa diiradda waxaa lagu saaray Waxqabadka Hayโ€™addaha kala duwan ee dawladda ee dhinacyadda arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha, iyaddoo Natiijada Cilmi baarista lagu sheegay in tirada ugu badan ee dadka suโ€™aalaha la weydiiyey ay qireen in ย dawladda ay ku socoto Wadada Horumarka.

C/risaaq Maxamed Aadanย  oo ah Guddoomiyaha Hayโ€™adda Cilmi Baaristaan sameysay ayaa sheegay in cilmi baarista laga sameeyey gobolada Soomaaliya, isaggoo xusay inay soo arruuriyeen aragtida 1,500 oo qof oo ay wax ka weydiiyeen arrimaha amniga, ย dhaqaalaha dalka iyo kalsoonida Shacabka ay ku qabaan hayโ€™addaha dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay inay so dhaweynayaan cilmi baaristaan, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in dadka Soomaaliyeed ay qireen in dawladda Soomaaliya ay jiho sax ah ay ku socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo...

โ€˜Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe...