Home Blog Page 1202

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Afar Alshabaab ah oo midi  haween tahay

0

Muqdisho (SNTV)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Maleeshiyada Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale:-

Waris Maxamed Cumar,  Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha Baarista  ayaa intaas kadib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiisteen Maxkamadda in loo gudbiyo  Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe   si’ ay  u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir   kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo ay u suura gashay in uu sii wado dhagridda shacabka uu ku haayay isagoo gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka Maleeshiyada Alshabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Alsabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka Maleeshiyada gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin  jirtay Ceelasha iyo Magaaalada Muqdisho.

Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa kamid ahaansiyada Maleeshiyada, sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Alshabaab gaar ahaan kuwooda jid galeenka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u Fariisatay laba jeer, Markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiisak Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

27 bishii 8aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay kamid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystaya Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay,  kadib Markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo  xukunnada maadaama ay kala culusyihiin  shaqooyinka ay ka dhex hayeen Alshabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga  lagu  soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.

Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay kuwada xukuntay min 1(hal) sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/dhaxe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Shiinaha ku kulmay

0

Muqdishso (SNTV)- Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa wadahadallo lagu sii xoojinayo xiriirka soojireenka ah ee labada dal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada Madaxweyne ayaa Shiinaha u jooga ka qeyb galka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo si toos u furmeysa berri.

Horey Madaxweynaha inta uu joogay dalkaas waxa uu la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxda shirkadaha maalgashi ee waddankaasi.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay leeyihiin xiriir soo jireen ah, waxaana Madaxweynaha kulankiisa ku qotomay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.

Golaha wasiirada XFS oo ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha

0

Muqdisho(SNTV);- Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

Guddiga la socodka dib u eegista dastuurka oo warbixin siiyay Aqalka Sare

0

Muqdisho(SNTV);- Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ayaa Kullan ay maanta ay ku yeesheen xarunta Golaha waxay warbixin kaga dhageysteen Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka.

Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxaana dhageysiga Warbixinta Guddiga ay ku saabsaneyd dib u eegistii lagu sameeyey 5tii cutub ee ugu horeysa Dastuurka.

Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabihii looga hadlay kullanka maanta iyo cutubyada dib u eegista lagu sameeyay.

” Waxaan soo gudbinay shantii cutub ee ugu horeysay ee lagu sameeyay dib u eegista oo shaqo badan runtii laga soo qabtay oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga madaxa bannaan ay qoristeeda soo eegeen Wasaaradda arrimaha dastuurkana ay soo gudbisay qodobadii u baahnaa wada xaajoodkii siyaasadeed ka dibna, Guddiga la socodka loo soo gudbiyay ka dibna, la diyaariyay warbixin ku saabsan arrimaha laga qabtay dib u eegista dastuurka,” ayuu yiri Xildhibaan Burhaam Aadan Cumar.

Ugu danbeyntii,Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar ayaa sheegay in tallaabada tan xigta ay tahay in la tago Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,wuxuuna carabka ku adkeeyay ka hor intaan Gobollada la tagin u yeeri doonaan madasha Guddiyada Dastuurka heer federaal iyo heer Maamul Gobolleed intaba si wada tashi loola sameeyo.

 

Dowladda Soomaaliya oo u gurmatay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii argagixisada, kuna baaqday in loo Midoobo ciribtirka Al-Shabaab

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerar naftii halignimo ah oo barqadii maanta Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay Falkii guracanaa ee argagixisada Al-Shabaab maanta la beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid (Beytka Allaah) iyo Xarunta degmada Howlwadaag oo ah goob Bulshada loogu adeego.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,Dowladda Soomaaliyeed waxay ka tacsiyadeyneysaa Falkii guracanaa ee Ururka argagixisada Al-Shabaab maanta ay ku beegsadeen xarun Dugsi Qur’aan,Masaajid iyo xarun Bulshada loogu adeego,xaqiiqdii ficilkaasi wuxuu tusaale u yahay siday uga go’aan tahay argagixisada Al-Shabaab dabar goynta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Sidoo kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka ay hadda ku howlan yihiin tirakoobka dadkii waxyeelada ka soo gaartay Weerarka Wuxuushnimada ah Argixisada Al-Shabaab ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaan tirada saxda ah ee waxyeeloowday.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka hadda waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ahaa sidii loo heli lahaa dadkii halkaasi ku waxyeeloobay halka ay masiibada ka dhacday waxay ahayd Duqsi Qur’aan dhannoo dumay iyo Masaajid dumay,hadda aan idin la hadlayo laamaha ammaanka iyo Saraakiisha caafimaadka waxay ku howlan yihiin tirakoobka saxda ah sidii loo soo saari lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badana waan idinkula soo wadaagi doonaa Hadduu Illaah yiraahdo,”

Dhanka kale,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii cadaada ahayd dhisida Masjidka dumay si loogu tukado salaadda Xigta,looguna gurman lahaa ardayda Dugsi Qur’aanka ee Qaraxa ku waxyeeloobay,wuxuuna carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliyeed Cisbitaal ay geysay dadkii Weerarka bahalnimada ah ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iney u midoobaan baabi’inta Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab,maadama iyaguba aanay u tureen dadka shacabka ah,islamarkaana haatan bilaabay iney ku beegsadaan goobaha cibaadada Alle (Masaajid) iyo waliba Dusgiyda Qur’aanka Kariimka lagu barto.

Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

Madaxda dalka oo ka qeyb galay aaska Maamadii dhashay guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho (SNTV)- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo Xubno Ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa Ka qeyb galay aas qaran oo maanta magaalada Baydhabo loogu sameeyay Marxuumad Maama Haajira Cali Aadan  oo ah Hooyadda dhashay gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh.

Sidoo Kale Waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Oo uu ugu horeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed,  gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed iyo Xubna Katirsan Wasiiradda Koonfur galbeed, odayaal dhaqameedyada Magaalada iyo Eheladda Marxuumad Maama Haajira

Aaska kadib mas’uuliyiinta, waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, iyo Culimadii Ka qeybgashay ayaa  kulan duca ah loogu sameeyay madal loogu tala galay dadkii Ka soo qeyb galay duugta Marxuumad  maama Haajira waxaana ay Alle Uga Baryeen In Janatul-Fardawsa uu ka waraabiyo.

Alle ha u Naxariisto maalinimadii shalay ayay magaaladda Baydhabo Ku geeriyootay, maanta  oo Axad ah ayaa aas qaran loogu sameeyay magaaladda Baydhabo.

 

Al-shabaab oo weeraray Masjid iyo Dugsi Qur’aan

0

Al-shabaab sida caadada u aheyd waxa ay degmada Howl-wadaag ka geysteen weerar ay u adeegsadeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxa uu weerarka geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxdani dhiigga Muslimka u Oommani waxa ay beegsadeen goob Alle lagu xuso.

Masjid ALLE lagu caabbudo ayeey weerareen, waxaa soo gaaray burbur dadkii ku cibaadeysanayey dhiiggooda ayaa ku qubtay halkaan,  sidoo kale waxa ay beegsadeen Dugsi Qur’aan kariimka lagu baro Carruur yar-yar, si ay  goobaha cibaabada ugu qubaan dhiigga Muslimiinta, carruurtaas waxaa gaaray khasaare kala duwan.

Argagixisada Al-shabaab durbaba waxa ay ku faaneen weerarkaas lagu xasuuqay biri-mageydada aan waxba galabsan, burburinta Masjidka iyo Malmacadda Qur’aanka lagu baranayey.

Waa nasiib darro kale, yaabse maleh oo hab dhaqanka kooxda Al-shabaab iyo kuwa la fikirka ah ayaa ah gaaleysiinta iyo daadinta dhiigga dadka Muslimiinta ah.

Macne kama lahan dhankooda Meesha aad ku sugan tahay macne kama lahan dhinacooda in aad Muslim tahay, macno weyn kama lahan dhankooda in aad Masjid ku jirto oo aad ALLE u Sujuudsan tahay in aad dowlad u shaqeyso ama in aad qof  rayid  ah tahay.

Ma jiraan goob iyo dad ay xurmeeyaan Al-shabaab  waxa ay u taagan yihiin  ciddii aan aheyn in ay tahay qof aan Muslim aheyb.

 Waxa ay  Magaca Diinta Islaamka ugu gefayaan Islaamka oo dhan.

 

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ku kulmay Beijing

0

Beijing (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo saaka ku kulmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay ahmahiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba, iyadoo guddiga markoodii ugu horeeyey ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Geerida ku timid Alle ha u naxariistee hooyadiis, maamo Haajaro Cali Aadam.

Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay, Alle ha u naxariistee hooyo Haajaro Cali Aadam in uu ka siiyo sabar iyo iimaan.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha G/Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ay hooyadiis Maamo Haajaro Cali Aadan ay ku geeriyootay Baydhabo. Alle S.W.T qabriga ha u waasiciyo, ehelkana sabar iyo iimaan haka siiyo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyey marxuumadda in ay ka mid noqoto martida Alle ee hooygoodu yahay jannatul firdowsa.

Mas’uuliyiinta dowladda oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Hooyadii dhashey guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Muqdisho (SNTV)- Alle ha u naxriistee waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku geeriyootay hooyadii dhashey guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo ay kujiraan Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse,xubnaha gudiga iyo dhamaan shaqaalaha ayaa  Tacsiy Tiiraanyo leh u Direy Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane. Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxman oo Hooyadiisa “Maamo” Haajiro” Cali “Aadan” Maanta ku Geeriyootey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta KMG ah ee Maamul Goboledka Koonfur Galbeed ee Soomaliya.

Mas’uuliyiintan  ayaa eebe uga baryaya in uu janadii Fradowsa uu ka waraabiyo islamarkaana Samir iyo Imaan uu alle ka siiyo dhaman ehelada iyo qaraabada marxuumadda ay ka geeriyootay.