Home Blog Page 1156

Taliyaha CXD oo ka Tacsiyadeeyay geerida Saraakiishii iyo Askartii ku shahiiday qaraxii ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane

0

Muqdisho (SNTV):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen general Cumar dheere oo ahaa Taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo maanta ku shahiiday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Ciidanka Xoogga Dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey”ayuu yiri  S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

“Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha Cadowga Al-shabaab ee u taagan daadinta dhiigga Islaamka”ayuu raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida Saraakiishaani aysan niyad jabin doonin Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona Tilmaamay Mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan Howlgalka Dalka.looga xureynayo Cadowga Al-shabaab.

Dhanka kale Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo  Dhammaan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ehelada ay ka shahiideen Saraakiisha iyo Askarta kaga tacsiyadeeyay geerida Marxuumiintii shahiiday maanta.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii iyo askartii ku geeriyootay qaraxii Dhanaane

0

Muqdisho,  Diseembar 2018—-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir oo abaalmarin u ballan qaaday Degmadii ku guuleysata soo celinta bilicda Caasimadda +Sawirro

0

Muqdisho-(SNTV)-Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Xamarweyne iyo qeybaha Bulshada ayaa si wada jir ah u billaabay olole nadaafadeed oo qeyb ka ah bilic soo celinta Caasimadda Dalka.

Howlaha nadaafadda oo Maanta si xooggan ugu socday nawaaxiga Suuqa Bacadlaha iyo goobo kale , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.

Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne,ahna, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Xamarweyne, Axmed Maxamed Iiidow, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada bilic soo celinta Caasimadda Dalka, isagoo arrintanna ugu mahad celiyay maamulka Gobolka iyo shirkadaha Nadaafadda.

Guddoomiye, Iidoow, ayaa sheegay inaysan waxba iska beddalayn howlahooda oo ah shaqee habeen iyo Maalin, taasoo qayb ka ha dedaallada dib usoo celinta bilicda ee haatan ka socda Caasimadda.

“Waxaan mahad balaaran usoo jeedinayaa oo arrintani garab nagu siiyay maamulkeenna sare ee Gobolka banaadir, waxaa kaloo na caawiyay shirkadda nadaafadda, waxaana naga go’an inaan sii wadno hal ku dhiggeenna ah shaqee habeen iyo Maalin, ayuu yiri, mudane Iidoow.

Guddoomiyaha Ururka Hawweenka Gobolka Banaadir,Marwo, Jawaahir Baarqab,ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Bulshada ku nool Degmada gaar ahaan Haweenka ka qayb qaadanaya nadaafanna loo sameeyo dhiirri gelin ballaaran.

Basmo Caamir Shikeeti, oo ah Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada Gobolka banaadir, ayaa ballanqaaday in ka maamul ahaan ay abaalmarin doonaan Degmadii ku guuleysata howlaha dib usoo celinta bilicda Magaalada Muqdidisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo masuuliyiin kale oo kismaayo u Ambabaxay

0

Muqdisho December 6 (SNTV):-Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa goor dhow ka anababaxay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle,  asagoo safar Shaqo ugu kicitimay Magaalada Kismaayo, Caasimada KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha oo ay safarkiisu ku wehliyaan xubno ka tirsan Aqalka Sare, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyay qaar ka mida Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdigiisa oo Magaalada Kismaayo ugu ambabaxay safar shaqo, ayaa inta ay halkaasi ku sugan yihiin waxay  kulamo kala duwan la qaadan doonaan masuuliyiinta maamul Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya oo booqday Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira +Sawirro

0

Qaahira-(SNTV)-Wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, oo booqasho ku jooga Dalka Masar, ayaa tagay Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira, isagoo halkaasi kula kulmay Madaxa Madbacadda Nahdet Misr, Daila Maxamed Ibraahim.

Mudane, Goodax, ayaa Madaxa Madbacadda Masar kala hadlay, sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada Dalka , taasoo ay ugu horreyso soo saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga.

“Waxaan ka wada hadalnay horumarinta waxbarashada dalka oo ay ugu horeyso soo saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga”, ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay ka Wasaarad  ahaan mar walba u heellan yihiin sidii kor loogu qaadi  lahaa waxbarashada Dalka, islamarkaana loo kordhin lahaa xirfadda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya , C/llaahi  Goodax Barre, ayaa intii uu halkaasi joogay waxa uu la kulmay Wasiirka waxbarashada Masar, Wasiirka Tacliinta sare ee Masar iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta, iyagoo ka wada hadlay sidii loo tayayn lahaa waxbarshada Soomaaliya.

Hoolka dacwadda maxkamadaha oo loo dhisay qaabka hoolalka dacwadaha Caalamka.

0

Muqdisho (SNTV)- Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya  uu ku dhawaaqay Ololaha is Xilqaan ayaa waxaa sii kor dhayay Xarumaha danta guud. ah ee  lagu dhisayo  mashruucan.

Bahda garsoorka oo shacab iyo ciidan ka kooban ayaa iyagana isku baheystay sidii loo dhisi lahaa hoolka dacwadaha si lamid ah hoolalka Maxkamadaha horumaray.

Lacago ay iska jareen shaqaalaha Ciidanka iyo Rayidka, Madaxda garsoorka qeybahooda kala duwan ayaa suura galisay in dib loo dhiso hoolka, waxaana manta ka qeyb galay xafladda dib u furidda  Hoolka Dacwad qaadista Maxkamadaha dalka Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Ciidamada &Rayidka sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan  Baasha Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka Abshir Cumar Cabdullahi, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Niuur Shuute, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  iyo marti sharaf kale oo ka socday qeybaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka  Abshir Cumar Cabdullahi  ayaa ugu horeynba u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in ujeedka dib casriyeynta ay tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen kaalintooda kaga aadan dib udhisidda dalka ee ololaha isxilqaan ee uu horay madaxweyna Farmaajo ugu dhawaaqay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kaga mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay dhismaha hoolka, waxa uuna sii raaciyay in cadaaladda ay qeyb ka tahay Quruxda oo ay ku leedahay doorweyn.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa isna goobta furitaan xafladda ka sheegay in ay farxad u tahay in uu goobjoog ka noqdo furitaanka howlkan ee markii la gaarayay  go’aankiisa uu safar shaqo dalka kaga maqnaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda SareGaryaqaan  Baasha Yuusuf Axmed oo soo xiray furitaanka Xafladan ayaa u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in xafladda xirantahay, waxa uuna ugu baaqay bahda cadaaladda in ay gartaan doorkooda oo ah Hey’adda sedaxaad ee ugu sareeyso hey’adaha dalka in ay uyihiin tiir, waxa uuna ballan qaaday in ay kasii shaqeyn doono hormarka garsoorka.

Hoolka dacwad qaadista Maxkamadaha dalka ayaa hadda loo naqshadeeyay sida hoolalka Maxkamadaha Casriga ah.

Guddoomiye Eng. Yarisow “Waa in wadajir loogu istaagaa horumarinta Caasimadda

0

Muqdisho December 6 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayay daadajinta adeegyada bulshada oo ka dhacday Degmada Dharkiinleey ayuu ku dhiirigeliyey Maamullada Degmooyinka in ay dar-dargeliyaan fulinta adeegyada bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo Caasimadda, iyadoo bulshada Isxilqaameyso loo istaagaan dib-u-dhiska magaalada. Isagoo sidoo kale ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxuu sheegay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu ku baaqay, isla markaana ay socdaan dhismaha xarumo muhiim ah oo lagu dhisayo barnaamijkan, iyadoo uu garab socdo qorsheyaal kale oo Caasimadda lagu dhisayo, bulshadana loogu jaheynayo tubta horumarka.

“Maamulka iyo shacabka degmooyinku waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda iyagoo wadajira, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga, qof walba masuuliyad ayaa saaran taasoo laga rabo inuu guto kana soo baxo kaalinta uga aadan dib-u-dhiska degmadiisa”.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in dariseyntu ay tahay tiir muhiim u ah isdhexgalka bulshada, si ay u yeeshaan hal hadaf oo mideysan oo ku wajahan dib-u-dhiska iyo iskaashigooda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Saraakiil ka socotay Booliska iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Mareykanka oo faah faahin ka bixiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

0

Muqdisho December 6 (SNTV):-War ka soo baxay taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle lagu dilay ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab,kadib markii la beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen.

Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dhacay xili habeen ah,waxaana Mareykanka uu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dad shacab ah.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in lagu burburiyay waxyoobo qarxo oo ay Alshabaab gawaari ay ku diyaariyeen.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaya qeybo kamid ah gobolada dalka,iyadoo horjoogayaal iyo saraakiil badan lagu khaarijiyay duqeymo iyo howlgalo toos ah oo lagu qaaday Alshabaab.

Kenyatta oo ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee Soomaaliya

0

Nairobi (SNTV)-Madaxweynaha Dawladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Mudane Tarsan oo dhowaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Danjiraha cusub  ee dawladda Soomaaliya ay u soo magacowday dalka Kenya ayaa isla maanta la wareegay xilkiisa, ka dib munaasabad lagu qabtay magaaladda Nairobi.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho iyo sidoo kale  la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Maraykanka oo Xoojinaya Xiriirka Dibolomaasiyadda ee Soomaaliya

0

Muqdisho, December 5, 2018 (SNTV)-Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xoojineyso xiriirka diiblamaasi,isla markaana ay dardargalineyso howlaha safaaradeed ee ay ku leedahay dalka Soomaaliya.
Heather Nauert oo u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa tallaabadasi ku tilmaantay mid taariikhi ah waxaana ay sheegtay in ay ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.
Warkaan oo ka soo baxay waaxda Arrimaha Dbadda ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay ka dhigan tahay sida Mareykanka uu u doonayo xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal.
Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in Mareykanku uu dib u soo celinaayo isla markaana uu joogteyn doono cilaaqaadkii dibolomaasi .
Mareykanka ayaa sannadkii 2013-kii si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Soomaaliya, balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Tallaabadaan ayaa noqoneysa markii koowaad muddo ku dhow sodon sano oo safaaradda Mareykanka ay ka howlgasho Muqdisho, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.