Home Blog Page 1156

Dowladda Afganistaan oo xabad joojin ku dhawaaqday

0

August 20, 2018 16 -: Ashraf Ghani Madaxweynaha wadanka Afganistaan ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban,si loo nabadeeyo dalkaasi,islamarkaana loo bad baadiyo dhiiga shacabka,isagoo xusay in Xabad joojintani ay billaabanayso in aan lagaarin munasabadda ciidda.

Waxaa la filayaa in Xabad joojinta uu ku dhawaaqay madaxweyne Ghani ay socon doonto muddo saddex billood ah,taasi oo shaki laga muujinayo in kooxaha Taalibaan ay hirgelindoonaan iyo in kale,maadaama weli aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay kooxda Taliban.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani,isagoon muujiyay in ay tahay mid bad baado u ah shacabka,sidoo kalena Mr Stoltenberg wuxuu ugu baqay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta uu iclaamiyay madaxweynaha wadankaasi Ashraf Ghani.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan,dagaal xoogan oo u dhexeeyey Taalibaan iyo ciidamada Dowladda oo taageero ka hela gaashaan buurta NATO.

Horey ayaa waxaa u jirtay in labada dhinac ay wada fuliyeen heshiis xabad joojin ah xili loo dabaal degayay munaasabadda ciidul Adxa,lamina saadaalin karo in ciidan ay wada xushmeen doonaan heshiiskaasi labada dhinac.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo shaqadii ka joojiyey hawlwadeeno ka kala tirsan Maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.

0

Muqdisho(SNTV);-  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawlgala maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.

Shaqo joojinta ayaa  timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida sharcigu qabo, kadib markuu ku  qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.

” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan.

“Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf  Axmed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa faray Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iney amarkaan siduu yahay u fuliyaan.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee shaqada looga joojiyay Kaaliyeyaashan ka howlgalayay Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka ayaa qeyb ka ah balan qaadyadii uu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka,taasi oo ku aadan inuu dib u habayn dhammeystiran ku samayn doono Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka qeyb galay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen shan boqol oo Arday

Muqdisho(SNTV);- Munaasabadan oo ay ku qalin jabinayeyn in kabadan shan boqol oo arday oo dhammeysatay qaar kamida kuliyadaha Jaamacadda  SIU   ayaa waxaa kasoo qeyb galay  Gudoomiyaha aqalka sare, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada , Maamulka jaamacadda, Waalidiin, Arday, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha jaamacadda SIU Cismaan Macalin Xasan oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda ay jirto mudo ku siman siddeex sano,balse wuxuu sheegay in meesha iyo ahdaafta ay gaartay ay tahay meel aad u sareyso.

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in fursadaha shaqo ee dalka ka jira looga faa’ideen doono ardayda waxbaratay.

Wuxuu sheegay in Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen sharci lagu xakameynayo dadka Ajaaniibta ah ee dalka joogo,wuxuuna dhana kale tilmaamay inuu socdo qorshe lagu tirakoobayo dadka ajaaniibta ah ee dalka ka shaqeeya.

Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaflada soo xiray ayaa ardayda ku booriyey ineysan caajisin oo ay waxbarashada halkooda kasii wadaan,  isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeyn Horumarka dalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare uu yahay mid hodan ah una baahan yahay keliya dhalinyaro waxbaratay oo dhexda u xirta sidii looga faa’ideysan lahaa.

Ugu dambeyn qaar kamida ardayda qalin jabisay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa cabiray shucuurtooda ku aadan guusha waxbarasho oo ay gaareen.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo maalintii 2-aad wada la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasiirada

0

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maalint 2-aad wada la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada , kala ah  Wasiirka Gashaandhigga ,Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda,  Wasiirka Howlaha guud   Guryeynta , Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta dhaqalahaha  iyo Wasiirka Caaladda , waxana Wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsoomay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka tahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Shir looga hadlayay diyaarinta hannaanka dib u heshiisinta qaranka oo muqdisho lagu soo gabagabeeyay

0

Muqdisho(SNTV);- Si  loo helo hannaan dib u Heshiishiin Qaran ayaa Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiishinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shir u qabatay ururada Bulshada rayidka si fikradahooda loogu biirayo daraasaad lagu doonayo in lagu dajiyo wadadii loo mari lahaa hanaaanka dib u heshiishiinta Qaran.

Ku simaha wasiirka ahna Wasiiro dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye oo furay waxaa uu sheegay in bulshadda rayidku ay laf dhabar u yihiin diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta qaran.

Wasiiro ku dowlaha ayaa intaa ku daray  in bisha december ugu dambeyn la soo gabagabeyn doono wadatashiyada lana soo saarii doono hannaan qaran oo loo maro dib u heshiisiinta iyada oo la tashiyo lagala sameynayo doono bulshada ku nool deeganada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Hinda Axmed  Farax iyo Cabdullaahi Maxmed shirwac oo kamid ah ururada Bulshada Rayidka ayaa isku raacay in aaraahda dad weynaha la tixgaliyo lana Xaliyo Khilaafaadka yar yar ee jira  si loo helo is aaminaad dhab ah.

Wasaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u Hishiishiinta Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Qorsheysay in Hindisaha Diyaarinta Hannaan Dib u Heshiishiinta Qaranka la soo Gabagabeeyo bisha December ee sanadkaan, iyadoona kadib la qaban doono shirweyne Qaran.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka

0

Muqdisho(SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay kaalinteeda ka qaadato qorsheyaasha dib u dajinta loogu sameynayo barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa hadal jeedintiisa ku aaddanayd Maalinta Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimo waxa uu kaga warbixiyey dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku uu ugu jiro xallinta dhibaatooyinka Bani’aadannimo ee ay la nool yihiin barakacaayasha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu badan Soomaaliya ee barakacayaal ay ku nool yihiin. Marti gelinta tirada intaas le eg waxa ay u baahantahay dadaal joogta ah iyo wada shaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah, Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka.”

Eng.Yarisow ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka, maadama ay wakhtigooda iyo nolashoodaba u hibeeyeen gurmadka dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu siidaayo kalkaaliso Sonja Nientiet oo bartamaha sannadkan ay koox hubaysan ku afduubatay magaalada Muqdisho, iyadoo ku howllaneyd u adeegidda dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey dhammaan howlwadeennada arrimaha gargaarka ee ku soo dhiirraday in ay dadka Soomaaliyeed wax u qabtaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Munaasabadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ee lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadaminimada waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobey Mudane Peter de Clercq, Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren, saraakiil ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobey, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka oo warbixin siiyay guddiga Maaliyadda Baarlamaanka

0

Muqdisho, 19-08-2019: Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka BJF Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga ugu warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda.

“Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yiri hanta dhowraha qaranka.

“ Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. ayuu yiri hanti dhowraha qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga hanta dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Mudane Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado hanta dhowrha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

“ aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”. ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada guddiga uu la yeelanayo hay’addaha iyo guddiyada madaxa banaan ee shaqo wadaaga ay yihiin.

—–DHAMMAAD—–

Furdada Canshuuraha Dakadda Muqdisho oo maamul cusub lo magacabay

0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda DFS oo  manta maamule Ku Meel Gaar ah u magacaabay Furdada Canshuuraha Dakadda magaalada  Muqdisho.

Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe) ayaa noqonaya Maamulaha Cusub ee Kumeel gaarka ah isagoona isla maanta loo dhaariyay inuu shaqada si hufan u sii wado.

Dhamaan Xafiisyada Shaqada Canshuuraha ee Dakadda Muqdisho ayaa  aahan doonna sidoodii  caadiga ahaa una shaqeynaya iyadoo lagu amaray  maamulaha cusub in uu si toos ah shaqada u guda galay madaama isla mantay lo dhariinayo  xafiiska shaqadda maamulka dakadda halkasiina uu kasii waday shaqadii ka soctay dakadda magaaladda muqdisho .

Xafiiskii  maamulka dakadda ayaa  dib loo furay, si aay shaqada u sii socoto iyaado laga wareejiyaya maamulkii hore ee gacanta  ku hayaay maamulka dakadda.

 

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka

0
Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo maanta shir saxaafadeed ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in la bilaabay buuxinta kuraasta ka banaan golaha shacabka oo gaaraya sadex kursi.

Deegaan doorashada kuraastan ayaa kala ah Baydhabo iyo Dhuusmareeb, waxaana baneeyay; Xuseen Cismaan oo noqday Agaasimaha hey’adda nabad sugidda, C/qaadir Gaafow oo is casilay iyo Allah u naxariistee Khaliif Abdulaahi ( Khaliif Duurey) oo geeriyooday.

Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa faratay odayaasha dhaqanka ee ku jira 135-tii ee kuraastan banaan ay khuseyso in ay ergada soo gudbiyaan muddo todobaad ah oo maanta ka bilaabanaysa.

Musharaxiinta doonaya buuxinta kuraasta bannaan ayaa lagu wargeliyay in ay araajidooda soo gudbiyaan laga bilaabo 25-ka bishan  August.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa war bixisay shir dhowaan magaalada Nairobi ku qabteen guddigooda oo looga hadlayay arrimaha hirgelinta doorashada qof iyo cod ah oo la qorsheynayo in wadanka ka qabsoonta 2020-ka.

Shirkaas oo ay qeyb ka ahaayeen daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka dalka oo ay kamid yihiin axsaabta siyaasadda, wakiilo dowlad goboleedyada ka socday iyo beesha caalamka, iyadoona sheegtay in shirka laga soo saaray dardargelinta u diyaar garowga doorashooyinka qaranka.

Ra’isul Wasaare Khayre oo kulan layeeshay laamaha Amniga iyo garsoorka Dalka

Kulanka  oo  lagu qabtay xaruunta taliska Boliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay horumarinta garsoorka iyo Caadaaladda  iyo sare u qadista kalsoonida aay shacabku ku qabana  fulinta  go’aanadda Maxkamadaha  Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumamadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyey  kulanka  oo  aay ka qayb galay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yusuf Ahmed , madaxda  laamaha cadaaladda , garsoorka iyo boliska  , waxana looga dooday Hirgalinta hananka ku dhisan   cadaaladda iyo dar-dar galinta  fulita go’aanadda maxkmadda oo aay u xilsaran yihiin  Ciidanka Boliska  si loo xoojiiyo  kalsoonida bulshada aay ku qabto garsoorka .

Dhamaan xubnihii ka qayb galay ayaa isku raacay in aay muhiim tahay  in wax  kabadal lagu sameyo qaabka aay uwadda  shaqeyaan Garsoorka iyo boliska oo ah fuliyaasha Go,aanadda oo aay qayb ka noqdan isla xisaabtan , taas oo meesha ka saaraysa   tuhunadii shacabka  ay ka qabeen  hawlaha Cadaaldda iyo garsoorka,

Ra’iisul Wasaraha  Xukumadda federaalka Soomaaliya  oola hadlay madaxa  hay’adaha garsoorka , Caadalada  iyo Boliska  ayaa tilmaamay in dowlada Soomaaliya aay  Dagaal adag kula jirto musuq maasuqa , maamul Xumadda , si taa loogu guuleystana  laf dhabarna aay u yihiin , helista garsoor  hufan iyo   ciidan u diyaarsan fulinta  go;aanada.

Taliyaha Boliska Soomaaliyeed Gen Bashir Cabdi Maxamed oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaan wax ka waydiinay  ahmiyada kulankaan  manta uu Ra’iisul Wasaarauhu la yeeshay  madaxa laamaha  garsoorka , iyo boliska.

Shirkaan  uu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya uu la yeeshay madaxda  hay’addaha Garsoorka, Cadaaladda iyo  sarakiisha ciidmada ayaa qayb ah qorshaha dar-dar galinta   horumarinta  Calaadda iyo  garsoorka  tiir dhexaad u ah la dagaalanka musuqa mamusaqa oo ay dowladda Soomaaliyed aay waddo .