Home Blog Page 1157

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda

0

Muqdisho Arbaco, 05, December 2018 (SNTV)-Kulanka guud ee Golaha Shacabka ayaa ku qotomay Ajende kusaabsan Akhrinta sedaxaad ee Hidise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda, kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, iyadoo ay kulanka goob jog ka ahaayeen Labada guddoomiye kuxigeen ee Golaha Shacabka.

Ugu horeyn Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha gudiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u faah faahiyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda iyo meelaha wax ka bedelka ay ku sameeyeen.

Guddoomiyaha gudiga xeer hoosaadka ee golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in xeerkan ay kusoo dareen dhamaan talooyinkii iyo fikradihii ay horey xildhibaanada ugu Biiriyeen, wuxuuna golaha ka codsaday in cod la geliyo.

intaasi ka dib Xildibaanada Golaha Shacabka ayaa cod geliyay geliyay Xeerka Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda ,waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan, waxaa diiday 1 xidlhibaan sidoo kale 2-Xildhibaan ayaa ka aamustay sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Kooxda Kubadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia

0

Muqdisho Arbaco, 05, December 2018 (SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow oo weheliso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey kooxda kubadda cagta oo ka socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Australia.

Duqa Muqdisho ayaa horey ugu martiqaaday Muqdisho kooxdan, iyagoo la ciyaari doona qaar kamid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Caasimadda dalka, Shacabka Caasimadda ayuuna ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dhalinyaradan Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in Ciyaaraha ka sakow ay kooxdani ku jiraan samafalayaal caafimaad oo bulshada kuwooda nugul gargaar Caafimaad bilaash ah u fidin doona, waxuna uga mahadceliyey dadaalkooda.

“Waxay halkan u yimaadeen inay arkaan dalkooda kuna soo bandhigaan xirfadahooda dhinaca kubadda cagta, waana tallaabo aan boggaadinayno , waxaana qeyb ka ah samafalayaal Caafimaad oo mudada ay joogaan magaalada Muqdisho ka fulin doona gargaar Caafimaad”.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyey Ciyaartooyda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/G Bashiir Maxamed jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Marti sharaf kale.

 

 

Salman Ben C/casiis oo Amiirka Qatar ku Casuumay kulanka Ururka Iskaashiga Khaliijka

0

Riyadh (SNTV) Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu kasoo qeybgalo kulanka 9-ka bishan lagu wado in ay magaalada Riyadh  ay kaga qayb galaan madaxda Ururka Iskaashiga ee dalalka Khaliijka.

Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin kahor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC.

Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga.

Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka  Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi.

Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9-ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar.

 

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa

0

Muqdisho:  Aqalka Sare: 05.12.2018 (SNTV)-Golaha Aqalka sare BFS ayaa  yeeshay  kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa soo xaadiray 31 senator, Gudoomiyaha  Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad.

Wasiirka cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa mudanayaasha uga mahadceliyay dadaalka golaha aqalka sare uu ka gaystay hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddoonka Golaha waxa uu sheegay  in golaha cod la gelinayo, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay codkii gacan taaga ahaa oo ay 31 ansaxiyeen, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

 

Howlgal qorsheysan oo lagu Burburiyay Xarun lagu diyaarinayay Walxaha Qarxa iyo Maleeshiyaad lagu Khaarijiyay

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga ayaa Howlgal qorsheysan oo looga hortgayo Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab ka fuliyay tuulada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab oo diyaarinayay Qaraxyo ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

“Howlgal ciidanka Amnigu xalay ka fuliyay xarun ay Alshabab ku lahayd tuulada Awdheegle, ayaa lagu soo qabtay walxaha qarxa oo loo diyaariyay in lagu dhibaateeyo shacabka. Ciidanka Amniga ayaa naftooda u hura badbaadada shacabka”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Howlgalkaasi la fuliyay xalay saqdii dhexe lagu khaarijiyay Dhagar qabayaashii halkaasi ku diyaarinayay qaraxyo ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Howlgal qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Awdheegle, waxaana xarunta lala beegsaday Weerarkaasi Argagaxisada ay ku diyaarinayeen Walxaha qarxa, waana la burburiyay guud ahaan goobtii howlgalka qorsheysan lagu qaaday si guul ayuu kusoo dhamaaday, Maleeshiyaad badan ayaana goobta lagu laayay”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo lagu ciribtirayo Al shabaab ay ka socdaan Deegaanada Lambar 60 iyo Buufow oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, iyadoo ay Ciidamada ku guuleysteen in Maleeshiyaadka ay kasoo saaraan Wadada dhanka Xeebta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Turkiga+Sawirro

0

Muqdisho (SNTV): – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa.

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo maanta dhaawac uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa. Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, waxayna Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo hadda lagu dabiibaya Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ay ALLE ay uga baryeen in uu si dhaqsa ah u bogsiiyo. Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, isaggoo EEBBE uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo. “Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”ayuu ku yiri Goddoomoyaha Gobolka Banaadir oo Qoraalkan soo dhigay Bartiisa Facbook-ga. Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa kamid ah Wariyeyaasha ugu firfircoon ee ka howlgala magaaladda Muqdisho, isaggoo horay usoo noqday Agaasimihii idaacadda Star Fm.

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo magaaladda Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta “Sawirro”

0

Qaahira (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa magaaladda Qaahira waxa uu kulan kula qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd.

Labadaasi Masuul ayaa kawada hadlay Horumarinta Waxbarashadda dalka, Tababarada Macallimiinta iyo siddii dib loogu dhisi lahaa dugsiyaddii lagu baranayey Afka Carabiga ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd ayaa Sidoo kale waxay kawada hadleen siddii Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah uga qaadan lahey shirka looga hadlayo arrimaha waxbarashadda Soomaliya, kaasi oo ka dhaci doona dalka Kuwait.

“Waxaan magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan kula qaatay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd, waxaana ka wada hadalnay horumarinta waxbarashada, tababarada macallimiinta iyo in dugsiyadii lagu baranayay afka Carabiga dib loo soo nooleeyo, Waxaan kaloo ka wada hadalnay in Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah ka qaadato shirka looga hadlayo arrimaha waxbarashada Soomaaliya kaasoo ka dhici doona dalka Kuwait” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashadda XFS.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre sheegay in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS mar kasta dadaal ay ugu jirto siddii loo horumarin lahaa Waxbarashadda Dalka.

 

Tababar lagu baranayo Garaacista Miyuusiga oo loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran

0

Muqdisho (SNTV)- Munasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ahaa mid tababar loogu furayey qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida iyo  Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, kuwaasi oo la barayo  xirfadda garaacista noocyada kala duwan ee Miyuusiga.

Si loo soo saaro Dhalinyaro ka qeyb qaadata Wacyi-gelinta Bulshadda, Xirfadda garaacista Miyuusiga ayaa waxaa la barayaa 150 maxaabiista ku jirta xabsiga dhaxe ee Xamar iyo 150 Askari oo  kala socda Ciidamada qalabka  sida oo isugu jira Xoogga dalka, Booliska iyo Ciidanka Asluubta, iyaddoo tababarkaasi ay bixin doonan Macalimiin isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Ugu horeyn Munaasabadda daahfurka tababarka munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abwaan Cabdiqaadir Shube, waxaana uu  sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradda in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta Bulshadda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe  ayaa Ku booriyey dhalinyaradda tababarka qaadanaya in ay ka faa’ideystaan darruusta la siinayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed  jaamac ayaa  Sheegay in dhalinyaradda maxaabista ku jirta xabsiga dhaxe ay helaan waxbarsho,  Xanaano iyo barista xirfadaha, si ay aqoonta ay barteen uga faa’iideyaan dadka kale.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir oo gabogabada hadlay ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay tababarkaan,  isaggoo si rasmi ah u daahfuray tababarka maanta loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran iyo qaar kamid ah Ciimadamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maanta ka qeyb qaatay ololaha Isxilqaan

0

Muqdisho December 4 (SNTV):-Shaqaalaha  Xafiiska-Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta kaqeyb qaatay  Mashruuca Isxilqaan oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhismaha Tiyaatarka ,Matxafka Qaranka  iyo Maktabadda Qaranka waxaana Hoggaaminayey Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Shaqaalaha ayaa u mahad Celiyay ku xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo dhammaan Shaqaalaha  kala duwan.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka  ayaa u mahad Celiyay howl wadeenada ka socday Xafiiska Raiis wasaaraha Xukuumada, wasaarada Shaqada iyo maareeyaha Guud Tiyaatarka Qaranka Dadaalkooda ku aadan fulinta Howlaha  ka socda oo lagu dhisayo Xaruumaha Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.