Home Blog Page 1157

Daawo Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Muqdisho (SNTV)-kulanka Todobaadka waa todobaadle aad daawataan kana dhageystaan Warbaahinta Qaranka, waxaa si gaar ah diiraada loogu saara arrimaha Todobaadkaas taagan.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng (Yariisow) oo ah guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa marti ku ah barnaamijka.

Tabiye;- Feysal Muuse Maxamed.

Halkan Hoose ayaad ka daawan kartaan Mahadsanidiin 

Daawo Barnaamijka Bidhaamiye

Muqdisho (SNTV)- Barnaamijkan waa mid kamid ah barnaamijyada balse dhawaan lagu soo biiriyay Warbaahinta Qaranka, waxaa iska kaashanayaa Hey’ada gaar ah iyo kuwa dowli ah oo dadka u bidhaamin doono Fikradaha Qaloocan ee lagu marin habaabiyo dhallinyarada, sidoo kale waxaa daboolka looga qaadi doona halka laga soo min guuriyay fikradaha argagixisada iyo wixii la xiriira.

Tabiye;-  Liibaan Cabdi Cali.

Halkan Hoose ayaad ka daawan kartaa.

Puntland oo dib ula wareegtay degaanka Af-urur

Boosaaso-(SNTV)-Ciidanka Daraawiishta maamul Goboleedka Puntland ayaa dib ula wareegay degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Gen; Axmed Cabdi Xaashi, taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in maleeshiyadii Al-Shabaabka ahaa ee ku sugnaa degaanka ay carareen,markii ay ka war heleen in ay Ciidamadu kusoo wajahan yihiin.

“Waaberigii ayaynu xoreynay degaanka Af-urur oo markii hore si kelis ah loogo soo baxay oo ay cadawgu yimmaadeen, cadowguna markii ay ogaadeen inaannu kusoo fool leennahay ayaa waxay sameeyeen sidii ay awelba yeeli jireen way ka carareen meeshi, wax iska caabbin ah oo naga hor yimidna ma jirin” ayuu yiri taliyuhu.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo degaankaasi ay kala wareegeen 20 Cisho ka hor Malleeshiyada Al-Shabaab dagaal la’aan ayaa sidoo kale isaga baxay Af-Urur markii culeys xooggan kaga yimid Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay Imran Khan 

Muqdisho (SNTV)-  “Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistani  Imran Khan   guushiis maanta. Pakistan waa dal  dimoqraadii ah oo fulin kara kartida weyn ee faa’iidada dadka. Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa dowladda Pakistan dhammaan dhinacyada kala duwan ee wax is dhaafsiga leh”. ayuu yiri Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo.

Imran Khan ayaa hugaaminayay kooxd   Kiriket (cricket) ah oo dalkiisa u ciyaareysay ciyaarihii Adduunka sanadii 1992, wixii xilliaas ka dambeeyay ayuu dadaal ugu jiray sidii uu siyaasadda ugu biiri lahaa, waxa uuna 1996 ku biiray siyaaasadda.

In ka badan Labaatan sano ayuu u halgamayay sidii uu  u noqon lahaa Ra’isul Wasaaraha dalkiisa balse nasiib wanaag waa uu gaaray dadaalkiisa kadib doorashadii ka dhacday Pkistan.

Khan ayaa noqon doono Ra’isul Wasaarihii laba iyo labaatanaad (22) ee dalkiisa.

 

Duqa Muqdisho oo bogaadiyay Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng,Yariisoow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey boqolaalka qoreyaasha ah ee dhallinyarada u badanaa, kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka iyo dibaddaba, dadaalka ay bixiyeen, isagoona tilmaamay in bandhigga buugaagta Muqdisho uu fursad u noqday maktabado laga qorsheynayo in laga hirgeliyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

“Kasakow boqollaalkii aqoonyahannada ahaa ee maalmihii la soo dhaafay fursad u helay in ay ka faaiideystan buugaagta aad soo bandhigteen, haddana waxaa ka dhex abuurmay carwada buugaagta Muqdisho qorsheyaal lagu hirgelinayo Maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaareey oo boqolaal buugaag ah loogu yaboohay.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii loo joogteyn lahaa Carwada Buugaagta Muqdisho, iyadoona dhiiri gelin joogta ah loo sameynayo qalinleyda iyo xarumaha cilmi barista Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xarumaha Waxbarashada in ay ka qeyb qaataan baahinta buugaagta lagu soo bandhigay Carwada, si dhalinyarada loogu jiheyo wax qorista iyo wax akhrinta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu kula dardaarmay qoreyaasha Soomaaliyeed in ay qalinkooda ku taageeraan horumarka dalka, kuna waajahaan cadowga shacabka Soomaaliyeed ee argagixsada Alshabaab, iyagoona jiilasha maanta iyo kuwa berriba xasuus reeb uga sameynaya dhibaatooyinka iyo hagar-daamada argagixisadu ay ku sameeyeen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Carwada Bandhigga Buugaagta Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV):—Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray carwada bandhigga buugaagta Muqdisho oo lagu soo bandhigay buugaag ay leeyihiin qorayaal Soomaaliyeed oo dhallinyaro u badan kuwaas oo fikir, maskax, hanti iyo waqti geliyay sidii ay u qori lahaayeen buugaag waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khare ayaa ugu horayn u mahadceliyay qabanqaabiyayaasha bandhigga, dhallinyarada Soomaaliyeed ee qoraalka buugaagta isku hawlay, maskaxdoodana u shiilay si rajadaii dalka loosoo celiyo, waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay dadka aan Soomaalida ahayn ee kasoo qayb galay carwada bandhigga buugagta Muqdisho si ay goob joog uga ahaadaan is-bedelka muuqda ee dalku ku tilaabsanayo.

Ra’iisul Wasaare Khaye ayaa sheegay in carwada bandhigga Buugaata Muqdisho ay ka tarjumayso dawladnimada dhabta ah, dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo in Soomaalidu hurdada ka kacday, sidoo kale bandhiggu uu dhiiri gelinayo aqriska iyo qoraalka arinraas oo qayb muhiim ah ka qaadanaysa dhismaha dawladnimada iyo dagaalka loogu jiro yaranta Musuqa iyo qabyaaladda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in uu muuqdo horumar wayn oo dalkeennu uu sameeyay iyo tilaabo muhiim u ah kobaca wax curinta, dib u yagleelidda mustaqbalka, waxa uuna ugu baaqay qorayaasha Soomaaliyeed in ay sii wadaan qoraallada ayna taageeraan dhallinayrada da’da yar si maskaxdooda ay u shiilaan ummadda Soomaaliyeedna ugu faa’iideeyaan korna loogu qaado is-dhexgalka bulshada iyo aqoonyahannada, si ugu dambayn dhallinyaradu ay ula wareegaan mustqablaka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sameeyaan qoraallo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay aqarin karaan ayna sidoo kale ka shaqeeyaan in qof waliba oo Soomaali ah uu wax qori karo si looga soo kabto soddonkii sano oo qoraalku hakadka galay, maadaama dal waliba uu ka fursad badanyahay dalalka kale ee dadkiisu uga wanaagsanyihiin aqriska iyo qoraalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si uu uga qayb qaato dhiirri gelinta aqriska iyo qoraalka bulshada Soomaaliyeed waxa uu maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaarey ugu deeqay min boqol buug oo uu ka iibiyay qorayaal Soomaaliyeed oo kusoo bandhigay carwada bandhigga buugaagta Muqdisho.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay hirgelinta heshiiyadii ganacsi ay horey u galeen

0

Nairobi-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Maanta dhiggiisa Wasiirka ganacsiga Dalka Kenya Mr. Peter G. Munya.

Wada hadallo dheer ka dib ayaa waxay Labada Wasiir ku heshiiyeen, in la hir-geliyo heshiiskii wadaagga ganacsiga ee ay Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen Nairobi 29 November 2017, In la dheelli-tiro ganacsiga Labada Waddan, in Soomaliya laga caawiyo sidii ay ganacsi xor ah ula yeelan lahayd Waddamada ku mideysan Ururrada EAC iyo COMESA, in Diyaaradaha Qaadka geeya Soomaaliya la soo saaro Kalluun iyo in Labada Wasaaradood ay iska kaashadaan dhinaca Farsamada iyo Shuruucda.

Soomaaliya ayaa Bishii July ee Sanadkan ku biirtay Suuqa ganacsiga xorta ah ee Bariga iyo bartamaha Qaaradda Afrika ee loo yaqaan COMESA, waxanay hir gelinta heshiisyadan lala galay Kenya dhabbaha u xaarayaan inuu soo kabto dhaqaalaha Dalka oo muddo hooseeyay.

Eng; Yariisoow: Waxaa naga go’an in ay Caasimaddu ka mid noqoto Magaalooyinka ugu ammaanka fiican Adduunka

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay in ammaanka caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho uu haatan marayo meel wanaagsan.

Eng; Yariisoow oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in hadafkoodu uu yahay in Magaala madaxda Dalka oo uu ku tilmaamay Hooyadii Ummadda Soomaaliyeed iyo Qalbigii Shacabka ay kusoo laabato sidii ay Beri-samaadkii ahayd, xilligaas oo ay safka hore uga jirtay Caasimadaha Adduunka ugu nabdoon.

Guddoomiyaha ayaa tallaabooyinka ay u marayaan ka gun gaaridda ammaanka caasimadda ku qeexay inay dib u habayn ku sameeyeen ka maamulka iyo maaliyadda Gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo Degmooyinka Caasimadda.

Mudane, Yariisoow ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay Bulshada u leedahay fidinta maamulka, isagoo sheegay inay talada gaarsiiyeen Degmooyinka, Xafiisyana ay ugu fureen Shacabka, halkii ay Dadku markii hore adeegyadooda u doonan jireen Xarunta dhexe ee Dowladda hoose.

Sugidda amniga caasimadda ayuu sheegay Guddoomiye Yariisoow in ay u wajaheen si ka duwan qaabab hore, wuxuuna sheegay in ay isku xireen Dowladda hoose iyo Ciidamada taasoo ay barbar socoto barnaamijka derisaynta oo ay ka qayb qaadanayaan mutadawaciin Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay siyaasadda bara-kacayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi kala hadleen Beesha Caalamka iyo hay’adaha sama-falka, si ay u helaan xuquuqdii ay u baahnaayeen.

“Waxa kaloon dedaal iyo juhdi gelinnay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha bara-kacayaasha, oo dhib weyn qaba, kuwaasoo aan helin xuquuqdii ay u baahnaayeen, iyadana waxaan Beesha caalamka aad ugala hadalnay sidii aan u hagaajin lahayn xiriirka iyo wada shaqaynta Gobolka Banaadir uu u qaadan lahaa doorka hoggaamineed, waxaan diyaarinnay siyaasaddii bara-kacayaasha oo ay ka qayb qaateen Bulshada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Mudane,Yariisoow ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan qorsheynayaan sidii Caasimadda looga hir-gelin lahaa nidaamka Dimoqraaddiyeynta, taasoo uu ku macneeyay in Degmo walba Golayaasheeda degaanka oo la soo doortay ay ka qayb qaataan, si Sanadda 2020-ka loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha oo aad ugu dheeraaday xagga ammaanka ayaa sheegay in Afartii Bil ee lasoo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada Gobolka Banaadir ay ka qayb qaataan wejiga Labaad 2000 oo Ciidamo Boolis ah, kuwaasoo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay Bulshadu u hesho nabad gelyo buuxda.

Al-Shabaab oo Gaari rakaab ah ku Rasaaseeyay agagaarka Mandheera Kenya

0

Nairobi-(SNTV)-Ku dhowaad 8 Qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay Rasaas ay dableey loo malaynayo Al-Shabaab ku fureen Gaari rakaab ahaa oo marayay inta u dhexeysa Mandheera Kenya iyo Ceel waaq Soomaaliya.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa, Toyota Land Cruiser ayaa loo galay halka lagu Magacaabo War guduud, waxaana xaaladdooda laga deyrinaya Saddex ka mid ah Dadka ku dhaawacmay weerarka, halka dhowr Qof oo kalana lagu dabiibayo Cuspitaalka Ceel-waaq.

Dadka saarnaa Gaariga ayaan illaa iyo haatan la ogeyn tiradooda, maaddaama rakaabka qaarkii ay ka baxsadeen Rasaasta la huwiyay Baabuurka ay la socdeen, balse waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Waxaa jira dhaliilo ay Dadka degaanka usoo jeedidanyaan masuuliyiinta Dowladda Kenya, markii ay madaxda Gobolka ka jawaabi waayeen xiriirro ku aaddan ammaanka oo ay la sameeyeen Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Isha/ Daily Nation

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo berri booqanaya Turkey

0

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa u amba baxay dalka Turkiga ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Raccep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu casuumay in uu ka qeyb galo shirweynaha 6aad ee caadiga ah ee ee xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka ee ka taliya Turkey,kaas oo qabsoomi doona 18-ka bishan oo ku beegan berri oo sabti ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Mudane Erdogan oo ay ka wada hadli doonaan  xiriirka laga geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkey iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo sara u qaadista ganacsiga iyo maal gashiga.

Dalka Turkey waxa uu jaal dhow u yahay Soomaaliya oo uu garab u noqday xilli adag,waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir walaaltinimo iyo iskaashi oo aad u xooggan.