Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxda Hay’adda lacagta aduunka iyo Banka aduunka

Date:

Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hay’adahaasi u bandhigaya hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay, Wasiir Beyle ayaa ka hadlaya mas’uuliyiinta uu la kulmayo sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo hannaanka lacagaha daymaha ah looga cafinayo.

Waxaana Arrinta ugu muhiimsan ee Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle kala hadlayo madaxda Bankiga aduunka iyo IMF ayaa ah in la dadejiyo qorshaha samaynta lacag cusub oo Soomaaliya yeelato, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in la hirgaliyo sanadkan 2018-da.

Wasiirka Maaliyadda ayaa khudbad ka jeediyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Harvod, taas oo uu kaga hadlay fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya ka bannaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameysay hannaan dhaqaale oo hufan,taasi oo suurta gelisay in lacagaha deynta ee lagu leeyahay Soomaaliya laga fududeeyo in laga cafiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...