Shirka 29-laad ee jaamacada Carabta oo maanta ka furmayo magaallada Dammaam ee Dalka Sacuudiga

Date:

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shir madaxeedka 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa la qorsheeyay in diirradda lagu saaro qadiyadda Falastiin dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Ka qeyb-galaya shirkaasi maanta ka furmayo Magaalada Dammaam.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu-wadaa inta shirkan uu socdo in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda Qaar ee shirka ka qeybgalaya, isagoo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga danaha guud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...