Home Blog Page 1155

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Qado Sharaf u sameeyay Guddiyada Dib-u-eegsita Dastuurka Iyo Wasiirka Dastuurka

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoygiisa qado ugu sameeyay guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, ayaa ra’iisul wasaaare Xasan Cali Khayre uga warbixiyay halka ay marayso hawosha dib-u-eegista dastuurka.

Wasiirka arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in shanta cusutub ee ugu horraysa dastuurka lagu sameeyay dib-u-eegis afarta cutub ee ku xigtana dib-u-eegistooda lasoo gebagebaynayo bishaan gudaheeda taas oo ka dhigan in 75% dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, uuna rajaynayo in horraanta sannadka 2019 la gebagebaynayo guud ahaan dib u eegista farsamo ee dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka, u sheegay in hawla badan oo qaranka muhiim u ah ay ku xiranyihiin qabya-tirka dastuurka, sidaa darteed baahi wayn loo qabo in guddiyadu ay laba jibbaaraan dadar-gelinnta gudashada waajibaadka saaran.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo Kismaayo kula kulmay ururada Bulshada rayidka

0

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubbaland kula kulmay ururada bulshada rayidka ah.

Kullanka oo ka dhacay guriga martida Jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato, Dhalinyaro, Haween Aqoonyahano iyo xubno ka socday Jaamacadaha magaalada Kismaayo,waxaana muhiimada kulanka uu ahaa in ururada Bulshada rayidka Jubbaland aragtidooda ku biiriyaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Jubbaland diyaar u tahay iney horseed ka noqoto nabada,Federaaleynta,dib u heshiisiinta iyo is cafinta.

Sidoo kale,Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay iney diyaar u yihiin iney qaataan tallooyinka guddoonka Aqalka sare,islamarkaana ay soo dhoweynayaan dadaalada lagu doonayo in la isugu soo dhoweeyo Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda dhexe.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay wax keliya ay raadinayaan iney tahay saddex arrin oo kala ah nabad,midnimo iyo Heshiis.

Wuxuuna Maamulka Jubbaland uga mahad celiyay soo dhoweynta dadaalada Xubnaha Aqalka sare iyo kalsoonida ay ka qabaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A. Khayaat.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Horumarinta.

Guddoomiye Mursal ayaa Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha horumarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageero dhinacyada horumarinta,nabada iyo waliba kabidda miisaaniyadda dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo lagu soo dhaweeyay Dalka Jordan

0

Amman (SNTV):- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada uga qayb gelayaan dalka Jordan, ayaa lagu soo dhaweeyaya caasimadda dalkaas ee Amman.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan boqortooyada Jordan ayaa si heer sare ah usoo dhaweeyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wafdiga uu hoggaamiyo oo ay kamid yihiin wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha XFS iyo saraakiil kale.

Shirkaan oo looga hadlayo iskaashiga kahor tagga argagaxisada ayaa ra’iisul wasaare ku-xigeenku waxa ku matalayaa madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo lagu casuumay in mid kamid ah uu ka qayb galo hase yeeshee ay uga baaqdeen hawla kale oo muhiim ah.

Kulanka looga hadlayo iskaashiga la dagaalanka argagaxisada oo berry furmaya ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.

Kulanka oo abaabulkiisa uu leeyahay boqorka Jordan ayaa waxaa kasoo qayb galaya madax ka socoto wadamo badan, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim u ah wiiqida ficillada bahalnimada leh ee ay gaystaan kooxaha argagaxisada ah.

Madaxda dalka oo ka qeyb galay aas loo sameeyay shuhadadii shalay

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku shahiiday qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Madaxtooyada,  ayaa waxaa kasoo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay cadawga ku baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.

Wuxuu Taliyuhu hoosta ka harriiqay inaysan Dowladdu illaawi doonin Xaasaskii iyo Carruurtii ay ka geeriyoodeen, isagoo sheegay in marxuumiintan shahiidday aysan dhiman balse ay dhuunteen.

“Waxaan u sheegeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dhaqan buu lahaa Ciidanka xoogga Dalka, ka tegi meyno waa ilaalineynaa, Aabbaha markuu dagaal ku dhinto, Carruurtiisa iyo Xaasaskiisa waxaa ballan qaadaya Xoogga Dalka Soomaaliyeed,’ayuu yiri taliyuhu.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) ayaa sheegay inay ka qoomamayn doonaan ficillada fulaynimada ah ee ay argagixisadu ku dhaqaaqeen Dadka Bulshada waxtarka u leh.

 

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Muqdisho (SNTV)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.

Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta  shaqo uu  garsoorka ciidanka  u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad  ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.

“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal  Hoolkar ah,  xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku  geeriyootay  dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.

Maanta ayaa loo  sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan  masuuliyiin kala duwan.

Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….

 

Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.

Ciidanka ammaanka Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan Kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, ka dib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Shabeellada hoose, sida  ay hay’adda NISA ku daabacday boggeeda Twitter-ka.

Howl-galka oo si taxaddar leh ugu dhacay Xafiiska Xizbada Al-Shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Sabiid Caanoole , ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Saanad Ciidan iyo walxaha qarxa.

Qoraalkan ayaa lagu yiri, muhiimadda koobaad ee Ciidanka amniga waa ka hortagga Kooxda  Al-shabab iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulamo la qaatay Madaxda maamulka Jubbaland+Sawirro

0

Kismaayo-(SNTV)-Guddoomiya Aqalka sare ee Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi, oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Xalay kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe), iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda uu haatan Dalka marayo.

Sidoo kale Guddoomiye, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta kulamo kale la yeeshay Golayaasha maamulka Jubbaland , oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan diyaarna u yihiin ujeeddooyinka uu xambaarsan yahay safarka Guddoomiyaha, taasoo salka ku haysa mad-madoowgii soo kala dhex galay Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka qaarkood iyo sidii loo soo Afjari lahaa.

Guddoomiya Aqalka sare ee Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maamulka Jubbaland ku ammaanay sidii ay ugu Dhega nuglaadeen soo jeedintii Dowladda dhexe ee ahayd inay aqbaleen turxaan bixinta wixii jira, iyagoo jawaabo waafiya ka helay maamulka Kismaayo.

Guddoomiye, Cabdi Xaashi ayaa ugu dambayn sheegay inay diyaar u yihiin dhammaystirka wixii ka haray wada xaajoodyada, wuxuuna intaa raaciyay inay safarro kan la mid ah ku tegi doonaan dhammaan maamul Goboleedyada kale ee Dalka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka tacsiyeeyay Saraakiil iyo Askar ku shahiidday qarax ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane

0

Muqdisho (SNTV):-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Saraakiil iyo Askar ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka oo ku geeriyooday qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay agagaarka degaanka Dhanaane ee Gobolka Sh/hoose.

Allaha u naxariistee,Jeneraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Jeneraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayuu Alle uga baryay taliyuhu inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo, dhammaan Shacabkii Soomaaliyeed ee ay ka baxeenna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Taliye, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Saraakiishaasi ku tilmaamay shaqsiyaad aad wanaagsan, oo xushmad iyo Taariik lama illaawaan ah ku dhex lahaa Ciidamada iyo Bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay inay yihiin kuwo quluubtooda ku weyn.

Innaa Lilaah wa innaa ileyhi raajicuun

Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed oo uu tababar ugu soo xirmay Jabuuti-(Sawirro)

0

Jabuuti-(SNTV)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga Dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayay Ciidanku ku qaadanayeen Dugsiga tababarka Booliska Dalka Jabuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti , Col,Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada.

Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu , Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.

Taliyaha Ciidanka Dalka Jabuuti, ayaa isaguna bogaadin u  jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/gaaas ,Bashiir Cabdi Maxamed , dedaalka iyo hiigsiga uu ku doonayo inuu Booliska Soomaaliyeed gaaro meel sare.

Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay ayaa door lama illaawaan ah kaga jirta tababarrada iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale kaalin fir-fircoon ka qaadata xoojinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adahiisa Dowliga ah.