Home Blog Page 1155

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Hambalyada Ciida u diray Umadda Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan umadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Adxa.

“Waxaan guud Umadda Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa Munaasabada Ciidul-Adxa,waxaana u rajeynaa in ciidaan teeda kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo iyo sidoo kale horumar intaan kasii badan oo dowladnimo ah” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhexdooda ay is caawiyaan oo ay gargaaraan midkooda liita sidoo kalena ay ka shaqeeyaan horumarka Dowladnimadeena.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Munaasabada Ciida ugu Hambalyeeyay Shacabka

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

“Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa. Waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay sugidda amniga, la dagaalanka musuqa iyo dib-u-heshiisiinta.

“Waxa aan rabaa in munaasabadan aan uga faa’iidaysto maalintan barakaysan muhiimmada ay u leedahay in lees cafiyo, kulligeen gacmaha is qabsanno, soo celinno dawladnimada, ka wada shaqayno amniga iyo xasiloonida, dib-u-heshiisiinta iyo muhiimmadda ay leedahay in aan isla xisaabtanno oo meel uga soo wada jeesanno musuqmaasuqa”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo

0

Muqdisho, August 20, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

“Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ku suntan isjacayl, wadajir iyo is-taakulayn, taasi oo muujinaysa dareenka walaaltinnimo ee ka dhexeeya dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay istaakuleeyaan, isla markaasna garab istaagaan kooda itaalka daran maadaama isku-duubni , walaalnimo, wadajir iyo wax wada qabsi lagu gaari karo horumarka iyo himilooyinka la hiigsanayo.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka,

“Dhammaan Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka sannadkan waxaan Alle uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo kamid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu, dawladda Soomaaliyeedna waxaa ka go’an inay u fududeyso muwaadiniinteeda gudashada waajibaadka Xajka.”

Taliska Ciidanka Asluubta oo qalab Xafiiseed ku Wareejiyay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

0

Muqdisho (SNTV)- Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka guddoomay qalab xafiiseed loogu talagalay inuu ku shaqeeyo Golaha Murtida iyo Wacyigalinta ee (National Theatre) qalabkaas oo sameyntiisa uu hore u amray Madaxeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomalaiyeed S/gud Bashiir Maxamed jaamac ayaa sheegay in qalabkan uu wax badan ka badali doono howlaha Tiyaatarka Qaranka, sharaf gaarana ay u tahay in qalabkan ay wareejiyaan iyagoo ka jawaabaya amarkii Madaxweynaha.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka ayaa bogaadiyay waxsoosaarka Warshada Ciidanka Asluubta oo ay ka hawlgalayaan Maxaabiista kujirta xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo sheegay in dib u howlgalinta Tiyaatarka Qaranka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qalabkan ay ku warejiyeen, isagoo xusay in farxad gaara ay u tahay in Madaxweynaha Dalka uu ahmiyad gaar ah siinayo soo nooleynta Tiyaatarka Qaranka.

Wasiir Beyle oo maanta kormeeray Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekadda Muqdisho oo ka mid ah illaha dhaqaalaha dalka kuwa ugu muhiimsan.

Ujeedka kormeerka Wasiir Beyle uu ku tagay Dekadda Muqisho ayaa ku saabsan hubinta qaabka ay shaqada Dekadda u socoto iyo u adeegida Shacabka wax kala soo degaya Dekadda magaaada Muqisho.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay Dakadda Muqdisho ka mid ah ilaha dhaqaalaha Dalka kuwa ugu muhiimsan, si aan u hubiyo qaabka ay shaqadu usocoto. Waxaan dul istaagay goobaha ay sida gaarka ah uga socotay shaqada iyo u adeegida shacabka wax kala soo dagaya Dakadda Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe lagu dardar gelinayo laguna kobcinayo dhaqaalaha dalka,iyadoo loo marayo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka gaar ahaan ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka uu ka soo galo.

Madaxweynaha iyo wafdiga u hoggaaminayay oo dib dalka ugu soo labtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo isniin ah dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga ballaaran uu horkacayay ayaa safaro shaqo ku kala tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga,halkaasi oo uu kullamo kula soo qaatay madaxda Labada dal,iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Wadamadaasi.

Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Kulamada madaxweynaha dalka u layeelanay madaxda wadamada Jabuuti iyoTurkiga ayaa u jeedkisa waxa u yahay sidi labada dalalkasi ay u hagajin lahayeen xiriirka iskaashi ee ka dhexeya dalalka Turkiga iyo Jabuuti oo mid qooto dheere.

In ka badan hal milyan oo qof manta taagan baanka buurta carafo

0

August 20, 2018-:

Maanta oo ah 9ka bisha Carafo(dulxaj) waxaa iyagoo khushuucsan ku qulqulayaa Banka  Carafo xujeyda Baaytka allah si aay ugu taan rukni ka mid ah runki axkaamta Islaamka.

Sida uu xadiiskiisa shariifka uu ka sheegay Rasuulkeyna Mahamed  naxristii eebe korkiisa ha ahaatee Xaajka oo aansax noqonayn ilaa laga istaago baanka carafo marka quroxda soo baaxda ilaa ay ka dhacdo, wuxuuna yiri Rasuulkeyna suuban “Xaja  waa Carafo”

Maanta waxay xujeyda istaagayaan Banka Carafo iyadoo malaaikta allah dhinac walba ka hareeraysan tahay  waxayna allah ka baaryayaan in loo danbi dhaafo Xujeyda iyo inuu Naarta  ka xoreeyo adoomankiisa Taagan Carafo.

Sida laga soo wariyay Xadiiska wuxuu yiri Nabigeyna suuban ducda ugu kheyrka badan “ waa tan maalinta Carafo ilaah la baryo.

Marka la gaaro Duhurkii Imaamka Masjidka Nimra ee Carafo waxa u xujeyda ataagan banaka Carafo u jeedinayaan khudbad wacdikadibna xujeyda waxay dukanayaan salaadda Duhurka oo laa isku daray la soo gaagaabiyay.,waxaan la sheegay buurta Carafo inay tahay meesha aay isku baarteen Nabi Adan iyo Xaawa markii janada laga soo saaray markaassi ayaa Buurtaasi loo aqoonsay Carafo micnaheedu yahay isbarasho.

Kadib markii ay Xujeydu gutaan waajibaasi farliga ah, waxay markaa ay qoruxdu dhacdo waxay urursanayaan dhaxgaanta ay ku tuuri lahaayeen jamaraadka iyagoo berito subax  bisha Dulxija 10 ay tahayna ay Mina si ay dhagxaanta ugu tuuraan jamaaraadka.

Dhanka kale Soonka manta oo kale ee 9-ka Carafo waa Sunah mu’akad ah oo la jideeyay.

Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab oo Biyaha Wabiga ku furay deegaano hoostaga degmada Qoryooley

0

Wararka naga soo gaarayo degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab Tuulooyin hoostaga degmadaasi ku fureen Biyo ka dhashay Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Kooxda Nabad-diidka ah ayaa ilaa iyo shan Tuulo oo hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku gooyay Biyaha,kuwaasi oo sababay in dad badan Guryahooda ay ka barakacaan,waxaana dadka barakacay dib u dejin loogu sameeyay degmada Qoryooley ee Gobolkaasi.

Sidoo kale,Biyaha ayaa saameyn ku yeeshay dalagyada ay dadka beeraleyda ah beerteen,kuwaasi oo gabi ahaanba biyaha ay baabi’iyeen.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Sayid Cali Ibraahim Xasan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in muddooyinkii danbe ay wadeen howlgalo ay ku baacsanayeen Kooxda argagixisada Al-Shabaab oo falal ay ku dhibaateynayaan dadka rayidka ah ka waday deegaano hoostaga degmadaasi,wuxuuna carabka ku adkeeyay.

“Muddooyinkii danbe waxaan wadnay howlgalo aan ku baacsaneynay cadowga Al-Shabaab oo la soo baxay dhaqan ah iney jaraan wadooyinkii fududeynayay isku socodka,waxayna hadda Biyaha Fatahaada Wabiga ku gooyeen deegaano hoostaga degmada Qoryooleey sida Mashalaay,farxaane iyo Gaawurow,”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qorooleey.

Sidoo kale,Guddoomiye Sayid Cali ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen qorshe ay argagixisada Al-Shabaab ku damacsanaayeen iney ku jaraan Buundo muhiim ah isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada hoostada degmadaasi.

Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab oo u babac dhigi waayay awooda Ciidamada Xoogga dalka ayaa u weecday dhibaateynta dadka rayidka ah,waxayna markasta ciidamada Xoogga dalka u taagan yihiin Difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmayo kalafadhiga

0

Muqdisho SNTV -: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmi doono kalafadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka.

War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS,ayaa lagu sheegay in kalafadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota,sidaasi daraateedna looga baahan yahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka ku soo laabtaan ugu danbeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalafadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka,sidaasi daraateed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018,diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalafadhiga 4-aad ee  Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

 

Talyaaniga oo cabsi kamuujiyay qatar ka dhalan karta isticmaalka 22 Buundo

0

Dowlada Talyaaniga oo baaritaan ku sameeyay musiibadi  Genoa ayaa sheegtay in ay jiraan digniino lagu arkay  22 Buundo oo ay istacmaalan gaadidka dalkasi, digniinahasina ay mujinayan in ay jiraan xaaladdo dagdag .

Injineer u dhashay dalka Talyaaniga oo u qaabilasana lasocoshada xaaladaha soo kordha ee dagdag ah ayaa sheegay in ay u baahnayeen in xili hore dayactir joogta ah  lagu sameyo 22 Buundo si loga nabad galo burbur kale oo ku yimada isticmaalka  qar kamid ah Buundooyinka  dalkasi talyaaniga .

Shaqaalaha gargarka dagdag ah ayaa hatan la halgamaya sidi ay u ilaalin lahayen goobah ay ku yaalan Buundooyinka oo laga cabsi qabo markale in u burbur ku yimado.

Sahan ay soo saaren  qaar ka mid ah Ururka Talyaaniga ayaa tilmaamey 22 buundo oo ku xiran  waddooyinka  in ay muujinayan calaamadaha khalkhalka ee ku yimiid Buundooyinkasi .

Dowlada talyaaniga ayaa ugu baaqaday shacabked in ay ka digtoonadan xaaladdah goobaha cabsida laga muujinyo