Shirkii watatashiga warbaahinada soomaaliya ee garoowe ka socday oo war murtiyeed laga soosaaray

Date:

Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdihakim Cabdullaahi Cumar (Cameey) Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay Ku simaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Cabdifitah Nuur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee GalMudug, Mudane C/raxmaan Jaamac Afrax, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mudane Cabdiweli Maxamed Cabdi, Xoghayaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socota Gobolka Banaadir, Ururka saxaafadda Soomaaliyeed ee NUSOJ, Ururka Saxaafadda Puntland ee MAP, Guddiga Saxaafada, Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Omar Hassan.

Kullanka, ayaa socday muddo afar maalmood ah 10 -14 April, 2018.Garowe, 10 – 14 April 2018: Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta wax ay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Kulanka 4 maalmood socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin:

Dhisidda Guddiga Wacyigalinta iyo Dhamaystirka Istaraatiijiyadda Wacyigalinta.
Qaabeynta Dhismaha Xarunta Dhexe ee Waxsoo saarka Warbaahinta.
Diyaarinta Anshaxa Saxaafadda.
Ogaanshaha heerka uu marayo xeerka saxaafadda.
Diyaarinta Istaraatijidda Isku-xirka dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo Dadweynaha (Media Communication Strategy).

Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda:

Ka qeybgalayaashu wax ay u mahadceliyeen Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland oo shirka ku martigalisay magaalada Garowe iyo Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka oo lahayd abaabulka guud ee shirka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo aqbalay casuumadda shirka.

Ka qeybgalayaashu wax ay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka soo bandhigay.

waxa ayna ka qeyb galayaasha  isla garteen in la dardargaliyo hawlaha Wacyigalinta Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo si siman oo isku xiran looga hirgalinayo Dalka oo dhan.

sidoo kale Ka qeybgalayaashu waxay isla qaateen in la abuuro lana dhiirigaliyo barnaamijyada ka hadlaya kalsooni-dhiska, dib u heshiisiinta iyo iscafinta, lana ballaariyo barnaamijka raadiyaha ee Wadajir oo diiradda saara howlaha xasiloonida, dhismaha golayaasha deegaanada iyo dib u heshiisiinta, oo laga sii daayo dhamaan idaacadaha dowliga ah, marka laga reebo Puntland, maadaama golayaashii deegaan ee Puntland ay dhisan yihiin iyo in la sameeyo barnaamijyo mid ah oo looga hortagayo qataraha argagixisada oo isla markaana dhalinyarada lagu hagayo tubta toosan.

Ka qaybgalayaashu, waxay isla garteen in, si loo helo Wacyigalin ka jawaabaysa baahida Bulshada, oo saamayn leh isla markaana Nidaamsan, loo baahan yahay in la helo Istaraatiijiyad heer federaal ah, oo loo dhan yahay, taasoo ku jaan go’an baahida Wacyigalineed ee Dalka ka jirta.

Ka qeybgalayaashu, si loo hirgaliyo arrimaha Wacyigalinta, Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxay isla garteen in la dhiso Guddi ka kooban Wasaaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah, oo ka soo shaqayn doona Diyaarinta Istaraatiijiyadda Wacyigalinta heer federaal iyo hirgalinteeda waxa kala oo la Isla gartey in gudi ay magacaabaan Wasiirada Wasaaradaha.

Ka qeybgalayaashu wax ay isla qireen baahida loo qabo in kor loo qaado lana dhiira galiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa Warbaahinta Qaranka ee Heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo xoogga la saarayo xog isdhaafsiga kala faa’iidaysiga, wadaagista Imkaaniyaadka iyo wixii la mid ah, iyadoo lagu ammaanay Agaasimayaasha Tv-yada, in ay bilaabeen dhaqangalinta heshiiskii sanadkii hore.

Ka qeybgalayaashu, iyadoo laga duulayo baahida dhanka tayada, middeynta fariimaha iyo curinta, waxay isku raaceen yagleelidda Xarun dhexe oo wax-soo-saar oo dhanka Saxaafadda ah in laga hirgaliyo Caasimadda Muqdisho, iyadoo xafiisyo ku yeelanaysa dhamaan Wasaaradaha Warfaafinta Dawlad,Goboleedyada.

Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xaruntan ay noqoto mid Qaran, oo ay maamulayaan Guddi ay si wadajir ah u dhisi doonaan Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Waxaa xubnuhu noqon doonaan Xirfadlayaal aqoon sare u leh wax-soo-saarka Saxaafadeed, balse waxaa ka faa’iidaysan doona Warbaahinta Dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay Labadaba.

Ka qaybgalayaashu, waxay Isla qireen baahida loo qabo istaraatiijiyad xiriirisa xog isweydaarsiga Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubnaha ka ah, Warbaahinta gaarka ah iyo Dadwaynaha Soomaaliyeed. Istaraatiijiyaddan, waxay sahlaysaa in si fudud loo wadaago Xogta Warbaahineed ee Dalka, isla markaana Jawaab mideysan, oo ku haboon laga bixiyo waqti ku haboon.

Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xarunta ay xubno joogto ah ku yeelan doonaan Dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, isla markaana waxay xaruntu qeybo ku yeelan doontaa Caasimadaha Dawlad-goboleedyada.

Ka qaybgalayaashu, waxay ammaan iyo bogaadin u jeedinayaan Hay’adaha Caalamiga ah ee la garab taagan taageerada si gaar ahna, waxay u bogaadinayaan TIS+ iyo cid kasta oo caawisa wasaaradda warfaafinta federaalka iyo SSI oo ballanqaaday in lix Idaacadood lagu taageero dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koofur-galbeed.

Ka qeybgalayaashu, Waxay ku dhiirigalinayaan hey’adaha iyo dowladaha taageera Soomaaliya in ay ka taageeraan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah sidii ay fariimaha wacyigalinta u gaarsiin lahaayeen dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada miyiga ah si looga hortago marinhabaabinta argagixisada ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ka qeybgalayaashu, waxay ka codsanayaan hey’adahan in ay sii wadaan caawinta warbaahinta dalka, iyagoo si gaar ah u sii xoojinaya taakuleynta ku aadan wax ka qabashada baahida deg deg ah ee dhanka Warbaahinta ee ka jirta dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Glamudug, oo iyaga ka hooseeya dowlad goboleedyada kale, maadaama uu dhismahoodu ka dambeeyay. Sidoo kale Warbaahinta dowladda Federaalka, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed laga taageero ballaarinta iyo tayaynta warbaahintooda si ay logo baahiyo deegaanada aysan wali gaarin.

Ka qeybgalayaashu, waxay ku dhiirigaliyaan dhamaan warbaahinta dalka in ay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda, iyadoo si habsami leh looga dooday mowduucan, qodobo dhowr ahna la isku raacay in la wada fuliyo ka hor ansixinta Xeerka Saxaafadda.

Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah iyo wax kasta oo wax u dhimi kara qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ka Qeybgalayaashu, waxay u mahadceliyeen Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka oo sheegay in ay warbaahinta u soo bandhigi donaan xeerka saxaafadda inta aan aqrinta labaad loo gudbin.

Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, Waxayna ka codsadeen baarlamaanka federaalka in uu dedejiyo ansixinta Xeerka Saxaafadda dalka.

Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in shirka kan xiga lagu qabto magaalada Kismaayo ee Jubbaland dhamaadka bisha July ila bilowga August 2018, oo ay xigi doonaan magaalada Baydhaba, Dhuusamareb iyo Jowhar, iyadoo loo eegayo sida dhismaha dowlad goboleedyadu u kala horeeyeen.

MAHADSANIDIIN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...