Home Blog Page 1153

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u duulay Dalka Qatar

0

Muqdisho(SNTV):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaaro Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

Golaha Aqalka sare oo Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka

0

Muqdisho (SNTV) Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee xildhibaannada ee Golaha Aqalka sare ay Maanta ku yeesheen xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ahaa ajandaha  Aqrinta labaad ee hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qyb gashay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka , Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyadoo fadhiga guud ee Aqalka sare ay ku sugnaayeen 31, xildhibaan.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Diinta iyo Awqaafta iyo Xuquuqul Insaanka ee Aqalka sare, Sanetor, Samsam Ibraahim Cali, ayaa xildhibaannda Aqalka sare ka codsatay in la dadejiyo  Dhismaha Sharciga hay’adda Naafada Qaranka, taas oo muhiim u ah Dadka uu Lixaadkooda dhammaystirnayn.

Guud ahaan Xildhibaannadii ku sugnaa Fadhiga ayaa isku raacay in la meel mariyo sharciga Dadka naafada ah, iyadoo cod Gacan taag ah lagu axsixiyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka  , Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa u mahad celisay guud ahaan Xildhibaannada Golaha Aqalka sare sida ay u dadejiyeen sharcigan, kaas oo ay horay u soo meel mariyeen xildhibaannada golaha Shacabka.

Taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Magaalada Garbahaarey

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Qaybta 43-aad ee xoogga dalka S/Guuto Cali Maxamed Maxamuud iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Socdaalka Taliyaha ayaa la sheegay in ay tahay mid lagu dar-dargelinayo hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab kaas oo ciidanku ka wadaan gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo saraakiil kale ayaa soo dhaweeyey Taliyaha qaybta, waxaana ay ka wada hadleen sidii gobolka Gedo looga nadiifin lahaa maleeshiyada Al-shabaab, dadka deegaankuna ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlgalada socda.

WAR-MURTIYEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA EE DHAQANGALINTA SARREYNTA SHARCIGA IYO HORUMARINTA HOWLAHA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

0

 

 

Muqdisho, Soomaaliya

9-10-11 Disembar 2018

 

WAR-MURTIYEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA EE DHAQANGALINTA SARREYNTA SHARCIGA IYO HORUMARINTA HOWLAHA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

 

 

 

 

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo qaban qaabiyay, hir-geliyeyna Shir muhiim ah oo ay yeesheen dhammaan xubnaha Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ee heer federal waxaana gacan buuxda ka siiyay Xafiiska Ha’adda IDLO, kuna saabsan Dhaqan galinta sarreynta sharciga, horumarinta xafiiska, isa-sixid iyo isla xisaabtan dhab ah, kana dhacay Shabeel Hoteel ee Magaalada Muqdisho Soomaaliya, kaas oo socday muddo sadex maalmood ah 9-10-11 ka Disembar 2018.

            Shirkan waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo heer Federaal ah:- waxayna kala yihiin:- Taliyaha, taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Baarista Dembiyada, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, dhammaan xubnaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamadda G/banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Bahda Saxaafadda  iyo marti sharaf kale.

 

Ujeedada Shirka: waxa uu ku saabsanaa Dhaqangelinta sarreynta sharciga, horumarinta howlaha xafiiska iyo ka doodista iyo ansixinta  Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, sidoo kale isla xisaabtan dhab ah, isa-sixid iyo in si qoto dheer loo falanqeeyo loogana doodo wax kasta oo wax u dhimi kara habsami u socodka howlaha xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.

 

Dhammaan madaxda qaranka ee shirka lagu casuumay waxay shirka ka jeediyeen hadalo dhaxal gal ah oo qiime weyn ugu fadhiyey Ajandaha shirka laakiin aan halkaan lagu soo wada koobi karin, hadii aan wax yar ka tilmaanno in yar oo ka mid ah nuxurka hadalada shirka laga yiri, waxaa ka mid ahaa:-

 

Gudoomiyaha maxkamadda sare dalka

“Garsoorku waa meesha ay tahay in laga barto ilaalinta waqtiga, marka hadaan waqti ilaalin weyno wax kale ma ilaalin karno”.

“ Xeer-ilaaliye waa in aad ogaataa masuuliyadda koowaad ee cadaalad u raadinta dalkan in ay adiga ku saaratahay”.

 

Generaal Bashiir Axmed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

“Hay’adaha kala duwan ee boliisku waxba ma qaldi karaan hadaan xeer-ilaaliye ku caawin, ama uusan howshiisa gabin”

“Haduusan Xeer-ilaaliyuhu la iman maxkamadda horteeda wax hufan oo wanaagsan garsoorka lagama sugaayo in ay gaaraan go’aano cadaalad ku saleysan.”

 

 

 

Dr. Axmed Cali Daahir: Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

“Boliisku ma khaldana eedna ma laha balse eedda iyo khaladkaba waxaa iska leh Xeer-llaaliyaha, sidoo kale waxaa waajib ku ah Xeer-Ilaaliyaha in uu hagaa, saxaa dabagal buuxana ku sameeyaa hay’adaha kala duwan ee boliiska”

 “lagama qaban karo hay’adaha boliiska gal-dacwadeed aan wadan marag muujin cadeynaysa waxa dembiga lagu galay”, warqadda faraha, xusuus qorka baarita iyo sawirka eedeysanaha”

 

Dr. Sh. Muuse Macalin Axmed; Gudoomiyaha Maxkamadda G/banaadir:

“Xeer-ilaaliyuhu waa in uu iska hubiyaa xarigga iyo wax ka dhalanaya, sidoo kale waa in aad la socotaa in xariggaagu waafaqsan yahay qodobka 38 ee X.H.C”.

“Xeer-ilaaliyaha ayaa ah indhaha baarista hadii aad ogtahay in galkaagu uusan maxkamadda ka gudbaynin fadlan xoogga iyo waqtiga ha ku lumin”.

 

Mr. Xamse C/laahi    la taliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee xagga sharciga

“Waa in aysan dhicin maado dembi lagu galay in la isticmaalo markale, si saxan iyo si khaldanba, sidoo kale waa in uu xafiisku yeeshaa meel lagu keydiyo maadooyinka dembiyada lagu galay”.

 

Generaal Bashiir:  Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalliyee

“Hadaan nahay madaaxda boliiska soomaaliyeed waxaan amreynaa in Boliiska Garsoorka loo madax baneeyo in ay qabtaan oo ay ka shaqeeyaan howlaha garsoorka, oo aan lagu wareerin shaqooyin kale ayadoo ay u taalo shaqo garsoor”

“Boliiska waxay diyaar u yihiin in ay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud kala shaqeeyaan dib u habeynta Refeertada Caafimaadka”

Shirkaan u qabsoomay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka oo socday muddo sedax maalmood ah 9-10-11 December 2018, waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka  soo socda:-

 

  1. Ka qeyb galayaasha shirku waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Ururka caalamiga ee horumarinta sharciga (IDLO) iyo cid kasta oo gacan ka geysatay.

 

  1. In la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo hey’adaha ay wadashaqeynta dhow leeyihiin sida Hay’adaha garsoorka, Boliiska, iyo asluubtaba taasi waxay qeyb lixaad leh ka qaadaneysaa habsami u socodka howlaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.

 

  1. Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay yeeshaan shir sannadle ah, oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan xubnaha Xafiiska xeer-ilaaliyaha ee heer federal.

 

  1. Ka qeyb galayaasha shirku dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxay isla garteen oo ay ansixiyeeen Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee qaranka, oo si faah faahsan u tilmaamaya talaabada ku haboon ee laga qaadayo Xeer-ilaaliyihii ka soo bixi waaya waajibaad kiisa shaqo.
  1. Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay lagma maarmaan tahay adkeeynta xiriirka ka dhexeeya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Waxaa kale oo laysla gartay in lagu saxo arranta sare ku xusan labadaan arimood ee soo socda:-
  1. In boliiska lagu lagu tirtirsiiyo dabagalna lagu samameeyo in ay waajibkaas u gutaan sida sharcigu qabo, sidoo kalena wareegto waafaqsan arrinkaan loo gudbiyaa dhammaan Talisyada iyo Hoggaanada boliiska.
  2. In dib loo abaabulo Unug qeybeedka qaabilsan la socodka iyo kormeerka boliiska si loo soxo wax kasta oo ka qaldan habsami u socdoka waajibaadka iyo howlaha Boliiska soomaaliyeed.

 

  1. Waxaa kaloo shirka ka soo baxay in dib loo abaabulo Unug qeybeedka xiriirka xabsiyada iyo kormeerka maxaabiista, taas oo waayadan habacsanaani ku timid.

 

  1. Waxaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud lagu booriyey in aysan ka qaban baaryaasha Gal aysan u dhameystirneyn dhammaan shuruudaha looga baahyahay in ay la socdaan sida:-

 

  1. Xusuus qorka baarista Galka
  2. Sawirka eedeysanaha iyo farahiisa
  3. Maragmuujin dembiyada.

 

  1. Waxaa laysla gartay in ay lagama maarmaan tahay in shir laysugu yimaado ayada oo la soo sheegi doono goobta iyo waqtiga, shirkaas oo ay ka qeyb geli doonaan Xeer-ilaaliye yaasha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka iyo Taliye yaasha Boliiska, Taliye Qeybeedyada, Taliye yaasha Saldhigyada Boliiska Degmooyin iyo Baarayaasha si ay ugu wada hadlaan una wada saxaan adkeynta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhexeeya.

 

  1. Gunaanad, shirku waxa uu hoosta ka xariiqay doorka xeer-ilaaliyayaashu ku leeyihiin Dalka, ilaalinta aminiga Xeer-Ilaaliyaha iyo in la ictiraafo ahmiyadda iyo ilaalinta sareynta Sharciyada dalka u yaala.

 

ALLA A MAHAD LEH

Talaado: 11-12-2018,

Muqdisho, Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga

0
SNTV:-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd, Mudane Danjire ku soo dhawoow Muqdisho iyo dalkaagii labaad oo kaa rajeynaya muddada aad joogto in wax badan aad la qaban doonto.

Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado.

Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay tababarka lagu baranayay ka hortaga dambiyada Abaabulan

0

Muddo labo maalmood ah oo uu soconayo tababarkan ku saabsan ka hortagista dambiyada abaabulan ee isaga gudba Xuduudaha ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,Ciidanka Boliiska, Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo shirkadaha ka shaqeya arrimaha Duulimaadyada waxa ay ku baranayaan sida dambiyada abuubulan wax looga qaban karo iyadoo dhincyada ay quseyso ay sameynayaan iskaashi iyo wada shaqeyn.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornel Maxamed Aadan Koofi ayaa ka sheegay furitaanka tababarkan in dambiyada abaabulan ka hortagistooda ay muhiim u tahay jiritaanka qaranimada iyo  dowladnimada isagoo xusay in hadaba ay jiraan talaabooyin dambiyadaas lagu xakameynayo oo hore loo qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Boolisku xooga saarayaan wax ka qabashada dambiyada abaabulan oo dhib weyn ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in xal u helista dambiyadan marwalba ay ku xiran sida loo dhameystiro sharciyada lagu xakameynayo falalka dambiyada Abaabulan ah, wuxuuna ugu baaqay Xukuumada iyo Barlamanka inay dadajiyaan meel marinta sharciyadaas.

Waaiirka Amniga Gudaha Gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo furay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan dhaqangalinta waxyaabaha ay bartaan iyo islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha ku shaqada leh.

Dambiyada abaabulan ee ee isaga gudba xuduudaha iyo Airaporada oo Soomaaliya inta badan ka dhaca ayaa waxaa kamid ah Tahriibinta, ka ganacsiga maandooriyaasha, lacagta la dhaqo, waxaana Dowladda Federaalka ah ay wadaa dadaalo lagu xakameynayo falalkaasi dambiyada abaabulan ah.

DEGDEG: MOOSHINKII HINDISAHA XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA OO JABAY

0

Mooshinkii Hindisaha XIl ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka 9kii bishan ayaa jabay keddib markii ay caddeymo qoraal ah soo gudbiyeen 14 xildhibaan oo ku saxiixnaa kuwaas oo ku tilmaamay in lagaga been abuurtay.

Xoghayaha Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa saaka warqad uu u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka uu yahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.

“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”

Xogyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale warqaddan uu ku qoray Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu kula socodsiiyay in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha JFS (09/12/2018) uusan soo buuxin shuruudihii dastuuriga ah ee u xusan warqadda.

Shalay ayay ahayd markii labada Guddoomiye Ku Xigeen ay soo saareen warqad ay ku hakinayaan hawlaha Golaha Shacabka iyaga oo tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka uu ka dhex jiro khilaaf dastuuri ah oo u baahan in xal degdeg ah laga gaaro.

 

Emmanuel Macron oo sheegay in hoos loo dhigayo canshuurta dalka faransiiska

0

Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa ballan qaaday in uu mishaarka kordhin doono sidoo kalana canshuuta  hoos loo dhigi  doono, taasi oo jawaab u ah khalalaasihii toddobaadyadii la soo dhaafay ka socoday dalka faransiiska.

Madaxweynaha oo ka hadlayay telefishinka ayaa cambaareeyay mudaharaadaydii ka dhacay dalka, balse waxa uu sheegay in marka si loo eego ay ahaayeen suuragal in ay sii socdan rabshadaha  dadka lagu  kicinayo.

“Mushaarka ayaa lagu dari doono €100 laga bilaabo sanadka 2019-ka” ayuu yiri Mr Macron.

Qorshe loogu kordhin rabay canshuurta dadka dan yarta ah ayaa la meesha laga saraay balse madaxweynaha waxa uu diiday in canshuurta sidii hore loogu soo celiyo dadka maalqabeenka ah.

Mr Macron ayaa aqbalay in dad badan aysan ku farax sanayn xaaladda ay ku noolyihiin ayna dareemeen in aan la dhagaysan cabashadooda balse Mr Macron, ayaa markii hore aad u dhaleeceeyay dibadbaxyada hareeyay waddankiisa.

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Xariirka Labada Dawladood

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga, Emanuela Del Re.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda la wadaagay horumarrada muuqda ee dalku ku tillaabsaday intii ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo Talyaaniga uga mahadceliyay is-garab taagga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu madaxayne Mohamed Abdullahi Farmaajo ku tagay Rome. Talyaaniga oo aan leenahay xiriir soo jireen ah ayaa nagu garab istaagay sidii aan uga soo kaban lahayn dhibaatooyinka dalkeenna soo gaaray.

Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay gebi ahaan gobalka geeska Afrika gaar ahaan dawrka wanaagsan ee hoggaanka dawladda Soomaaliya uu ku leeyahay.

Emanuela Del Re ayaa ballan qaadday in Talyaanigu uu Soomaaliya ka taageerayo hormarinta barnaamijyada arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Danjiraha dawladda Turkigu usoo magacaawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta xoojinta xariirka walaaltinnimo ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta soo dhaweeyo safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, oo ah rug-cadda horumarineed iyo Saaxiib Soomaaliyeed. Waxa aan rajaynayaa in uu sii amba qaado cusubka iskaashiga labada dawladood.” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga mahadceliyay soo dhawaynta wanaagsan, waxa uuna ballan qaaday in uu ka shaqaynayo danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka ah.

Safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya oo bedelay safiirkii hore Amb. Olgan Bakar, ayaa madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxmed (Farmaajo waxa uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.