Home Blog Page 1153

Daawo Barnaamijka Sama Wade.

Muqdisho (SNTV)- Sama Wade, waxa uu kamid yahay barnaamijyada ka baxa Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaraa iftiiminta dhagaraha kooxaha arga-gixisada ee Alshabaab iyo Daacish.

Tabiye Cali, Cabdiraxmaan Aadan

Halkaan Hoose ayaad ka daawan Kartaan.

Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Imaaraadka ugu baaqey inay ka qeyb qaataan horumarka Caasimadda

0

Muqdisho(SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Dubai kula kulmey jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Imaaraadka oo halkaas ku qabtey xaflad ay ku soo dhoweynayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaaney Soomaalida ku dhaqan Imaaraadka, sida ay uga dhex muuqdaan bulshada kale ee waddanka ku dhaqan, isagoo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Mudane Eng.Yarisow ayaa jaaliyadda Soomaalida uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee dib uga soo kabanaysa dhibaatooyinkii ay reebeen dagaalladii sokeeyo, waxuna tilmaamay guulaha wax ku oolka ah ee la gaaray in ay dhiirigeliyeen horumarka lagu tallaabsaday.

“Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka Carabta waxay kaalin wanaagsan ka soo qaateen horumarka dalkooda, hadana waxaan idinku sii dhiiragelinayaa dadaalkiina inaad sii labo jibaartaan, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho oo xiligan dib ayay u soo kabanaysaa waa in aad doorkiina ka qaadataan”.

Xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Isutagga Imaaraadka ayaa iyaguna halkaas Guddoomiyaha ku siiyey warbixinno la xiriirta xaaladahooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Ciidanka Ururka 60aad oo kulan sagootin ah u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka

Muqdisho (SNTV), Ciidanka Taliska Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa kulan sagootin ah maanta u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo intaan xilka Abaanduulka loo magacaabin ahaa Taliyaha Ururkaasi.

Kulanka intii uu socday ayaa Gen. Odowaa waxa uu dhageystay Talooyin iyo aragtiyo ay usoo gudbiyeen Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dableyda Ururka 60aad ee ilaaladda Madaxtooyadda Qaranka, waxaana dhammaan ay ugu hambalyeeyeen Xilka cusub ee loo dhiibay, iyaggo ALLE uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Siihayaha Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaaladda, ahna Abaanduulaha Ururkaasi, Dhamme Dayax Cabdi Cabdulle oo kulanka ka hadlay, ayaa ugu horeyn u hambalyeey S/guuto Odowaa Yuusuf raage, waxaana uu xusay in Shaqada Ururka lasii dar dar gelin doono.

Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Ciidanka Ururka 60aad, ayaa uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intuu uu hayey Xilka Taliyaha Ururka, isaggoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada, si wanaagsanna ay ula shaqeeyaan Madaxda.

Tartanka kubadda cagta degmooyinka oo furmay

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa   si rasmi ah garoonka Banaadir uga furmay tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018, waxaana xaflada furitaanka oo si heersare loo soo agaasimayay kasoo qayb galay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo marti sharaf kale.


Ka hor bilowga ciyaarta waxaana garoonka Socod kusoo maray ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadir oo ay horkacayeen Bambayda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana tartanka daah fray Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye.


Kulanka furitaanka oo ay ku loolameen degmada Waaberi oo difaacaneysa koobka degmooyinka  iyo Degmada Dharkeenleey waxaana waqtigii loogu talo galay ay guusha 2-0 ku raacday Waaberi oo 10 laacib ku ciyaaraysa kadib markii  laba kaar   casaanka   u taagay garsoore Siyaad oo ciyaarta dhex dhexaadinayay, waxayna sidaasi 3 dhibcood hogaanka ugu qabatay Group A.


Maanta  oo sabti ah waxaa la ciyaari doonaa laba kulan oo ka kala dhici doona garoomada Banaadir iyo Jamaacadaha.


Yaaqshiid iyo shangaani oo Group kujira ayaa garoonka Jaamacadaha ku ballansan , halka Hodon iyo Warta Nabadda ay isaga hor imaan doonaan garoonka Banaadir
Saacadda: 3:30 Pm.

Alshabaab oo sixirooleyaashooda soo ban bixiyay

0

Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa dadka ku nool deegaannada ay haystaan u soo bandhigay wax ay ugu yeereen dabbaal degyo ciidda lagu soo beegay.

Degmada Saakow oo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe, ayay maleeshiyadu meel fagaare ah isugu soo bixisay carruurta iyo haweenka halkaas ku dhaqan ee ay xoogga ku haystaan, waxayna u soo bandhigeen,maleeshiyadooda oo raashin cunaya isla markaana jir dhis sameynaya.

Waxyaabihii kooxdu soo bandhigtay waxaa ka mid ahaa niman sixirooleyaal ah, oo kooxdu adegsato, kuwaas oo soo bandhigay waxyaabo indho sarcaad ah.

Sixirooleyaasha oo u labisnaa si aad fool xun, ayaa la qariyay wajiyadooda, si aan loo garan.

Sixirka ayaa ka mid ah tabaha ay adeegsato kooxdan Islaamka ka been sheegta, si ay maanka uga xaddo da’ yarta iyo dadka aan garaadkooda iyo aqoontoodu ku filnayn.

Sixirku waxa uu ka mid yahay arrimaha ay Shareecada Islaamku xaaraantinimeysay, hase yeeshee maleeshiyada Alshabaab ee xag-jirka ah, ayaa ku dhaqanta wax kasta oo Shareecada Islaamku reebtay sida daadinta dhiigga muslimiinta, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadooda iyo diintooda.

Alshabaab, ayaa adeegsata  hal ku dhagga ah: “Si aad ujeeddadaada u gaarto, samee wax kasta una adeegso wax kasta”.

Sidaas ayuuna sixirka, dilka muslimiinta, xitaa haddii ay masaajid ku jiraan, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadoodu uga mid yihiin hababka ama wasiilooyinka ay u maraan gaarista hadafkooda oo ah in ay awood iyo dhaqaale helaan.

 

Qurba joogta Soomaaliyeed oo loogu baaqey in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka iyo taageerada ciidamada

0

Muqdisho (SNTV)- Qaar kamid ah salaadiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kunool qurbaha ayaa wada dadaallo qurba joogta Soomaaliyeed loogu wacyigelinayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkoodi Hooyo,iyadoo la fulinayo baaqyada madaxda dowladda Soomaaliya ee ah in qurba joogtu ay muujiyaan dowrkoodi horumarineed ee Dalka.

Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Qurbaha kunool ayaa sheegay in qaar kamid ah magaalooyinka wadamada Yurub oo ay Soomaalidu kunool yihiin ay kulamo kala duwan kula qaateen Soomaalida, isagOoo ujeedka ku tilmaamay mid looga wacyigelinayo kaalintoodi ku aadan dib u dhiska dalka iyo taakulaynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

“Aad baan ugu mahadcelinaynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool qaarada Yurub sida wadanka Swedan oo ay kunool yihiin Soomaalida ugu badan,sidoo kale Ingiriiska Norway iyo meelo kale,waxay ay naga balanqaadeen in dalkoodi ay ku soo laabanayaan oo ay dhismihiisa ka qeyb qaadanayaan,sidoo kale waxaan ku boorinay in ciidamada Qaranka la taageero dhaqaale ay iska soo ururiyaan,runtii aad ayaay u soo dhaweeyeen dhamaantooda,hadad waxaan joognaa Dalka Austria”.Ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu Suldaanka uu intaasi ku daray in ay si gaar ah ula hadleen aqoonyahanada iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo xilalka kala duwan ka haaya wadamada Yurub, isagoo xusay in ay soo dhaweeyeen qorshahaasi wacyigelinta ah.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeyeey waxaa ay dadaal xoogan ugu jireen sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkoodi hooyo,  walow ay kal hore hirgeliyeen  barnaamijyo ganacsi oo shaqo abuur ah, taasi oo kutimid markii hay’adaha amaaanka dowladda Soomaaliya ay xoojiyeen  xasiloonida dalka.

Ciidanka Amniga oo Gacanta ku soo dhigay Labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab.

0

Muqdisho(SNTV):– Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay labo dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab. sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore Kaas oo ahaa mid lagu sugayay Nabad-galyada Shacabka, Islamarkaana ay Ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen labadaasi dhagarqabe.

“Habeynimada 23ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada Dowlada Federaalka ah ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo argagaxisada Alshabab ah. Howlgalkaan oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed,  cidna wax kuma noqon.”ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay NISA

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleestay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan duleedka Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo ay  weliyeen taliye ku xiggeenka koowaad ee Booliska S/guuto Saciid Axmed Kadiye iyo Saraakiil kale, ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Ciidanka ammaanka ee ku sugan duleedka magaaladda Muqdisho.

Kormeerka, ayaa ka bilowday Deegaanka Gubadleey, Shineemo Cabdi Waayeel, Saldhigga Degmadda Heliwaa, fadhiyada Ciidanka ee degmadda Deyniile, Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Jaziira, waxaana Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa la qadeeyey Ciidanka Ammaanka,  waxaana kormeerkaan uu ahaa mid lagu dhiir gelinayo Ciidanka, sidoo kalana  lagula qeybsanayo farxadda Munaasabadda maalinta Seddexaad ee Ciidul Adxaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”,  ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay Ujjeedka Kormeerka ay maanta sameeyeen, isaggoo xusay inay u kuur galayeen sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo la hadlay Ciidanka ku sugan Kontaroolada laga soo galo Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed Ciidanka ay ku  ammaanayaan  Xaqiijinta Amniga.

Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga oo si rasmi ah Xilka ula wareegay

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cimi iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidankaasi S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha JFS, ayaa maanta si rasmi ah Xilka u wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Waxaaradda Difaaca Soomaaliya.

Munaaasabadda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, Taliyahii hore iyo Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga, Saraakiil ka socotay Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka S/gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa waxaa uu munaasabada ka sheegay in muddadii uu xilka hayay uu waxbadan ka badalay shaqada taliska, isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta wareejiyo xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-qarshe, ayaa  sheegay in uu ka shaqeyn doono siddii dalka oo dhan nabadiidka Al-shabaab looga Xoreen lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFD Mudane Xasan Cali Maxamed, ayaa faray Saraakiisha inay si daacad ah ula shaqeeyaan Taliyah cusub ee ciidanka xoogga dalka, isagoona xusay  in dhankiisa  uu si dhow ula shaqeyn doono.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay dekadda Muqdisho ayaa u kuur-galay habsami u socodka howsha dekadda.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerkiisa ku tegay qaybaha ka duwan ee dekadda ayaa maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta dekadda ku boorriyay in ay dar-dar geliyaan shaqada, qayb waynna ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga dowladda.

Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu mumiisan ee dhaqaalaha dalka ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin ballaaran, iyada oo lagu guulaysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu wayn ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dawladda u shaqeeya ee looga shakisanyahay xatooyada xoolaha dad-waynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo kamid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq gaysteen.