Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Xariirka Labada Dawladood

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga, Emanuela Del Re.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda la wadaagay horumarrada muuqda ee dalku ku tillaabsaday intii ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo Talyaaniga uga mahadceliyay is-garab taagga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu madaxayne Mohamed Abdullahi Farmaajo ku tagay Rome. Talyaaniga oo aan leenahay xiriir soo jireen ah ayaa nagu garab istaagay sidii aan uga soo kaban lahayn dhibaatooyinka dalkeenna soo gaaray.

Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay gebi ahaan gobalka geeska Afrika gaar ahaan dawrka wanaagsan ee hoggaanka dawladda Soomaaliya uu ku leeyahay.

Emanuela Del Re ayaa ballan qaadday in Talyaanigu uu Soomaaliya ka taageerayo hormarinta barnaamijyada arrimaha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...