Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay tababarka lagu baranayay ka hortaga dambiyada Abaabulan

Date:

Muddo labo maalmood ah oo uu soconayo tababarkan ku saabsan ka hortagista dambiyada abaabulan ee isaga gudba Xuduudaha ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,Ciidanka Boliiska, Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo shirkadaha ka shaqeya arrimaha Duulimaadyada waxa ay ku baranayaan sida dambiyada abuubulan wax looga qaban karo iyadoo dhincyada ay quseyso ay sameynayaan iskaashi iyo wada shaqeyn.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornel Maxamed Aadan Koofi ayaa ka sheegay furitaanka tababarkan in dambiyada abaabulan ka hortagistooda ay muhiim u tahay jiritaanka qaranimada iyo  dowladnimada isagoo xusay in hadaba ay jiraan talaabooyin dambiyadaas lagu xakameynayo oo hore loo qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Boolisku xooga saarayaan wax ka qabashada dambiyada abaabulan oo dhib weyn ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in xal u helista dambiyadan marwalba ay ku xiran sida loo dhameystiro sharciyada lagu xakameynayo falalka dambiyada Abaabulan ah, wuxuuna ugu baaqay Xukuumada iyo Barlamanka inay dadajiyaan meel marinta sharciyadaas.

Waaiirka Amniga Gudaha Gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo furay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan dhaqangalinta waxyaabaha ay bartaan iyo islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha ku shaqada leh.

Dambiyada abaabulan ee ee isaga gudba xuduudaha iyo Airaporada oo Soomaaliya inta badan ka dhaca ayaa waxaa kamid ah Tahriibinta, ka ganacsiga maandooriyaasha, lacagta la dhaqo, waxaana Dowladda Federaalka ah ay wadaa dadaalo lagu xakameynayo falalkaasi dambiyada abaabulan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...