WAR-MURTIYEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA EE DHAQANGALINTA SARREYNTA SHARCIGA IYO HORUMARINTA HOWLAHA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

Date:

 

 

Muqdisho, Soomaaliya

9-10-11 Disembar 2018

 

WAR-MURTIYEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA EE DHAQANGALINTA SARREYNTA SHARCIGA IYO HORUMARINTA HOWLAHA XAFIISKA XEER-ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

 

 

 

 

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo qaban qaabiyay, hir-geliyeyna Shir muhiim ah oo ay yeesheen dhammaan xubnaha Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ee heer federal waxaana gacan buuxda ka siiyay Xafiiska Ha’adda IDLO, kuna saabsan Dhaqan galinta sarreynta sharciga, horumarinta xafiiska, isa-sixid iyo isla xisaabtan dhab ah, kana dhacay Shabeel Hoteel ee Magaalada Muqdisho Soomaaliya, kaas oo socday muddo sadex maalmood ah 9-10-11 ka Disembar 2018.

            Shirkan waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo heer Federaal ah:- waxayna kala yihiin:- Taliyaha, taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Baarista Dembiyada, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, dhammaan xubnaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamadda G/banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Bahda Saxaafadda  iyo marti sharaf kale.

 

Ujeedada Shirka: waxa uu ku saabsanaa Dhaqangelinta sarreynta sharciga, horumarinta howlaha xafiiska iyo ka doodista iyo ansixinta  Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, sidoo kale isla xisaabtan dhab ah, isa-sixid iyo in si qoto dheer loo falanqeeyo loogana doodo wax kasta oo wax u dhimi kara habsami u socodka howlaha xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.

 

Dhammaan madaxda qaranka ee shirka lagu casuumay waxay shirka ka jeediyeen hadalo dhaxal gal ah oo qiime weyn ugu fadhiyey Ajandaha shirka laakiin aan halkaan lagu soo wada koobi karin, hadii aan wax yar ka tilmaanno in yar oo ka mid ah nuxurka hadalada shirka laga yiri, waxaa ka mid ahaa:-

 

Gudoomiyaha maxkamadda sare dalka

“Garsoorku waa meesha ay tahay in laga barto ilaalinta waqtiga, marka hadaan waqti ilaalin weyno wax kale ma ilaalin karno”.

“ Xeer-ilaaliye waa in aad ogaataa masuuliyadda koowaad ee cadaalad u raadinta dalkan in ay adiga ku saaratahay”.

 

Generaal Bashiir Axmed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

“Hay’adaha kala duwan ee boliisku waxba ma qaldi karaan hadaan xeer-ilaaliye ku caawin, ama uusan howshiisa gabin”

“Haduusan Xeer-ilaaliyuhu la iman maxkamadda horteeda wax hufan oo wanaagsan garsoorka lagama sugaayo in ay gaaraan go’aano cadaalad ku saleysan.”

 

 

 

Dr. Axmed Cali Daahir: Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

“Boliisku ma khaldana eedna ma laha balse eedda iyo khaladkaba waxaa iska leh Xeer-llaaliyaha, sidoo kale waxaa waajib ku ah Xeer-Ilaaliyaha in uu hagaa, saxaa dabagal buuxana ku sameeyaa hay’adaha kala duwan ee boliiska”

 “lagama qaban karo hay’adaha boliiska gal-dacwadeed aan wadan marag muujin cadeynaysa waxa dembiga lagu galay”, warqadda faraha, xusuus qorka baarita iyo sawirka eedeysanaha”

 

Dr. Sh. Muuse Macalin Axmed; Gudoomiyaha Maxkamadda G/banaadir:

“Xeer-ilaaliyuhu waa in uu iska hubiyaa xarigga iyo wax ka dhalanaya, sidoo kale waa in aad la socotaa in xariggaagu waafaqsan yahay qodobka 38 ee X.H.C”.

“Xeer-ilaaliyaha ayaa ah indhaha baarista hadii aad ogtahay in galkaagu uusan maxkamadda ka gudbaynin fadlan xoogga iyo waqtiga ha ku lumin”.

 

Mr. Xamse C/laahi    la taliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee xagga sharciga

“Waa in aysan dhicin maado dembi lagu galay in la isticmaalo markale, si saxan iyo si khaldanba, sidoo kale waa in uu xafiisku yeeshaa meel lagu keydiyo maadooyinka dembiyada lagu galay”.

 

Generaal Bashiir:  Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalliyee

“Hadaan nahay madaaxda boliiska soomaaliyeed waxaan amreynaa in Boliiska Garsoorka loo madax baneeyo in ay qabtaan oo ay ka shaqeeyaan howlaha garsoorka, oo aan lagu wareerin shaqooyin kale ayadoo ay u taalo shaqo garsoor”

“Boliiska waxay diyaar u yihiin in ay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud kala shaqeeyaan dib u habeynta Refeertada Caafimaadka”

Shirkaan u qabsoomay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka oo socday muddo sedax maalmood ah 9-10-11 December 2018, waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka  soo socda:-

 

  1. Ka qeyb galayaasha shirku waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Ururka caalamiga ee horumarinta sharciga (IDLO) iyo cid kasta oo gacan ka geysatay.

 

  1. In la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo hey’adaha ay wadashaqeynta dhow leeyihiin sida Hay’adaha garsoorka, Boliiska, iyo asluubtaba taasi waxay qeyb lixaad leh ka qaadaneysaa habsami u socodka howlaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.

 

  1. Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay yeeshaan shir sannadle ah, oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan xubnaha Xafiiska xeer-ilaaliyaha ee heer federal.

 

  1. Ka qeyb galayaasha shirku dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxay isla garteen oo ay ansixiyeeen Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee qaranka, oo si faah faahsan u tilmaamaya talaabada ku haboon ee laga qaadayo Xeer-ilaaliyihii ka soo bixi waaya waajibaad kiisa shaqo.
  1. Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay lagma maarmaan tahay adkeeynta xiriirka ka dhexeeya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Waxaa kale oo laysla gartay in lagu saxo arranta sare ku xusan labadaan arimood ee soo socda:-
  1. In boliiska lagu lagu tirtirsiiyo dabagalna lagu samameeyo in ay waajibkaas u gutaan sida sharcigu qabo, sidoo kalena wareegto waafaqsan arrinkaan loo gudbiyaa dhammaan Talisyada iyo Hoggaanada boliiska.
  2. In dib loo abaabulo Unug qeybeedka qaabilsan la socodka iyo kormeerka boliiska si loo soxo wax kasta oo ka qaldan habsami u socdoka waajibaadka iyo howlaha Boliiska soomaaliyeed.

 

  1. Waxaa kaloo shirka ka soo baxay in dib loo abaabulo Unug qeybeedka xiriirka xabsiyada iyo kormeerka maxaabiista, taas oo waayadan habacsanaani ku timid.

 

  1. Waxaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud lagu booriyey in aysan ka qaban baaryaasha Gal aysan u dhameystirneyn dhammaan shuruudaha looga baahyahay in ay la socdaan sida:-

 

  1. Xusuus qorka baarista Galka
  2. Sawirka eedeysanaha iyo farahiisa
  3. Maragmuujin dembiyada.

 

  1. Waxaa laysla gartay in ay lagama maarmaan tahay in shir laysugu yimaado ayada oo la soo sheegi doono goobta iyo waqtiga, shirkaas oo ay ka qeyb geli doonaan Xeer-ilaaliye yaasha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka iyo Taliye yaasha Boliiska, Taliye Qeybeedyada, Taliye yaasha Saldhigyada Boliiska Degmooyin iyo Baarayaasha si ay ugu wada hadlaan una wada saxaan adkeynta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhexeeya.

 

  1. Gunaanad, shirku waxa uu hoosta ka xariiqay doorka xeer-ilaaliyayaashu ku leeyihiin Dalka, ilaalinta aminiga Xeer-Ilaaliyaha iyo in la ictiraafo ahmiyadda iyo ilaalinta sareynta Sharciyada dalka u yaala.

 

ALLA A MAHAD LEH

Talaado: 11-12-2018,

Muqdisho, Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...