Home Blog Page 1154

Aabbe Macallin Ibraahim “Aniga ayaa ku guubaabiyay inuu Dalkiisa difaaco sharaf ayayna ii tahay booqashada Madaxweynaha”.

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku booqday Hooygooda Magaalada Muqdisho, waaliddiinta uu ka tagay Alle ha u naxariistee shahiid Cabdullaahi Macallin Ibraahim, oo dhawaan ku shahiiday howlgallo ay Ciidanka xoogga Dalka ka fuliyeed Gobolka Shabeellada hoose.

Madaxweynaha Dalka ayaa Qoyska Shahiid C/llaahi la qaybsaday tiiraanyada geeridiisa, wuxuuna u muujiyay sida ay madaxda Qaranka u garab taagan yihiin Askarta ku waxyeelloowda difaaca Dalkooda, Diintooda iyo Sahacbkooda.

Macallin Ibraahim Nuur oo ah Abbaha Shahiid C/llaahi Macallin ayaa sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay inuu Wiilkiisu ku geeriyoodo difaaca Dalkiisa Hooyo, isagoo sheegay inay sharaf u tahay booqashada Madaxweynaha Dalka iyo sida uu ula qaybsaday xanuunka geerida Wiilkooda.

“Sharaf bay noo tahay tan, anigaana ku guubaabiyay, Ciidanka anaa u qoray, anaa ku guubaabiyay inuu Dalkiisa iyo Qarankiisa u dhinto, Allaa mahad leh, Alle ka sokoowna waxaannu ugu mahadineynaa Madaxweynaha Dalka sida uu noo sharfay, Maydad badan ayaa ku dhintay Xaafadda, Madaxweynaha inuu Jinaazo ku tukadana isaga ayay nasiibkiisa noqotay sharaf weyn ayayna ii tahay” ayuu yiri Aabbe Macallin Ibraahim Nuur.

Booqashada uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Faermaajo ku tagay Gurigii uu ka baxay Allaha u naxariistee C/llaahi Macallin Ibraahim ayaa sare u qaadday hanka iyo niyadda ay Ciidamada Soomaaliya u hayaan difaaca Qarankooda.

Maxamuud Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Soomaaliyeed oo dareenkiisa la wadaagay SONNA ayaa sheegay in tallaabbadii Madaxweynaha ay ku beertay dareen aad u qiimo badan , wuxuuna intaa raaciyay in Askarigu uusan ku dhiirran dhaqaale la siiyo oo qura, balse ay niyaddiisu sare u qaadi karto marka saaxiibkiisii ka horreeyay la booqdo Agoontii uu ka tagay, lana daryeelo Saaxiibkiisii ku dhaawacmay difaaca Dalka.

“Askarigu kuma dhiirrado dhaqaale la siiyo, wuxuu ku dhiirradaa marka Saaxiibkiisii ka horreeyay agoontiisa la booqdo, lana daryeelo, sidoo kalana saaxiibkiisii dhaawacmayna loo xannaaneeyo Carruurtiisa lana ogaado, Askariga haray oo fayoow wuxuu keenaa kalsooni Dal jacayl ah iyo shaqa saa’id ah, wuxuuna naftiisa u huraa Dalkiisa maaddaama uu ogyahay inuu maamul saxan ka dambeeyo oo daryeelaya ubadkiisa” Ayuu yiri Maxamuud Sheekh Ibraahim.

Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa sheegay tani in ay soo xasuusisay xilligii Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Dalka, markaas oo uu booqday Ciidamada naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini, isagoo sheegay in ay Maalintaasi qiiro xooggan ku beertay.

“Maalintaas Illin baa iga timid waxaan ogaaday Dad na og inuu jiro, Soomaali weli way nooshahay, Shalay Markuu u tagay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qoyska Marxuumka waxaan ogaaday inaan noolaannay, waxaanan ugu baaqayaa in ay Ciidamada Soomaaliyeed Naftooda u huraan oo ay cadawga ka saaraan, waxaanan leeyahay sii haya howsha fiican ee aad waddaan” ayuu sii raaciyay Maxamuud.

Booqashada uu Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tagay Hooyga Shahiid C/llaahi Macallin Ibraahim ayaa Ciidanka Soomaaliyeed gelineysa kalsooni buuxda oo ay ku qabaan Madaxdooda, waxayna taasi keeneysaa in ay Cadwga argagixisada Al-shabaab iyo kuwa gabbaadka siiyaba ay meesha ka baxaan, Dalkana uu noqdo mid leh Ciidan iyo hoggaan isku duuban.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

0

Muqdisho-(SNTV)- Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed  Admiral; Xasan Nuur  oo dhawaan loo Magacaabay ayaa xilkaasi si buuxda ugala wareegay Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 22 Augost, ka dib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada kala duwan iyo masuuliyiinta Dowladda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay taliyihii hore ee ciidamka Badda Admiral; Maaddeey Sheekh Nuureey (Ufuroow) wuxuuna kula dardaarmay Ciidanka ilaalada Badda iyo Saraakiishooduba in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub una feejignaadaan howsha culus ee u taalla.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Badda Admiral ; Xasan Nuur ,ayaa  sheegay in uu halka hadda ay  marayaan  howlaha taliska Ciidanka ilaalada Badada uu wax ku soo kordhin doono, isagoo uga mahadceliyay taliyihii hore kaalinta uu ka qaatay dib u dhiska Ciidanka Badda.

Madaxa hoggaanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto; Maxamed Maxamud Xasan Qafow ayaa ka hadlay muhiimadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu u leeyahay Dalka,  isago tilmaamay in Ciidanka ilaalada  Badda ay u taallo howl culus , loogana baahan yahay in ay ka soo dhalaalaan oo ay ka hortagaan kooxaha ka qowleysta Baddeena.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkanba wadday dedaallo ay ku dhiseyso tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo helo ciidan awood leh, markii ay isa soo tareen dhibaatooyinka iyo boobka ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Biyaha Soomaaliya iyo tacaddiyada ay geystaan Kooxaha Burcad badeedda ah.

Kooxaha fanka ee Heegan iyo Onkod oo Shacabka kala qeyb galay dabaal degga maalinta labaad ee Ciidul Adxa

0

Muqdisho (SNTV), Magaaladda Muqdisho, ayaa Maalintii labaad waxaa looga dabal dagayaa munaasabada  Ciidul adxaa, waxaana wadooyinka iyo goobaha la isugu yimaado sida xeebta Liido lagu arkayaa dad weyne aad u fara badan oo dhamaashaadaya.

Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska iyo Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta, ayaa ka qeyb qaatay dabaal degga maalintii labaad ee Ciidul Adxaa, waxaana bandhig faneed guubaabo ah ay ku qabteen Beerta Nabadda, Xeebta Liido iyo meelo kale oo ay iskugu yimadeen kumaman shacab ah oo  ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir.

Bandhig faneedka ay sameeyeen Kooxaha Fanka ee heegan iyo Onkod, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko masuuliyiin ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo labaduba kormeeray goobaha ay isugu yimaadeen dadweynaha, ayaa sallaan la dhex qaaday shacabkii halkaasi ku sugnaa, iyaggoo la qeybsaday farxadda Munaasabadda Ciidul Adxaa.

Madaxa hoggaanka wacyi gelinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle sare C/rashiid Cismaan Colod, ayaa sharaxay u jeedka barnaamijkaan, waxaana uu xusay inay ugu gol leeyihiin is dhex galka Ciidanka iyo Bulshadda.

Qaar kamid ah dadkii ku sugaa Beerta Nabadda iyo Xeebta liido oo la hadlay warbahiinta Qaranka, ayaa sheegay inay  aad ugu faraxsan yihiin in ay la dabaldagaan Ciidamada Qaranka, taasina ay u ifneeyso hormarka dawladnimada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo La Ciiday Qaar kamid ah Bulshada ku nool Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Sodonka iyo Wadnaha.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorsheyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha XFS, ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo wax-qabadka hay’adaha dowladda, laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka.

 

Garoonka weyn US Banka Stadium ee Magaalada Minneapolis oo markii ugu horreysay Muslimiintu ku dukadaan Salaadda Ciidul-adxaa.

0

Minneopolis (SNTV)–Garoonka weyn US Banka Stadium  ee dhaca bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo ay Somalidu u badan tahay ayaa taariikhda Markii ugu horraysay Muslimiinta Ku nool Gobolka Gudaha garoonka ku oogay Salaadd Ciidul Adxa.

Muslimiinta Gobolka Minnesota ee soo xaadiray oo koox koox u galiyey Gudaha garoonka ayaa lagu qiyaasay 25 kun,iyagoo dhammaan wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo rayn rayn.

Qaar ka mid ah Culumada Masaajidada Gobolka Minnesota ayaa wakhti badan galiyey in ay kulmiyaan inta badan Muslimiinta Gobolka Minnesota,isla markaas-na hal goob lagu wada tukado ,iyagoo sheegay in ay dirayaan fariin ku socota kuwa ku bahoobay Muslim nacaybka.

Xoghaya Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Magaalada Washington Mudane Cabdirahmaan Bashiir ayaa soo gaarsiiyey dhabmbaal  Salaan ah uu ka  siday Madaxda Soomaaliyeed,wuxuuna ugu baaqay Soomaalda gobolkaan in ay gacmaha isma qabsadaan.

Xildhibaanadda Aqalka Wakiilada ee Gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka Ilhaan Cumar iyo Gudoomiyaha Degmada lixaad ee Magaalada Minneapolis  Mudane Cabdi Warsame oo la hadlay warbaahinta qaranka,ayaa ku tilmaamay in ay meel kuwada tukadaan dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida  guul u soo hoyatay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka uga soo warama Minnesota ee Dalka Maraykanka Cabdixakiim Cabdi Ismaciil ayaa sheegay in goobtaasi lagu oogay Salaadda Ciidul-adxaa ay aheyd mid ay ka muuqatay rayrayn iyo farxad aan la soo koobi karin waayo waxay aheyd markii ugu horreysay ay Muslimiinta Magaalada ku nool ku wada dukadaan hal meel, taasoo muujineysa isku duubnaanta Muslimiinta.

Mareykanka oo xubno sare ka dilay Al-shabaab

0

Taliska ciidammada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay dileen laba xubnood oo muhiim u ahaa Al-shababaab kaddib duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

War laga soo saaray taliska ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar la qorsheeyey ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka meel 44km duleedka bari ka xigta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Weerarka waxa uu bartilmaameedsanayey laga horjeegeyaal sare ka ahaa Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, waxaan ku guuleysannahay in labadaa xubnood ay dhintaan, isla markaana la waxyeelleeyo malleeshiyaad badan oo ku sugnaa goobta ay duqeynta ka dhacdey” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska AFRICOM.

AFRICOM ma sheegin magacyada labada  horjooge ee ay ka dileen Al-shabaab,  ciidammada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaa wadajir isaga kaashada weerarrada gaarka ah ee lagu dilo horjoogeyaasha sare ee Argagixsada Al-shabaab.

Dhammaadkii Bishii June  ciidammada Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay  dilaan horjoogeyaal halka kuwa kalena ay dhaawac culus gaarsiiyeen, kaddib markii ay qaadeen howlgal loogu magac daray Howlgalka Haddiyadda Xorriyadda.

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay janaasada askari ku shahiiday howlgallada ciidanka ee ka socda Shabeelada Hoose

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay janaasada Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Macalin Ibraahim.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna ku shahiiday howlgal ciidanku ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan degmada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey shahiidkan in uu abaalkiisa ka yeelo jannada, qoyskiisa, iyo Dowladda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku booqday hooygooda magaalada Muqdisho, waalidiinta uu ka tagay Alle ha u naxariistee shahiid Cabdullaahi Macalin Ibraahim.

Madaxweyne Waare oo la dukaday bulshada Jowhar

0

Jowhar(SNTV):–Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa saaka subaxnimadii  La tukaday salaada ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan caasimada Dawladda Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.

Salaada Ciida ayaa lagu dukaday Masaajidka Carabta Xaafadda Horseed Ee Magaalada Jowhar, waxaana Madaxweynaha ku wehlinayay Gudashada Waajibaadka Salaada  Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Guddomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre iyo kuxigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Hirshabelle saraakiisha ciidamada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Magaalada Caasimada Ah Ee Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare  ayaa Salaada Kaddib Hadal kooban uu jeediyay Ugu hanbalyeeyay ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Hirshabelle meelkastay joogaan munaasibada ciidul adxaa darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Hirshabelle ka jirto nabad gelyo loona baahanyahay in la iska kaashado xoojinta Dowladnimada, waxaana uu ku dheeraaday ka sheekeynta ficilada guracan ee kooxda Dhagarta badan ee Al Shabaab.

“ Waxaan rabaa in aan hambalyada ciida u diro shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Hirshabelle farxad iyo wanaag ku ciida, waxaan Iyana si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidamada qalabka sida ee qaar ay dhufaysyada ugu jiraan in ay naga difaaacaan cadowga shar wadayaasha Al shabaab i, si gaar ah Ayaan ugu mahadcelinayaa si gaar ah ayaan ugu hambalyeynayaa iyaga xaasaskooda iyo caruurtooda.

Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa hambalyo u diray Ciidamada Jibuuti ee Hiil Walaal kuwaa oo naftooda u huraya Umadda Soomaaliyeed islamarkaana ka howlgala Deegaannada Hirshabelle, waxaana uu ka sheekeeyay doorka walaalitinimada Leh ee Walaalaha Jibuuti hambalyo Reer Jibuuti Hambalyo Ciidamada Hiil Walaal Ayuu Hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha oo farxadda ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho, August 21, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS.

Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka kaga sifeeyeen kooxaha argagixisada ah deegaanno hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

DHAMMAAD

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in munaasabadda ciidda farxadda la deeqsiiyo dadka danyarta ah

0

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciiddul Carafa u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in ay istaakuleyaan bulshada Gobolka, si maalmaha Ciidda Carafa looga farxiyo dadka danyarta ah ee ku nool Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in barakacayaal gaaraya 500,000 oo qof ay ku suganyihiin xerayaha barakacayaasha ee ku yaalla caasimadda, qoysaskaasna aysan awoodin farxad gelinta ubadkooda, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la garab istaago.

“Diinta Islaamku muhiimadda gaar ah ayey siisay taakuleynta dadka danyarta ah, gaar ahaan maalmaha ciidaha, sidaas darteed waa in aynu dhammaanteen ka shaqeynaa sidii aan u farxad gelin lahayn dadkeenna danyarta ah.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo ilaaliyo habsami u socodka howlgallada joogtada ah ee ciidamadu ay ku xaqiijinayaan amniga Gobolka.