Home Blog Page 1154

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Agoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Suudaan

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya.

Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga

0

Muqdisho(SNTV)–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Emmanuella Claudia Del-Re oo booqasho ku timid Muqdisho.

Kulanka Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiir ku Xigeenka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dib-u-soo celinta bilicdii Caasimadda iyo fulinta mashaariic waxtar leh oo bulshada Caasimadda shaqo abuur ka helayaan.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey horumarrada kala duwan ee uu ku tallaabsaday Gobolka Banaadir, dadaallada dib u soo kabashada Caasimadda, caqabadaha jira ee la xiriira dhanka amniga iyo hiigsiga Maamulka ee ku qotama dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir ku xigeenka Talyaaniga ayaa ka qeybgashay Bandhiga lagu muujinayey hodantinimada hab-dhismeedka magaaleed ee Muqdisho oo lagu soo bandhigay sawiradii hore ee caasimada tan iyo 1891dii oo dadweynihii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen, kuwaas oo isagu jirey Wasiiro, Xildhibaano labada gole, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhankeeda, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Emmanuel Claudio Del-Re ayaa ku bogaadisey maamulka Gobolka Banaadir qorsheyaashooda horumarineed iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan, waxa ayna tilmaamtay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan horumarka, amniga iyo bilicda Caasimadda.

Wasiirka Maaliyadda oo faah faahiyey Wajiga Sadexaad ee Shuruudaha Deyn Cafinta Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Shirka Jaraa’id ee billaha ah ee wasiirk Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu xafiiskiisa ugu qabtay warbaahinta, waxa uu ku sheegay inta badan Wajiga sadaxaad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya ku xernaa oo ah 18 qodob ay ka gudubtay Dowladda Soomaaliya, waxaana shuruudahaasi bud dhig u ah  kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda.

Sanadka cusub ee 2019 ayuu Wasiirku ku tilmaamay sanadkii caalamka uu go’aan ka qaadan lahaa cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto yabooh kale oo lacageed oo lagu abaalmarinayo sida ay ugu soo gudubtay sharuudaha deyn cafinta, waxaana uu soo jeediyey in wadajir loogu istaago sidii loogu guuleysan lahaa dadaalka Deyn cafinta.

40-Dal oo Afrikaan ah ayaa galay nidaamka deyn cafinta caalamiga oo ay hogaaminayaan Hay’adda lacagta iyo Bangiga Aduunka, waxaa ku haray 3 dal oo ay ku jirto Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda.

Toban Diblomaasi Soomaali ah oo tababar Diblomaasiyadeed uga furmay Magaalada Doha

0

Doha (SNTV) Toban Diblomaasi Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku tababaranaya Machadka Diblomaasiyadda Qatar, iyadoo tababarku uu u bilowday shalay oo Axad ah

Waxaa loogu talo galay Tababarkan ay ka qeyb galayaan Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in uu socdo muddo shan cisho ah.

Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo ka qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha.

10dacembar oo ku asteeysan maalinta caalamigah ee la xuso xuquuqda aadanaha

0

Xuska maalinta caalamigah ee xuquuqda aadanah  ayaa ah mid loogu wacyi galinayo bulshada ilaalinta  iyo dhowrista  xuquuqda aadanah iyo in la joojiyo  xadgudubayada ka dhanka ah Aadanaha,soomaaliya ayaa qayb ka ah golaha Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha.

Sanadki 1948 ayeey aheyd marki shirki golaha guud ee qaramada midobaay  la isku  raacay in 10dacembar ayaa tahay maalinta caalmaiga ee dhowrida xuquuda aadanaha, madaama loo asteeyay wasaarada haweenka iyo hormarinta xuquuqda aadanaha  ee soomaaliya ayaa xusta sanad wilba 10 dacembar  ahmiyadda ay ledahay maalinta caalamiga ee  xuquuqda aadanaha.

”dhanka kale waxaa inta badan bulshada aysan ku baraarug saneyn dhibtada uu leyahay gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha kasoo dhibto ku ahaya gabdhaha ku dhaqan dhulka miyiga ah  ee gobolada dalka qaybo ka mid ,inkasto wacyi galin ay sameyaan  dadka u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha hadan kuma wadda filan waxaa sidasi qabta” Ifraax Axmed oo ah guddoomiyaha hay,adda Ifraax foundation sido kale kulan ay yeesheen  ra’iisul wasaare ku xigeenka  dalka Filand H.E Mr Samuli Virtanen iyo madaxa hay’adda UNDP u qaabilsan soomaaliya Mr george Conway  ayaa waxay kawada hadleen arrimaho ku saabsan xuquuqda aadanaha soomaaliya iyo sidii loo joojin laha xadgudubayada ka dhacah soomaaliya ee loo geysto dadka uu nugul wax yeelada.

Diblomaasiyiin ka tirsan wasaaradda  Arrimaha Dibadda soomaaliya oo tababar uga furmay dalka Qatar

0

Toban Diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa tababar uga furamay dalka qatar ,tababarkan  ayaa waxaa sare loogu qadayay aqoonta Diblomaasiyinta ka hawl gala wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha Diblomaasiyiinta soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan ka qabsoomi doona Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka uga mahad celiyay wada shaqeynta dhow ee ay leeyihiin iyo sida ay uga go’antahay horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo faray Guddiga Maaliyadda Golaha in ay Shaqadooda sii wataan

0

Muqdisho (SNTV):-Guddoomiya Golaha Shacabka BFS mudane Maxamed Mursal sheekh C/raxmaam ayaa faray Guddiga Maaliyada, Miisaaniyada, Qorsheynta Iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowlada in ay Shaqadooda sii Wataan,islamarkaana in guddiga si dhaqsi leh u soo dhameystiraan Xisaab xirka 2017 iyo Miisaaniyadda 2019 kohor inta uu san dhamaan sanadka 2018.

Halkan Hoose ka Akhriso go’aanka Guddoomiyaha

Dekadda Muqdisho oo qalab casri ah oo lagu horumarinayo lagu soo kordhiyay

0

Muqdisho (SNTV):- Shirkada Albeyrak ee Gacanta ku heysa Maamulka dekadda Muqdisho  ayaa soo bandhigtay qalab casri ah, kaasi oo waxbadan ka tari doona socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee xamuulka sida ee ku soo xirta Dekadda magaalada Muqdisho.

Munaasabadan kooban oo lagu soo bandhigayay qalabkan cusub ayaa wax goob joog ka ahaa Wasiirka Dekadaha  iyo Gaadiidka  Badda, Wasiir ku- xigeenka Wasaaraddaasi iyo Maamulka shirkadda  Albeyrak.

Maareeyaha shirkada Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay in qalabkaan  uu wax badan ka tari doono howlaha shaqo ee ka socda Dekadda, islamarkaan maraakiibta waaweyn ee sida Xamuulka ay ku soo xiran kaaran.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka  Badda Maryan Awey Jaamac ayaa kaga mahad celisay Maamulka Shirkada Albeyrak horumarinta ay ka wadaan dekadda Muqdisho,islamarkaan qalabkaan lagu horumarinyo howlaha Dekada.

Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalad  Dubai  waxaan ka howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh  socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta waxbarashada dalka, waxaana wafdigan hoggaamineyay guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda Afrika Dr. Muuse.

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan, wafdigan waxaa hoggaaminayay  guddoomiye ku-xigeeynka jaamacadda Dr Muuse, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah  xoojinta xiriirka naga dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada”ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.

Xubnahan ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan  ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan, ay ka go’an tahay waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Suudaan ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay  horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiiinta.