Home Blog Page 1152

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Diiwaangeliyay xisbiyo cusub

0

Muqdisho(SNTV):–Munaasabad ka dhacday maanta xarunta Guddiga Doorashada ayaa 7 xisbi siyaasadeed shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah lagu guddoonsiiyay.

Xisbiyadan oo soo buuxiyey shuruudaha diiwaan gelinta KMG ah ee ku cad xeerarka iyo hab-raacyada diiwaan gelinta xisbiyada Siyaasadda ayaa waxay ku biirayaan 15 xisbi oo horay loo diiwaan geliyay.

Xisbiyada maanta sida KMG ah loo diiwaa geliyay ayaa kala ah:-

1.  Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
2.  Xisbiga Xorriyadda Soomaaliyeed
3.  Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
4.  Xisbiga Midnimo Qaran
5.  Xisbiga Dalka iyo Dadka
6.  Xisbiga Isbaheysiga Isbedeldoonka Soomaaliyeed ee XIIS
7.  Xisbiga Ileys

Argagixisada Al-shabaab oo dhaca iyo boob kageystay degmada Xarardheere

0

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay dhaceen ilaa iyo shan Gaari oo xamuul ah iyagoo xiligaasi waday Badeeco ay gayn lahaayeen magaaladaasi.

Dadka deegaanka oo lahadalay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in sidoo kale Maleeshiyadaan ay Qafaasheen dadkii saarnaa Gawaaridaan.

Ilaa iyo haatan lama oga halka ay la aadeen Gawaarigaasi, hantida ay wadeen iyo Dadkii saarnaa intaba, sida ay ku waramayaan dadka ku sugan Xarardheere.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa horay ugu amray dadka ku nool magaalada Xarardheere inay keenaan Catuurtooda si loogu adeegsado dagaalada lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed, laakiin markii ay diideen arrintaasi ayaa Maleeshiyadaan waxay labo jibaareen dhaca iyo boobka ay u gaysanayaan shacabka.

Sida lagu yaqaano Dhaqanka Argagixisada markasta iyagoo ku ganbanaya magaca Diinta islmaanka ayay dhac iyo boob u gaystaan dadka Muslimiinta ah, halka sidoo kale banaysta dhiiga dadka islaamka ah.

Dad lagu toogtay Magaaladda Florida ee dalka Mareykanka

0

Booliska dalka Mareykanka waxaa ay shegeen in nin ka qeyb-galayay tartanka ciyaaraha Komputarka ee magaalada Jacksonville ee gobolka Florida uu toogtay labo qof, afar iyo toban kale uu dhaawacay.

ninka looga shakisan yahay in u ka danbeyay weerarka ayaa lagu soo warmaya in u  dhintay waxaanna magaciisa lagu sheegay David Katz.

Toogashada ayaa ka dhacday dhismo caan ku ah madadaallada oo ku yaal jiinka webi mara bartamaha magaalada Jacksonville.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ka carooday qaabka ay u socotay ciyaar video ah oo computerka lagu dheelo.

Toogashada ayaa dhacday xilli internet-ka toos looga daawanayay daamaashaad meesha ka socday, waxaana la maqlayay rasaasta iyo dad qeylinaya.

Duqa magaalada Jacksonville, Lenny Curry, ayaa toogashada ka dib warbaahinta u sheegay in magaalada ay la murugooneyso toogashada dhacday.

Weerarro badan o noocaan ah ayaa sanadihii dambe ka dhacay gobolka Florida.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii wiil 19 jir ah uu rasaas ku furay iskuul uu dhigan jiray oo ku yaal magaalada Parkland, halkaasi oo uu ku dilay 17 arday iyo qof shaqaale ka ahaa iskuulka.

Ciyaaraha degmooyinka Galmudug oo furmay

0

Gaalkacyo (SNTV)-Daahfurka Ciyaaraha Degmooyinka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug waxaana ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo,kan Gobalka Mudug iyo Guddoomiyaasha Cadaado,Balanbale, Cabudwaaq iyo Hobyo ayaa kamid ahaa Madaxda ka qeyb gashay furitaanka Ciyaaraa degmooyinka Galmudug.

Tartankaan u dhaxeeya Degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug oo  si rasmi ah kaga furmay Xaruunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa daahfuray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Galmudug Abshir shiikhoow isagoona dhinacyadiisa ay joogeen Maayarka magaalada Gaalkacyo mudane Xirsi Yuusuf Bare iyo masuuliyiin kale.

Ciyaarta Galabta ka dhacday Garoonka ku badda Cagta ee loogu magac daray Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamed aya waxaa foodda is  daray Degmooyinka Balanbale iyo Gaalkacyo oo koobka marti galisay.

Kulan Ciyaareedka xiisaha badnaa ee Galabta dhexmaray Ciyaardooyd Balanbale iyo Cabudwaaq ayaa ku soo dhamaaday 2 iyo 2

Tartanka oo ah mid xiiso gooniya leh ayaa Maalinka Berrita  waxaa isku arki doono Degmooyinka Hobyo iyo Cadaado oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Shir Arrimaha Socdaalka ku saabsan oo Muqdisho ka furmay

0

Muqdisho(SNTV): – Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo wada shaqeynta hey’addaha ka howlgala albaabada Dalka laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha.

Shirka oo furitaankiisa goob joog ay ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu muhiimsan ee lagu adkeyn karo xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya dhammaan hey’adaha ka howlgala meelaha wadanka laga soo galo.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in u jeedka kulanka ay tahay helitaanka iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan laamaha howshoodu tahay albaabada dalka  laga soo galo ama looga baxo.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya, sareeyo gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga, Mudane Maxamuud Maxamed Boonow iyo mas’uuliyiin kale.

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Adeegyada Bulshada

0

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horaysay oo loo xiray Darajada Sarreeye Guuto

0

Muqdisho(SNTV): — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo.

“Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

“Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka oo kormeer shaqo ku tagay Cisbitaalka Xoogga dalka

0

Muqdisho(SNTV);- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay wuxuu kormeer ku tagay Cisbitaalka Xoogga Dalka,isagoona u kuur-galayay xaaladda iyo habsami usocodka Howlaha Cisbitaalka.

Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, iyadoo ay ka socdeen shaqo Maalmeedka caadiga ah.

Dr. Mahad Cabdullaahi Nuur, Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee cisbitaalka xoogga ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira cisbitaalka,wuxuuna carabka ku dhuftay iney jiraan baahiyo kala duwan loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa sheegay in la dhisi doono Cisbitaalka weyn ee ciidamada xoogga, islamarkaan dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn doono shaqo abuur, taasi oo qeyb ka mid ah taliska dhiira gelin ugu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay.

Dhinaca kale, Taliye Indha-Qarshe waxa kale uu kormeer ku tagay Villa Baydhabo, Qeybta saadka ee ciidanka xoogga dalka, waxaana Salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka,wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaha Hogaanka Saadka Ciidanka Xooga dalka sareeyo Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen.

Ugu dabeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilimi ayaa ku dhiiri galiyay Hogaanka Saadka in uu sii laba jibaaro shaqada si loo gaaro isku filnaasho.

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Cadaado

0

Cadaado(SNTV);-Wasaaradda arrimaha dastuuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ka furay tababarka tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dastuurka.

Tababrkaan oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa labada maalin ee ugu horraysa waxaa ka faa’iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug halka labada maalin ee ku xigtana la tababari doono qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubayr oo kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad guud ka bixiyay ujeedada laga leeyahay tababrkaan iyo waxa laga doonayo dadka ka faaidayta tababarkaan.

“tababrka tababarayaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha ujeedadiisu waxa ay tahay in dadka la tababro ay sii tababaraan dadka kale ee ku nool deeganda hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug si loo daadejiyo arriamaha dastuurka islamarkaana qof kasta oo Soomaali ah uu wax uga ogaado arrimaha dastuurka iyo halka ay marayso dib-u-eegistiisa”
Ayuu yiri agaasime Zubayr.

“Maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta oo Soomaali ah uu aragti ku yeesho dib-u-eegista dastuurka, si qof kasta oo muwaadin ah uu u dareemo lahaansho” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha.

Agaasimaha ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha tababrkan in ay si wanaagsan uga qayb qaataan islamarkaana ay soo bandhigaan su’aalaha ka dhex guuxaya ee ku saabsan dastuurka si ay u helaan jawaabo wanaagsan uguna sii gudbiyaan dadka kale ee ku nool deegaanda hoos yimaada Dowladda Gamudug.

Gabagabadii waxaa kulanka si rasmi ah u furay wasiirka dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug mudane Mohamed Olaad waxa uuna sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’antahay daadejinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaga si qof kasta oo ku nool deeganda galmudug uu fahmo muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Macalimiin tababar ugu soo xirtay Muqdisho

Muqdisho(SNTV);- Xarunta jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 Macallim oo wax ka dhigi doona dugsiyo ku yaala Gobolka Banaadir.

Tababarkan loo qabtay 100-kan macallim ayaa socday muddo 12 maalmood ah, waxaana mushaarka macalimiintan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona tababarkan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabadda lagu soo gaba gabeynayay tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliin Sare Soomaaliya Xassan Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka.

Macalimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Madaxa tababarka macalimiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Cismaan oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmay macalimiinta  inay ka soo dhalaalaan howsha loo xil saaray.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa  sheegay in wasaaradda  ay ku kalsoontahay macalimiintan islamarkana looga fadhiyo inay ka soo baxaan howsha hortaala.

“Sidaad la socotan dhaqatar waxaa soo saara macalin, injineer waxaa soo saara macalin, siyaasi waxaa soo saara macalin, marka hadii tayada macalinka la hagaajin, intaas oo dhan ma soo baxayaan, hadda waxaa idin soo gaba gaboobay tababarkii 12-ka malmood idin socday, waxaa la idin tababaray manhajka cusub, manhajka annaga ayaa qornay faa’ido badan ayuuna u lee yahay bulshada Soomaaliyeed, wasaaradda rajo badan ayay idinka leedahay, taasoo micnaheedu yahay inaad ka dhabeyn doontaan howsha la idin igmaday” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Xassan Maxamed Cali.

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.