Home Blog Page 1152

Saraakiil ka tirsan CXDS oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad oo dib u dayactir lagu sameynayo

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxa Hoggaanka howl-gelinta Taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer Indho-indheen ah ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee Jaalle Siyaad, Halkaasi oo Fariisin Ciidan u ah Ciidamada AMISOM.

Ciidanka AMISOM ayaa dhawaan ka bixi doona  Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana Saraakiisha maanta kormeeray Xaruntaasi ay AMISOM kala hadleen siddii  loo dejin lahaa qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta ah ay uga bixi lahaayeen Kuliyadda.

Saraakiisha ka socda Ciidanka Xoogga ee uu hoggaaminayey Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad kulan kula qaatay Madaxa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.

Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Maxamed Sheikh Madoobe oo idaacadda Codka Ciidamada la hadlay ayaa sheegay in Wakiilka  Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ay kala hadleen siddii Ciidamada AMISOM ay uga bixi lahaayeen Kuliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, si dib u dayactir loogu sameeyo.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya , Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in Horraanta Sanadka soo socda ee 2019 ay ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Amniga Xaruntaasi ay ku wareejinayaan Ciidanka Xoogga dalka, si dib loogu soo celiyo howlahii muhiimka ahaa ee xaruntaasi ay qaban jirtay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in dib u dayactir lagu sameeyo Xarumaha danta guud ah ee ku burburay Colaadihii dalka ka dhacay.

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay Xarigga Muqtaar Roobow

Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlay Xarigga Muqtaar Roobow oo soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa u qornaa sida tan.

War-saxafadeedka oo noqol kamid ah soo gaaray SONNA ayaa sidan u qornaa

Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen;

  • In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed.
  • In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah.

Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada.

Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed.

Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Kormeeray Garoonka Diyaarada Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kormeeray shaqooyinka ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha XFS oo ay wehliyaan wasiirka duulista hawada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xog-waraystay howlwadeennada garoonka.

Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku ammaanay wasaaradda duulista hawada sida ay horumarinta ugu samaysay adeegyada bulshada safarka ah u fududeynaya socdaalkooda, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan.

Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan oo shaqeeya habeen iyo maalin ayaa waxaa xilligaan ka muuqda horumar dhinac waliba ah, waxa uuna wasiir Oomaar ballan qaaday in ay joogtaynayaan horumarinta garoonka iyo guud ahaan arrimaha duulista guud ahaan dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki

0

Muqdisho(SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Soodhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Ereteriya waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha JFS oo dhiggiisa Eretrea kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)- Madaxweynaha Dalka Eretrea, Issias Efowerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne, Efowerki, iyo wafdigiisa oo hadda salaam sharaf ka qaadanaya Cutubyo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qaybta Baambayda, ayaa lagu wadaa in loo soo gudbiyo Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda ugu sarreysa Dalka.

Waa booqasho Taariikhi ah, taasoo ah middii ugu horreysay ee Madaxweyne ka socda Dalka Eretrea uu ku yimmaaddo Dalka Soomaaliya, waxanay tallaabbadani qayb ka tahay dedaallada is-dhex galka siyaasadeed iyo tan Bulsho ee waddamada Geeska Afrika.

Kusimaha R/wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo ka warbixiyay wax qabadka Xukuumadda

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay wax qabadka xukuumadda intii Sanadahihii lasoo dhaafay.

Mudane, Khadar oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay howlaha xukuumaddu ay u qaybiyeen Afar waaxood oo waaweyn oo ah Tubaha ay ku shaqaynayaan Wasaaradaha .

Tubaha ay xukuumaddu jeexday ee ay Wasaaraduhu ku shaqaynayaan ayaa R/W ku xigeenku ka xusay, siyaasadda loo dhan yahayn, oo lagaga hadlaya dib u habaynta Dastuurka, nidaamka federaalka , in laga heshiiyo Kheyraadka, sida Kalluumeysiga iyo Batroolka, shuruucda xuquuqul Insaanka, doorashooyinka 2021-ka, diiwaan gelinta Jinsiyadda IWM.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa ka hadlay heshiisyada laga gaaray Kheyraadka Dalka, wuxuuna sheegay in la daahfuray diiwaan gelinta Leysinka Tuunnaha, isagoo  tusaale usoo qaatay heshiiskii lala galay Shiinaha , wuxuuna xusay inay jiraan Waddamo kale oo danaynaya sida Talyaaniga,qaar ka mid ah Dalalka  reer Yurub iyo Waddamada kale ee Caalamka.

Mudane, Mahdi ,ayaa sheegay in horumar weyn laga gaaray dhinaca dhaqaalaha, isagoo ammaanay doorkii ay ka qaateen kobcinta dakhliga , Wasaaradaha Boostada iyo Is-gaarsiinta, Maaliyadda, Kalluumeysiga, Duulista Hawada, Dekedaha, Howlaha guud.

Ra’aysul Wasaare ku xigeenka, ayaa sheegay in arrimaha Bulshada laga gaaray horumar ballaaran, wuxuuna tusaale u soo qaatay mideynta Manaahijta ee wax-barashada Soomaaliya, dib u habaynta Caafimaadka, dib u diiwaan gelinta shaqaalaha Dowladda iyo adkaynta ammaanka Dalka.

Siyaasadda arrimaha dibedda ayuu sheegay in laga gaaray horumar wax ku ool ah, wuxuuna si gaar ah Farta ugu fiiqay R/wasaare ku xigeenku shirkii uu Madaxweynuhu kaga qayb galay Brussels iyo wada hadalladii is afgaradka ahaa ee uu lasoo galay Waddamada Geeska, si loo adkeeyo ammaanka Dalalka Gobolka, taas oo ay Soomaaliyana fursad ugu heleyso in ay dib usoo kabato.

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey Ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada Ah.

0

Muqdisho (SNTV)- Diseembar 12, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah.

Madaxweyanaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Sharcigaan waxa uu saldhig u yahay xaqiijinta xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay kaalinteeda hoggaamineed ka qaadato hirgelinta Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah iyo dardar gelinta qorsheyaasha ku qotoma xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka naafada ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ugu baaqay Golaha Aqalka Sare in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga Dhismaha Hey’addan oo ay horey u soo gudbisay Xukuumaddu, ayna ansixiyeen Golaha Shacabka.

Madaxweyne Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhiyeen tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Booqasho rasmi ah ku gaaray Dalka Qatar “Sawirro”

0

Dooxa (SNTV)- Arbaco, Deseembar 12, 2018 –
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Qatar oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo heshiis lagu horumarinayo Beeraha Soomaaliya la saxiixatay Dawladda Talyaaniga iyo Hay’adda FAO “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa maanta heshiis ku wada saxiixday Magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo waraabka.

Heshiiska ayaa Waxaa qeyb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho,hirgelinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka(Meodern Irrigation Technology) ,Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Dawladda Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyaddoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed.

Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hay’adda  FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha.

Waxaa munaasabada kasoo qayb galay Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xiggeenka Beeraha Mudane Xaamul Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane Maxamuud Maxamed.

 

Qiimaynta cunnada la cuno oo dood laga yeeshay-(Sawirro)

0

Muqdisho-(SNTV)-Barnamijka dar-dar gelinta Cunada la cuno ee caafimadka iyo korimaha leh ee Soomaaliya( Scaling up Nutrition, SUN) ayaa todobaadkan ku qabtay doodo la xiriira ‘Qiimaynta Cunnada la cuno ee la heli karo’ magaalada Muqdisho.

Barnamijikan wadatashiga iyo doodaha ku saabsan qiimaynta cunnada la cuno ayaa looga gol leeyahay sidii dalka uu uga caawin lahaa in loo sameeyo siyaasado iyo mashaariic ka dhan nafaqo darida.

U qaybsanaha Barnamijikan ee Soomaliya, Dr. Maxamed Cabdi Farax ayaa sheegay in doodahan looga tashanayo mawduucan ay ku qabteen Axadii 9-ka, iyo Isniinta, 10-bishan December 2018, wuxuuna sheegay in lagu ogaanayo cunada siyaabaha badan loo quutu meelaha lagu nool yahay ee laga isticmaalo iyo sida ay u yihiin kuwa nafaqo leh caafimaad ahaa, loona awaadi karo marka ay noqoto iibkooda.

” Si loo fuliyo qiimayn rasmi ah oo cunada la cuno ah sanadka 2019-ka, Waxa aanu hadda sameynaynaa qiimayn horu dhac ah oo wakhti gaaban socota, Waxaana maalinta koowaad uu ka dhacay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, waxaana ka qayb galey dadka ay khuseysa oo ay ku jiraan agaasimeyaasha guud ee Wasaaaradaha dawladda”, Dr. Maxamed ayaa yiri.

Dooda oo ku qotantay xogaha la heli karo, isku haleyntooda, ilaha muhimka ee laga helo iyo sida dawladdu u qaadaneyso xogta ‘gacanta labaad ah(Secondary data), ayaa waxana ay si wadajir ah u diideen isticmaalka xogta ama macluumaadka gacanta labaad ah.

” Xogaha ay uruuriyaan hay’adaha aan dawliga ahayn waxaa ku jira jan-jeer(eex) maadaama hadafkoodu yahay in ay maal-gelin uga helaan deeq-bixiye-yaasha. Xogta noocan ah looma qaadan karo tusaale”, Sidaa waxaa tiri Madaxa Cunada Wasaarada Caafimadka Dawladda Soomaaliya, Marwa Kheyriya.

Iyadoo maalinta labaadna, hooyooyin iyo ganacsato laga soo xulay qaybaha kala duwan ee degmooyinka gobalka Benaadir ay ka qayb-galeen, waxaana sidoo kale doodahan oo kale lagu qabtay magaalooyinka Baydhaba iyo Beledweyne ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Barnamijkan ayaa ah diyaar garow qiimayn lagu go’aaminayo halka uu dalka ka jooga in si buuxda loo fuliyo qiimaynta cunnada la isticmaalo iyo waxyaabaha loo baahan yahay ee ay tahay in qayb ka noqdaan sida uu ku soo waramay Wariyaha SONNA, Maxamed Cismaan oo isaga ka qayb galay.

W/D Mohamed Osman Abdi (Black)