Muqdisho (SNTV)Β Raβiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Danjiraha dawladda Turkigu usoo magacaawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz.
Raβiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta xoojinta xariirka walaaltinnimo ee Turkiga iyo Soomaaliya.
βWaxa aan ku faraxsanahay in aan maanta soo dhaweeyo safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, oo ah rug-cadda horumarineed iyo Saaxiib Soomaaliyeed. Waxa aan rajaynayaa in uu sii amba qaado cusubka iskaashiga labada dawladood.β ayuu yiri raβiisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Danjire Mehmet Yilmaz ayaa raβiisul wasaare Khayre uga mahadceliyay soo dhawaynta wanaagsan, waxa uuna ballan qaaday in uu ka shaqaynayo danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka ah.
Safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya oo bedelay safiirkii hore Amb. Olgan Bakar, ayaa madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxmed (Farmaajo waxa uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.



