Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS oo daahfurtay shir wdatashi ah oo ku saabsan hormarinta beeraleyda Soomaaliyed “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wadatashiga iyo horumarinta siyaasadda guud ee iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyed ayuu ku saabsanaa shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka isla markaana ay ka qeyb galeyn Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud ee Wasaarada , xubno ka socday iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed iyo qaar kamida ardayda wax ka barata kuliyadda Beeraha ee jaamacada Umadda Soomaaliyeed.

Shirka ayaa la isku weedaarsaday talooyin ku saabsan Horumarinta beeraha , kordhinta wax soo saarka iyo sidii loo laba jibaari lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa iskaashatooyinka iyo Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa sheegay sababta shirkan loo qabtay in ay tahay in la sameeyo nidaamkii lagu shaqeyn lahaa iyo sidii la isku weedaarsan lahaa talooyin ku saabsan horumarinta wax soo saarka dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Xaamud XFS Mudane  Cali Xasan oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ay wasaaradu ka go’antahay balaarinta Iskaashatooyinka beeraleyda Soomaaliyeed oo qiimo weyn dalka ugu fadhiya.

Qaar kamida iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan oo ay ku tilmaameen inuu sal dhig u noqon doona horumarinta iyo wax soo saarka Beeraleyda soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...