Wasiirka Beyle : Sanadka cusub waxaan rajo ka qabnaa in deynta nalaga cafiyo

Date:

Muqdisho-(SNTV-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta marti ku ahaa barnaamijka kulanka todabaadka ee kaba Warbaahinta Qaranka ayaa ka war-bixiyay Barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya.

Barnaamijka deyn cafiska ayuu sheegay wasiirku inuu yahay qorshe loogu tala galay in lagu caawiyo Waddamada aan qaanta bixin karin oo u badan Afrika, kuwaas oo ay Soomaaliyana qayb ka tahay, wuxuuna xusay inay dedaallo xooggan ugu jiraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen, maaddaama ay Dowladdu kasoo baxday shuruudihii ku hor gudbanaa deyn cafisku, Bankiga Adduunka iyo IMF-tuna ay aamineen.

Wasiir C/raxmaan Beyle, ayaa sheegay in Waddanka deynta lagu leeyahay  aan mid kale loo oggolayn, maalgelinna uusan heleyn, isagoo xusay in markii ugu horreysay ee la dejiyay Tubta deyn cafiska Caalamka 1996-kii, iyo wixii ka dambeeyay ammaah la siiyay  40 Waddan oo Afrikaan ah, iyadoo ay  imminka wax lagu leeyahay oo qura Dalalka Soomaaliya, Eretrea iyo Suudaan , halka inta kalena ay horumarro la taaban karo gaareen.

Mudane, Beyle , ayaa sheegay in Imtixaanka laga qaadayay Soomaaliya ay qodobbadiisu ka koobnaayeen 18, balse intoodii badnayd ay kasoo baxeen, wixii ka dambeeya Bisha March ee Sanadka 2019-kana ay soo gabagabaynayaan ka dibna ay xigto in guud ahaan laga cafiyo Soomaaliya deymaha lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay Wasiirka C/raxmaan Ducaale Beyle, in deymaha lagu yeeshay Soomaaliya ay galeen Dowladihii hore, iyadoo shuruudda lagu xiray Dowladda imminka jirtana ay tahay inaad deymo kale lagu yeelan, taasina ay ka soo baxeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...