Dawladda Qatar oo Bilaabaysa dhismaha Dekadda Hobyo

Date:

Doha-(SNTV):-Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda si ay uga faa’iisaystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa bishii Jannaayo ee sannadkaan ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, waxaana horraantii bishii July qiimayn ku tegay wadfi ay hoggaaminayo wasiirka dekadaha XFS, Maryan Aways, oo ay qayb ka ahaayeen khuburo ka socoto dalka Qatar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...