Kulan-howleed ku saabsan Hannaanka Maaliyadda ee Federaalka ee la waafajinayo Dastuurka oo la soo gabagabeeyay-Sawirro

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Nagaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulan-howleed ku saabsanaa hannaanka Maaliyadda ee Federaalka oo la waafajinayo Dastuurka Dalka.Kulan howleedkan oo ku saabsanaa hannaanka Maaliyadda ee federaalka iyadoo loo eegayo dib-u-eegista Dastuurka oo muddo laba maalin ah ka socday magaalada muqdisho ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana kulankan soo wada qabanqaabiyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo heli lahaa hannaan maaliyadeed oo ku salaysan nidaamka federaalka si loogu qoro dastuurka ku meel gaarka ah ee ay dib u-Eegistu ku socoto, maadaama Hannaanka Maaliyadda ee feederaalka ku salaysan uu yahay mid ka mida waxyaabaha u baahan in wada xaajood siyaasadeed laga galo.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Dastuurka, Arrimaha
Gudaha, Petroolka, Hantidhowraha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad goboleedyada, Guddiga Farsamo ee wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka, aqoonyahanno, Rugta ganacsiga iyo xeeldheerayaal arrimaha maaliyadda; waxaa intii uu socday lagu lafa guray arrimo ay kamid yihiin Wadaagga Dakhliga, Maamulka Miisaaniyadda, Hannaanka maaliyadeed ee federaalka ku haboon Soomaaliya, qoondaynta awoodaha heer federaaal iyo heer dowladgoboleed ee maamulka dakhliga iyo maaliyadda guud.

Aqoonyahhanadii ka qayb galay kulan howleedkan ayaa ka dooday arrimo badan waxayna soo bandhigeen nuucyo badan oo ah hannaanka maaliyadeed ee ay ku dhaqmaan dowladaha federaalka ka jira adduunka waxayna ku taliyeen in Soomaaliya ay yeelato Hannaan maaliyadeed oo Federaal ah ku haboon Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka Soo xiray ayaa Sheegay in heshiis syaasadeed laga gaari doono arrinta ku saabsan Hannaanka Maaliyadeed ee federaalka ku haboon Soomaaliya balse hadda ay sii diyaarinayaan talooyinkooda ku aadan arrintaas isla markaana la horgayn doono golaha amniga qaranka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan.

โ€œWaxaan isla falanqaynay sidii hannaan maaliyadeed Federal ah oo ku haboon Soomaaliya loo heli lahaa, waxaad soo bandhigteen howl fiican muddadii labada maalin ee aan halkaan joognay, wixii ka soo baxay kulankaanna waxaan ka diyaarin doonnaa warbixin islamarkaanna waxaan horgayn doonnaa Golaha Amniga Qaranka si Heshiis-Siyaasadeed looga gaaro islamarkaana loogu qoro Dastuurkaโ€ Ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...