Home Blog Page 1144

Marwada koobaad ee dalka oo ka qeybgashay Shir looga hadlayay Cudurada AIDS-ka iyo TB-da oo ka dhacay Bijiin

0

Muqdisho September 5 (SNTV);-Shir looga hadlayay arrimo la xariira ka hortagga cudurada AIDS  iyo TB-da oo ay ka qeybgaleen Marwooyinka Madaxweynahayaasha Qaaradda Afrika ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Bijiin ee Dalka Shiinaha Dadka.

Shirkaasi oo ay martigalisay Marwada 1-aad ee Madaxweynaha China Mrs Peng liyuan, waxayna kulmisay 50 Marwooyin Madaxweyne oo Afrikaan ah, si ay si wadajir ah isaga kaashadaan ka hortagga HIV AIDS iyo TB-da ee Qaaradda Africa,

Ugu dambeeyntiina Marwooyinka shirka ka qeybgalay ayaa wada saxiixday heshiis ku saleysan in Qaaradda Afrika ay noqoto sanadka 2030-ka mid ka xorowda AIDSka iyo TBda.

Al-shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka

0

Afar sanno ayaa laga joogaa geeridii horjoogihii Al-shabaab Axmed Cabdi Aw-godane, waxaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose  1-dii September sannadkii 2014-kii kaddib markii diyaaradaha Mareykanka ay Gantaal la dhaceen deegaankaas.

Shan maalin kaddib kooxda AL-shabaab ayaa qiratay dilka hoggaamiyahoodii,  iyagoo shaaca ka qaaday in hoggaanka kooxda lagu magacabay Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Muddo kooban gudaheed waxaa soo ifbaxay habacsannaan baahsan oo dhinaca hoggaanka ah, taas oo ka dhex abuurtay Al-shabaab khilaaf adag, markii dambena  seddex saf u kala qeybiyey kooxda.

Khilaafka kooxdu waxaa dhinac socday dagaal ka imaanayey ciidammada dowladda, AMISOM iyo saaxiibbada Soomaaliya dhinaca Amniga ka caawisa, Gacanta Al-shabaab waxaa ka  baxay Dhul ama deegaanno ay horey u joogeen, aad buu u kooban yahay hadda meelaha uu  ka jiro xukunka kooxda, laakiin dhibaatada ay ummadda ku hayaan ayaa baahsan.

Ma jiro Dhaqaale toos ah oo kooxda ay ku socodsiiso gabood-falladeeda, laakiin waxa ay baadaan dadyowga Soomaaliyeed oo nooc walba isugu jira,  dhaca Al-shabaab ay geystaan waxa uu gaaray in ay baad ka qataan dadka ugu liida sida Qoysaska aan waxba heysan laakiin ku nool meelaha ay sidii kalluunkii gabbaadka ka dhigtaan.

Arrimahani waxa ay ka dhasheen hoggaan xumimada Abuu Cubeyda oo la rumeysan yahay in uu aad ul il daran yahay Cudurka Kansarka,  mar sii horreysayna looga shakiyey in kooxdu ay khaarajisay Horjoogaheedii.

Burburka hoggaanka iyo habaca taagan waxaa muujiyey kaddib markii ay kooxda isaga baxeen rag badan oo saameyn ku lahaa, halka kuwa kalena ay dowladda Soomaaliya isku soo dhiibeen.

Axmed Diiriye  horjoogaha Al-shabaab waxa ay taariikhda madoow ku xuseysaa xasuuqii mar qura ay 500 oo qof oo Birimageyda ah ku dileen Al-shabaab weerar Qarax ah 14-kii October sannadkii 2017-kii xili galab ah Isgoyskii SOOBE, waa asalka nacaybka ay u qabaan shabiga Soomaaliyeed dhacdadaas oo xanuun weli ku heysa qof walba oo Soomaali ah marka iyaga laga reebo.

Xasuuqii 14-kii October waa midkii ugu weynaa ee abid qaaradda Africa 500 oo qof lagu dilo hal daqiiqo.

Laakiin waxaa ka sii daran sunnooyinkii uu Axmed Godane uga tegay kooxda oo ah in ay sii wadaan burburinta goobaha macbadyada ah, sida masaajidda iyo Malacamadaha Qur’aanka.

Al-shabaab oo Godane  dilkiisa xuseysa ayaa weerar ku qaaday Masaajid iyo Dusgi Qur’aankii 1-dii bishaan September oo ah markii la dilay Axmed Cabdi Aw Godane.

Al-shabaab iyaga ayaa duulaan ku ah Shacbiga Soomaaliyeed, iyaga ayaa ka aargoosanaya dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa diiddan Soomaalinimada, iyaga ayaana  ku dambeyn doona dilka iyo baa’ba ay ku dabar jarayaan hadda ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Kuma filna oo keliyah in aan afka sii wadno sheegista dhibaatada Al-shabaab oo waxa ay ku soo maqan yihiin waa baadinnta dhiiggaaga haddii aad Soomaali tahay, laakiin waxa kuu furan in aad adiga dabar go’ooda ka qeyb-qaadato, sida dad badan ay haddaba yeeleen, taas oo ku badbaadisa.

W/D Feysal Muuse

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran oo sheegay in Baydhabo lagu dooran doono 2 kursi oo Golaha Sacbka ka banaan

0

Muqdisho (SNTV)- Iyadoo maalintii shalay magaalada Dhuuso-Mareeb lagu doortay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka uuna ku guuleystay C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa guddiga doorashooyinka Qaranka ee madaxa banana wuxuu sheegay in doorashada xigta ay ka dhacayso magaalada Baydhabo.

Xaliimo Ismaaciil Xaliima Yarey guddoomiyaha Gudiigaasi ayaa sheegtay in 2 kusri oo deegaan doorashadoodi ay tahay Koonfur Galbeed lagu dooran doono magaalada Baydhabo,iyadoo ku baaqday in loo diyaar garoobo arrintaasi.

Labada kusri ee bannaan ayaa kala ah Cuseen Cusmaan Xuseen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Khaliif C/llaahi duurey oo dhawaan geeriyooday,kana tirsanaa Golaha Shacabka.

“Waxaan rabaa in halkan aan uga faa’idaysano doorashada labo kusri oo ka dhacaysa magaalada Baydhabo ,waa doorashadaan midda ku xigta,mid kamid ah ergadii iyo nidaamkii waa diyaar waxaana ka codsanaynaa kursiga labaad in ay ku soo diyaariyaan  muddadada loo qabtay ee ahaa 30 bishan oo dib aan ugu dhignay hadana 6 bishan ay soo dhameystiraan,hadii ay noqon weyso looma suuro galayso in aan waqti ku darno,waxay noqonaysaa in laga gudbo ilaa markale”.ayay tiri Xaliimo Yarey.

Madaxda Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea oo 6-da bishan ku shiraya Asmara

0

Waxaa dhowaan lasoo gunaanadey shirkii FOCAC ee  ka dhacay Magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, laguna saxiixay heshiiska iskaashiga ganacsiga ee Africa-China ee looyaqaan “Road and Belt initiative”, iyo shirkii ka horreeyey ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada la saaxiibka ah looguna magacdaray “Somali Partnership Forum”, ee bishii Luuliyo lagu qabtay magaalada Brussels. Shirarkaas oo si buuxda u dhiirrigeliyay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo isku-furnaanta dhaqaalaha gobalka.

Iyadoo laga duulayo dhiiragelinta shirarka kor ku xusan, ayaa dhowaan la qaban doonaa shir saddex-geesood ah oo dhex mari doona Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhici doona magaalada Asmara ee waddanka Eritrea 6da-7da bisha September 2018ka.

Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la’isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.

Soomaaliya oo ka faa’idaysanaysa Sanduuqa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Qaaradda Afrika

0

Muqdisho September 4 (SNTV):-Waxaa si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika.

Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood.

Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.

Badi hindisayaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale.

Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho.

Sanduuqan $60 bilyan ah waxa uu ka kooban yahay $15 bilyan oo dayn bilaa dulsaar ah, $15 bilyan kale oo deeq ah, $20 bilyan oo dayn ah, iyo 5 bilyan oo lagu taageerayo badeecadaha laga soo dhoofiyo Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinging, wadahadalladii ay yeesheen ka hor intaanu dhicin shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxa ay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka.

Soomaaliya waxa ay dadaal ku bixinayaaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faa’iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah.

Musuq maasuqa waa caqabadda ugu wayn ee dawladinmada iyo horumarka

0

Muqdisho September 4 (SNTV):- Waa maxay Musuqmaasuq?:- Musuqa Luqada Ingiriiska waxa lagu yiraahdaa(corruption),Carabigana waa(fasaad) Macno ahaanna waa: sharciga oo la qaloociyo iyo wax is daba marin  noocya badan leh(transgression).dhanka kale haddii loo dhigo Musuqmasuq waa lunsasho hanti dadweeyne, wuxuuna ka dhici karaa hayadaha dowladda(Public sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private sector).

Noocyada Musuqa:- Qaybaha uu Musuq maasuqu u kala baxo iyagoo fara badan waxaan ka soo qaadanaynaa:

1-Musuqa Laaluushka,qaraabo-kiil wax isdaba marinta,

2-Musuqa Xatooyada xoolaha dadwaynaha

3-Musuqa ku takrifalka awoodda

4-Musuq maasuqa Doorashada

5-Musuqa duudsinta xaq Qof  leeyahay

6-Musuqa siinta cid kale xaq aysan lahayn

7-Musuqa sheegashada aqoon ama qibrad uusan qofku lahayn.

8-Musuqa  gudasha la’aanta waajibaad qofka loo igmaday,

9-Musuqa Qofku si qayaano ah ugu gurto miro cid kale beertay.

10- Musuqa Been abuurka

Sidee Musuqu noo Saameeyay?. Mudadii ka danbaysay burburkii dalka, Somaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah uu u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore ka gashay wadamada musuq maasuqu ragaadiyey,

Musuqa waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa haayadaha dawladda
iyadoo dad xilal lagu aaminay ay caado ka dhigtaan in ay dhunsadaan hantida dadwaynaha ee loogu talagalay in loo adeegsado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida  dhismaha waddooyinka, iskuullada iyo isbitaallada.
Dhanka kale musuqa sida wayn noo saameeyey waxa ka mid ah laaluushka  oo saamayn wayn ku yeeshay qaar ka mid ah hayadaha dowladda gaar ahaan wuxuu si aan qorsoodi lahayn u ragaadiyay hayadaha garsoorka ee dalka.

Maxaa laga dhaxlaa Musuqa?. 
Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada wuxuuna horseedaa nolol xumo isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee horumarka iyo dawladinmada

Tan iyo mudadii ka danbaysay 8dii feberuary oo ahayd markii uu dalka ka dhacay isbadalkii maamul ee  shacbiga Soomaaliyeed sida wayn u soo dhaweeyeen waxaa Madaxwayne Max’ed C/llaahi farmaajo iyo Ra’iisalwasare Khayre durbadiiba bilaabeen in ay shacbiga soomaaliyeed ku wacyi galiyeen la dagaallanka Musuqa oo ah dilaaga dowladnimada iyo rajada shacabka, waxayna fagaarayaal badan si aan leex leexad lahayn kaga cadeeyeen in ay muhiimadda koowaad siinayaan ciribtirka musuqa.

Ra’iisalwasaare Khayre oo ka hadlayay dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto baabi’inta iyo xididdo siibidda  musuqa meel kasta uu ka jiro ayaa yiri

“Soomaaliya waxay la dagaalamaysaa Musuqa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasaaraha waxayna diyaar u yihiin in wadankaan lagu maamulo cadaalad ,Musuqmaasuqana lagu jihaado,Waxaan idinka codsanayaa in aad nagala qayb qaadataan jihaadkaas,Musuqmaasuqu waa cudurka ugu xun ee ku dhaca nidaam dowladeed,Meel uu Musuq ka jiro Caddaalad kama jirto meel Musuq ka jiro horumar ka ma jiri karo,Meel uu Musuq maasuq ka jiro nabadgalyo ma imaan karto,Meel uu musuq maasuq ka jiro isku kalsooni ma jirto, Meel uu Musuq maasuq ka jirana  Alle ka cabsiga waa ku yar yahay”.

Dhaqan doorsoonkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato lahayn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?. 1- in la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyo  ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-in la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban, tallaabadaas oo Ra’iisalwasaare Khayr horay u qaaday.
3-in sidoo kale dib loo hubiyo loona tira kobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

.4-in Xukuumaddu hubiso  qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay,xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.
5-in xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta haydaha dawladda lagu xulo xirfad  lagana hortago qof jaclaysi iyo qaraabakiil.

5-in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qaybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad wayn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya.

Maxaa Tallaabo ah oo laga qaaday la dagaallanka Musmaasuqa? Waxaa la xiray  Sarakiil lagu eedeeyay in ay gargaar Musuqmaasuqeen, Waxaa xilka laga qaaday Masuuliyiin la sheegay in ay xadeen hantida dadwaynaha,qaar kalana shaqada laga fadhiisiyay, Madaxdii Kastamka Dekedda ayaa xabsiga loo taxaabay, oo loo haysto lunsasho hanti dadwayne.

Hawlgalka la dagaallanka Musuqmaasuqa wuxuu gaaray Safaaradaha, waxaana  Ra’iisalwasaare Khayre ku amray dhamaan shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaanta waqooyi in ay dalka soo galaan si loola xisaabtamo.

Waxaa la badalay Garsoorayal maxkamadeed,kuwa kalana shaqada ayaa laga joojiyay. Sidoo kalana waxaa xabsiga la dhigay Saraakiil ciidan.

Gabagabadii Qormada Musuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah,waxaana  jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka dowladnimada Soomaaliya.

Qallinka:- Gobdoon

 

Ololaha is-xilqaan oo si dar-dar leh uga socda Muqdisho

0

Muqdisho September 4 (SNTV):-Dowladda hoose ee Xamar ayaa howlo nadaafadeed ka billoowday Maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cadde International Airport.

Agaasimaha waaxda nadaafadda Dowladda hoose ee Xamar ayaa sharraxay ololahaani nadaafadeed ee Maanta la fuliyay.

Taliyaha saldhiga Boliiska ee Garoonka Aadan Cadde , G/Sare Axmed Maxamed Cali (Gaalkacayo) ayaa Dowlada hoose ku ammaanay dar-dargelinta barnmaajika is-xilqaan.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, waxa ay sheegtay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta bilicda Caasimadda.

Ololahan nadaafadeed oo qeyb ka ah Barnaamijka is-xilqaan ayaa si xowli ah ugu socda Degmooyinka Gobolka Banaadir tan iyo markii ay Madaxda Dowladda dhexe ku dhowaaqday dhawaan

.

 

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

0

Muqdisho September 4 (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa wada guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Ramaphosa, iyadoona lagu lafo-gurayo dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ka qayb-galka Soomaaliya ee Madashan uu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa sidii ay ugu qancin lahay maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay maalgashadaan ilaha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.”

Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha ay saddexda sano ee soo socoto ku bixinayaan maalgashiga Afrika lacag gaareysa 60 bilyan oo Doollar.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalibta berri ah.

Magaalada Cadaado oo Maanta uu ka furmay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Cadaado Book fair

0

Magaalada  Cadaado ayaa waxaa maanta ka Furmay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Cadaado Book fair.

Bandhiga Carwada Buugaagta ee cadaado waxaa ku sugan Dadwayne farabadan oo ka kala yimid Gobalada dalka iyaago ka qayb galaya Bandhiga Carweedka lagu qabtay maantay magaalada Cadaado.

Bandhiga ayaa waxaa ka soo qayb galay maryti sharaf kala duwan

kowaso uga kala yimida meelo kala duwan ka qaybgalka Bandhig Carweedka markii ugu horeysay laga furay Cadaado, ka qayb galayasha ayaa waxay isku jiran qorayaal iyo Abwaano Soomaaliyeed, oo  kala yimid gudaha dalka.

Cadaado ayaa markii ugu horeysay marti galinaysa Bandhiga Carwada Buugaagta ee lagu magacaabay Cadaado Book fair.

  

Cabdullaahi Gaafoow oo Ku Guulaystay Kursigii Doorashada ee Golaha shacabka.

0

Cabdullaahi Gaafoow maxamuud ayaa ku guulaystay Doorashadii goor dhaweed lagu soo qaba gabeeyay magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Kurisgaan oo ahaa mid ka banaanaa islamarkaana dhawaan iska casilay  xubinnimada Barlaamaanka C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa maantay waxaa si rasmiyaha ugu guuleystay Cabdullahi gaafoow, kadib markii ay ku tartameyn Xiirey Muxudiin Cumar iyo Cabdulaahi Gaafoow.

Xiirey Muxudiin Cumar ayaa codaadkii la tiriay helay ilaa 7 cod,halka Cabdulaahi Gaafoow  Maxamuud uu helay ku dhawada 43 cod,waxana halaabay 1 cod.

Cabdulaahi gaafoow Maxamuud ayaana ku soo baxay Doorashada Xildhibaanimada Golaha shacabka ee Kursigaan ayaana ah kursi ka banaan golaha shacabka iyo Matalaada Deganaada Galmudug.